Itoobiya

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Ethiopia)
Itoobiya
Federal Democratic Republic of Ethiopia
Calanka Itoobiya Astaannta Qaranka ee Itoobiya
Calan Astaannta Qaranka
Qaarada Afrika
Astaanta Calanka
Wodefit Gesgeshi, Widd Innat Ityopp'ya
Location of Itoobiya
Location of Itoobiya
Caasimada Addis Abeba
Luuqada(ha) Looga hadlo Amxaari
Af-Soomaali
Af-oromo
Af-Tiigree
 -  Madaxweyne Sahle-Work Zewde
 -  Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed,
Area
 -  Total 637,661 km² 
246,201 sq mi 
 -  Biyo (%) 7.8%
Cadadka Dadka
 -  2015 qiyaas 102,474,625 
Lacagta Birr
Wakhtiga EAT 

Itoobiya (/iˈpiə/; Af Amxaari : ኢትዮጵያ, ʾĪtyōṗṗyā, ku saabsan galkaan dhageyso codka) sida rasmiga ah loo yaqaanno Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, waa wadan ku yaal Geeska Afrika, waxa uuna xuduud la leeyahay wadamada Jabuuti, Suudaan,Koonfur Suudaan, Ereteriya, Soomaaliya iyo Kiinya. Caasimada Itoobiya waa Addis Abeba. Wakhtigii gumeysiga, dagaal badan baa udhaxeeyey dawladda Darwiish ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo Menelik II.

Itoobiya waa wadan weyn oo aan badd lahayn, waxa uu leeyahay 4 wabi oo waaweyn kuwaas oo kala ah:- wabiga Niil, omo, Awash, iyo Wabiga Shabeelle. Itoobiya markeedii hore waxaa la dhihi jiray (Abyssinia), laakiin waxaa lagu bedelay itoobiya, oo micnaheedu yahay (Madoow ama Dhulkii dadka Madoobaa). Waayadii hore madaxdii Giriiga iyo Romaanka waxa ay la shaqeen jireen hoggaankii itoobiyaanka.

Juquraafi

Itoobiya
Waa meel kaniisad ah, waxee addis ababa u jirt 640 km.
Kaniidaha waaween, oo ku yaalo itoobiya
Boqortii itooiyaanka Gurigoodii
Misaajid ku yaalo, magaalada Haraar


Itoobiya waxee ku taalaa Geeska afrika, waxeena xuduud la leedahay, wadamada, Eratareya, Jabuuti, Soomaaliya, Kiinya iyo Suudaan. Itoobiya waxaa dhaxmaro, wabiga ween ee looyaqaan Wabiga Niil. Itoobiya waxaa ka baxo Bun iyo qamadi. Eratareya sida ee uga go'day itoobiya wax xeeb ah badda kumalahan.

Jawiga

Itoobiya waa dhul cagaaran laakiin waqooyiga itoobiya aad ayee u kulushahay, roob badan maka dao. Xili yaasha oo roobka ka dao itoobiya waxaa ka mid ah, bisha maarso iyo abriil, oo roob aad u yar ka dao, juun ilaa Sebteembar neh, waxaa ka dao roob xoogaa ween. Waqooyiga itoobiya waa meel qaleel ah, meelo badan oo ka mid ah neh waxaa lagu magacaabay, meesha aduunka uugu kulul. Gobalka somaalidu waa gobalka 2 aad ee ugu wayn dalka ethiopia marka laga reebo gobalka oromia. Waana qowmiyada 3 aad somalidu ee ugu badan dalka ethipoa. 1 oromada. 2 Amharada. 3 Somaalida. 4 Tigrey.

shacabka

Wadanka itoobiya, . Waxaa u badan Oromo 40 % iyo Amxaaro 25 % Soomaalinta waa 20% Kuwa kale oo 6 % ah waa Tigrayga.

Luqadaha

Dadka degen wadanka Itoobiya waxee ku hadlaan luqado gaaraayo 67 ilaa 79 luqadood oo kamidtahay afka soomaaliga.!!~?

Luqada ugu ween oo lagu wada hadlo waa Amxaari.

Diimaha laga caabudo

Itoobiya waxaa laga caabudaa diimo aad u badan. 45% waa krishtaan, 51% neh, waa Muslimiin. 3,2 % neh waa diimo kale, oo laga caabudo.

Kalandar

Itoobiya waxee leedahay, kalandar u gooni ah. Sanadkooda waa 13 bilood, 11 Sebteembar waa maalinta uugu horeeyso sanadka. 12 sebteembar waa maalinta labaad markii oo buleerka la riday. Kalanderka itoobiya, waxoo raacsanyahay, waqtigii oo nabi ciise, dhashtay kadib.

8 sano ee ka danbeeyaan kalanderka wadamada galbeedka. ayaga marka ee sanadkooda cusub 2003 ee soo dhaweenaayaan, wadamada galbeedka waxee u tahay 11 sebteembar 2010.

Dhaqaale

Itoobiya waxee ku dadaaloosa kordhinta dhaqaaloheeda, waxeena sanadihii nasoo dhaafay noqotay wadanka kaliya ee qaarada afrika oo wax saliid ah ku xirneen oo dhaqaalohiisa kor u kacay. Dhinaca kale siyaasiinta itoobiya ma ku dadaalaan horumarinta bulshada ku nool dalka itoobiya. Wadanka itoobiya waxaa ka jirto abaar aad u badan, waana wadan beero iyo wabiyaal badan leh. Dadka ku nool itoobiya 100kiiba 80 waa reer baadiye. Marka aa fiirino gobolka soomaali galbeed kaliya, run ahaantii gobolkaan waa gobol ismaamulo, oo wax caawin ah ka helin siyaasiinta itoobiya, waxaana ka jiro dagaal. Waxaa u maleenaa dhaqaalaha gobolkaan in ee ku tiirsantahay dalka soomaaliya, sababto ah, waxyaabaha laga gado dalka soomaaliya, wee ka raqiisanyihiin kuwa itoobiyaanka.

Cafimaad

Wadanka itoobiya wuxuu ka mid yahay wadamada Afrika cudarka HIV AIDS-ka saamayn aad u weyn ku yeeshay.

Taariikh

Geeska Africa intee dhacdaaa Itobiya Fascinating Ethiopia.

Xubin

Waddamha La Deggan Abyssinia

«Addis Ababa».!!’?’



Iiraan!200+:

[[1]]



  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2022-07-22. Soo qaatay 2022-08-08.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)