Suldanada Dawaro

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Sultanate of Dawaro)

Sultanate of Dawaro (Soomaali Saldaanada Jaarso) waa boqortooyo ka talin jirtay Gobolka Harerge, Gobolka Baali iyo Gobolka Shawa ee dalka Ethiopia sanadkii 1210 ilaa 1239 kii waxaana Amiir ka ahaa Sheekh Ḥaydar (Haydara), Dawaro waa beel ka mid ah qabiilka Jaarso.

Sultanate of Dawaro waxay ka mid ahayd boqortooyinkii ka far camay Boqortooyadii waynayd ee Jaarso Sultanate ee uu hogaamin jiray Halgamaa Sheekh Abuubakar Waale Raximuhlaah ka dib markii ay burburtay saldanadaasi sanadkii 1200kii,

burburka ka dib waxaa awoodii boqortooyadii Jaarso la wareegay Saldanadan Dawaro iyadoo maamulkeeda ku balaadhisay meelo ka baxsan dhulkii ay saladanadii hore maamuli jirtay, inkastoo loo arkayay Saldanad beel gaar ah lee dahay ayay hadana dadaal dheer oo ay galeen madaxdii saldanadan oo uu ugu horeeyay Amiirkii boqortooyada Sheekh Ḥaydar (Haydara) waxay ku guulaysteen in ay qanciyaan umadahii kale, iyagoo awoodoodina ku balaadhiyay Bariga iyo Bartamaha Ethiopia kana mid noqday boqortooyoyinkii mandaqadan soo maray kuwii ugu awooda badnaa uguna waynaa ilaa iyo hadana la xuso taariikhdooda.


Sultanate of Dawaro waxaay markii danbe u xuub siibatay boqortooyadii Ifat Sultanate ee uu hogaaminayay Sultan SabiradDīn Maḥamed sanadku markuu ahaa 1329kii. sababihii keenayna in ay u xuubsibata waxaa ka mid ahaa boqortooyadan oo loo arkayay in ay xambaarsan tahay magac beel loona baahnayn boqortooyo magac beel xambaarsan in ay umada hogaamiso hadaba si loo helo magac kulminaya Muslimiinta Geeska Afrika ayaa la isku raacay in magaca lagu bedelo Ifat Sultanate sidaasayna boqortooyadii waynayd ee Sultanate of Dawaro iskugu badashay Ifat Sultanate sanadkii 1239kii madaxna waxaa looga dhigay Sultan SabiradDīn Maḥamed.