Sheekh Xasan Albanaa

Ka Wikipedia

File:SHBana.jpg

Sasha Rafiie
Sasha rafii: 14 Oktoobar, 1906
Ku dhashay: Masar
Dhintay: 12 Febraayo, 1949
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Masaari


Imaam Xasan Axmed Cabdirixmaan (Imaam Xasan Al Banaa) waxaa uu dhashay barqanimo maalin Axad ah 25kii bisha Shacbaan sanadkii 1324(Hijiryaha) 14kii October 1906, waxaana uu ku dalka Masar deegaanka loo yaqaano Buxayra, oo ka tirsan deegaanka maxmuudiya.

Imaamku waxa uu ka soo jeeday reer beeralay ah, Awowgii Cabdiraxmaan waxa uu ahaa FALAAX. Aabihiis Axmed waxaa uu ahaa inankii ugu yaraa caruurtii uu dhalay Cabdiraxmaan waa uu ka leexday xirfadii aabihii iyo awoowyaashii waxana uu u leexday dhinaca wax barashada oo ahayd mid ay la rabtay hooyadiis. Sh. Xasan Al Banna aabihii waxa uu Quraanka ku xifdiyay tuuladii ay degenaayeen ka dibna waxa uu cilmi kororsi u tagay magaalada la yiraahdu Ismaaciiliya halkaas oo uu masjidka lagu magacaabo JAAMIC IBRAHIIM BAASHA” uu ka baran jiray culuunta Islaamka, Waqtiyada uu firaaqda yahay Sh.Axmed oo dhalay imaanka waxa uu ka shaqaysan jiray dukaan saacadaha lagu sameeyo halkaas oo uu ka bartay xirfadii uu markii danbe ku shaqaysan jiray ee ahayd samaynta saacadaha.

Imaamu shahiid Xasan Al Banna Aabihii waxa uu ka mid ahaa culimadda waa weeyn ee qarnigii labaatanaad sida aadka ah ugu khidmaysay sunnada Nabiga (CSW) wuxuuna alifay kutub kutub badan oo ah culuumta Axaadiista iyo fiqiga.

Imaam Xasan Al Banna xiligii uu yaraa Aabihiis Axmed ayaa waxaa uu ku biiriyay dugsi ka midda dugsiyadda Quraanka lagu xifdiyo (lagu qaybo)

Waxaa uu ka soo qaatay aqoontiisa 20 Imaamku oo uu ugu horeeyay aabishiis Shiikh Axmed Cabdiraxman. oo ka mid ahaa culumada ugu waa weynayd dalka ,waxa uu waxbarashadiisa hoose ku qaatay dugsi lagu magacaabo Arshaad (Hanuunka) ka dibna waxa uu ku biiray dugsiga macalimiinta ee ku yaalay Dannuur.isagoo wax ka soo bartay oo Daarul culuum oo ku taalay magaalada Qahira ee Dalka Masar1927 xilgaasi oo uu ka qalan jabiyay .

Xasan Al Banaa ayaa waxaa uu ka Aas aasay Magaalada Ismaciliya Dacwada Islaamiga ah isagoo bilaabay inuu dadka dhalinyarada u badan ahmiyad gaar ah siiyo sidii diinta islaamka ay u fahmi layeen isla markaana ay Raayada Islaamka (calanka Islaamka )kur ugu qaadilayeen waxaana uu helay dad badan uu ku raacay fikirkaasi.


Aas aaskii Ururka Ikhwaanul Muslimiin[wax ka badal | wax ka badal xogta]

1928 Sanad ka dib markii uu dhamaystay wax barashadii Magaalada Qaahira uu ka waday ee Xarunta Macalimiinta Daarul culuum ayaa waxaa uu aas aasay Xarakada Ikhwaanul Muslimiin ka dib markii uu arkay islaamku in dhibaato ku bilaabatay markii ay bur burtay Khilaafadii Islaamiga ahayd ee Cuthmaaniyiinta 1921,isagoo kula hishiishay 6 walaalihiis ah in ay diinta u wada shaqeeyaan waxayna kala ahayn ragii la hishiisay Xaafid cabdixamiid, Axmed al Xasri,Fuaad Ibraahim, Cavduruxmaan Xasabullah.Ismaciil Ciza iyo Zakariya Al Maqribi iyagoona ka dhiidhiyay fikradaan iminka dunida meel kasta wada gaartay kana mid noqtay xaradaadka ugu waa wayn islaamka ee iminka jira 80 sano ka dib markii la aas aasay.


Shirqoolkii lagu dilay Shiikh Xasan Axmed Cabdirixmaan (Xasan Al Banaa) .[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Shirqoolka dilka ah ee lagu dilay Imaamka ma aheen mid naftiisa oo kaliya ah lagu doonayay in la khaarajiyo balse waxay ahayd tilaabo lagu doonayay in looga takhaluso dawcada Ikhwaanul Muslimiinka sidaa waxaa yiri mid ka mid ahaa Asxaabtii shiikha.

Qaabkii uu u shahiiday Shiikh Xasan Al Banna ayaa waxaa nooga sheekanaya Ustaad Cabdikariim Masnuur oo habeenka la dilayay ahaa ninkii kaliya ee la socday kana bad baaday in uu dhinto balse dhaawac halis ah uu haleelay.

Waxay ahayd abaarihii iyo 8:15 PM galabnimo Sabti ah taariikhduna tahay 12kii February sanadkii 1949kii , waxaan aaday Xarunta dhalinyarada Muslimiinta ay ku shiraaan waxaana loo sheegay in ay Dawladda Masar doonayso wada hadal waxaana lagu yiri waxaa ka soo qayb gali doono kulanka masuuliyiin Dawladda ah, balse cidna ma aysan imaan shiikhuna meesha ayaa uu u aaday si uusan u noqon nin balan ka baxay ,waxaan tukanay salaadii Cishaa'iga cid Dawladda ka tirsana ma imaan waxaa uu yiri Xasan Al banaa waa baxanayaa waana baxnay aniga iyo Shiikha ,waxaana aadnay banaanka Xarunta, waxaan u yeeranay gaari Taksi ah gaarigii ayaan raacnay ,waxaa uu fariistay Imaam Xasan Al Banaa kursiga danbe ee gaariga aniga waan la fariistay anigoo ka dhan midig ka xigsatay,isla markiiba waxaa jidka bartankiisa taagan labo nin,mid ka mid ah ayaa nagu soo dhaqaaqay oo waxaa uu doonayay in uu dariishada gaariga balse aniga ayaa u diiiday laakiisne waxaa uu sitagay bastoolada balse daaqadii ayaa uu furay isagoo laabta xabad iiga dhuftay sheikh Xasan Al banana meeshaasi ku qaarajiyay