Thiin tirsiimo

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Tiro tirsiimo)
Waxaa suuragal ah tiro tirsiimada in loo adeegsado tirada (Tufaax, laba tufaax saddex tufaax, iwm) halka sare ilaa halka hoose.

Xisaabta, thiin tirsiimo ama thiin dabiici ama tiro tirsiimo ama marmar loogu yeero Tiro idil waa tiro kasta oo abyoone Togan ah 1.2.3...12.765, qaar ka mid ah xeeldheerayaasha xisaabta waxay ku kordhiyaan eberta, waxaana loo suntaa xarafka (N) sida la isku raacsanyahay eber kamid maaha tiro tirsiimada, waa urur tirabeel ah oo aan dhamaanayn waligeed waxaana ugu yar 1.

Oodanaanshaha tiro tirsiimo, haddii aynu isgeyno laba tiro tirssimo wadartoodu waxay noqonaysaa tiro tirsiimo kale.

Tusaale

  • 5 waa tiro tirsiimo, sidoo kale 3 waa tiro tirsiimo
  • 5 + 3 = 8 waa 8 qura.

8 oo ah wadarta tirooyinka 5 iyo 3 waa tiri tirsiimo.

Haddii tirooyinka tirsiimo laysu geeyo wadartoodu waa tiro tirsiimo kale.

  • 19 + 4 = 23 iyo 23 qudh ah
  • 6 + 6 = 12 iyo 12 qudh ah
  • 10 +90 = 100 iyo 100 qudh ah
  • 1429 + 357 = 1786 iyo 1786 qudh ah

Sisaa awgeed ururka tiro tirsiimo waa ku oodmaa isugeygta.

Oodan lahaanshaha isugeynta Haddii a iyo b yihiin tiriiyinka ku jira ururka tirsiimo markaa a+b waa tiro ku jirta ururka laftiisa. Haddii aynu qaadano xisaabfal kala goynta, meeshii isugeynta waxaynu ogaaneynaa in kala goynt aaney oodin uruka tirsiimo. Sida 9 - 9 = 0 iyadoo aan 0 ahayn tiro tirsiimo.

Summadaha loo adeegsado

Summadda tiro tirsiimo.
  • Saafid tireed

45 waa 32·5.

Tsaale:

11 = 11
25 = 5 × 5 = 52
125 = 5 × 5 × 5 = 53
360 = 2 × 2 × 2 × 3 × 3 × 5 = 23 × 32 × 5