Talk:Gubta

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Degmada Dayniile waxa ay ka mid tahay Ddegmooyinka ugu caansan Gobolka Banaadir. Waxa ay dhacdaa dhanka Galbeed Magaalada Muqidisho in lagu qiyaaso 12 Km. Dayniile waa degmo facweyn aadna u balaaran, waxa hoos tegi jiray intii aan xornimada la qaadan Degmooyinka Wardhiigley, Howlwadaag, Hodon, Buulo-Xuubey iyo qeybo Yaaqshiid ka mida ah. Degmada Dayniile waxaa degan beesha Garfuul" Murusade" oo ka mida beelweynta Hawiye. Beesha Murusade waa beel dulmiga,gardarada iyo gumesiga neceb. Markii boqortooyadii Ujuuraan wadanka xadgudubka iyo tacadiyada ku heysatay koofurta Soomaaliya,Dayniile waxaa laga abaabulay dagaaaladii lagu jebiyay boqortooyadii Ujuuraanka. Beesha Dayniile waxa ay xulufo la ahaayeen Geledi iyo wacdaan. Markii gumeystahii reer Yurub wadanka ku soo duuleen 1894 kii,waxaa ay reer Dayniile gaashaanka u daruureen in Talyaani ama Engriis uu qabsado degmadooda. Talyaanigu waa ku guul dareystay in uu marin ka dhigto una gaaro webi shabeelle iyo dhulka gudaha (hinterland), illaa ay ku qasbeen in uu Lafoole ka wareego, ka dibna sheikh Hassan Hussein hogaamiyihii beesha Wacdaan isagoo kaalmeysanaya dagaalyahano Geledi iyo Murusade ah in uu dhegta dhiiga ugu daro gaalkii edebta daraa ee taliyaha u ahaa ciidankii Talyaanigu Soomaaliya uu soo diray, waxaana la dhihi jiray Antonio Cecchi 1896.Waxa kale ee Dayniile laga abaabulay dagaaladii Talyaaniga Xamar lagula galay sida kii Dagaxtuur ee dhacay 1949.

Duqoowdii (Hogaamiyayaashii) Dayniile Soo Maray'

Deegaanka Dayniile waxaa soo xukumay hogaamiyayaal hal adag,kana soo badbaadiyay deegaankaas xaaladihii adkaa ee soo maray sida Xukunkii Ujuuraan iyo gaaladii wadanka ku soo duushay ( Amxaaradii,Talyaanigii iyo Ingriiskii).

(waa socotaa qormadaani)

'waxa kamaida melaha caanka ah ee ku dayniile Yaal.


Xero jarmal guul wadayaasha Raadeerka Garoonka Maxa Liga ah ee dayniile Ceelka tusbaxle iyo Xool qalka Mubarak dayniile waxakaloo ay caan ku tahay waxa ay tahay waxa ku yalay xerooyinkii muqdisho dayniile waxa ay ledahay xafado badan waxa ka mid ah gubta ciiso cabdi xafada buulabocley gubta barwaaqo gubta faraweyne xafada radeelka xafada kurdamac buulo mugdi dagmada abtooy burdheer Alhuda xafada odweyne xafada isxijiwaaq waxa ay kaloo caan ku tahay waxa ku yaal cisbitaal dayniile waxa ku yaal iskuul hose dhexe oo logu magac daray dayniile waxa ay ledahay jamacada muqdisho