Taariikhda Holland

Ka Wikipedia

Dhulka loo yaqaan maanta howlanda ee dhaca waqooyi galbeed yurub waxa uu leeyahay Taariikh qoto dheer oo ka soo bilaabatay waagii roomaanka, waxaana soo xukumay kaaroolanjiyiinta, sidoo kale qarniyo badan waxa uu qeyb ka ahaa imbiraadooriya Roomaanka muqadaska sanadkii 1433 door borganda ayaa qabsaday, waxaa sii xigay qoyska habisborg boqorada isbayn inay u gacanta ku dhigaan Holland, biljin iyo loksombarg 1477, waxeyna ku mideeyeen magaca "dhulalka hooseeya" sanadkii 1581 waxaa lagu dhawaaqay jamhuuriyada Holland ee madax banaan waxaana bilaawday halgan dheer oo ka dhan ah habisborg ilaa uu ka guuleestay 1648. Waxey Holland qeyb ka noqotay dalalkii gumeystaha, waxey gumeysatay induniisiya iyo siri laanka, waxey sidoo kale mustacmaro ka sameysteen meelo dhaca waqooyi ameerika sida new amisterdam oo markii dambe loo bixiyay new york.

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]