User:Baardheere

Ka Wikipedia

Isticmaale: Baardheere waxaan bilaabay ururinta iyo diiwaangelinta xogaha wax ku oolka ah ee Soomaaliya sanadkii 1991 aniga oo wadanka Canada jooga.

Waxaan ka dhiidhiyay taariikhdii qaran, shaqsi iyo noloshii sooyaalka ahayd ee Soomaaliyeed oo mar qura badda lagu daray. Ummadaha aduunka waxay ururiyaan oo ilaaliyaan xitaa shahaado guur ama dhalasho oo shaqsiyaad aan bulshada dhexdeeda aan magac ku lahayn; qoraal kale oo qiimo bulsho leh warkiisa iskaba daa.

Ururintayda waxaan ku bilaabay suugaanta aniga oo maahmaayo iyo sheekooyin yar yar ururiyay qaar Af Soomaali ahaa iyo kuwo aan Ingiriis ka tarjumay. Ka dib waxaan u kuurgalay inaan raadiyo qodobo taariikhdi diinta, nolosha miyiga iyo adeegsiga cilmiga xidigiska, anfaca xoolaha iyo dhirta, nidaamka degaanka bulshada iyo xeerarka sida go'aanada qadarinta talada xeerbeegtida,khilaafyada iyo xalka, nolosha magaalo ee dhulka xeebaha iyo degaanada gudaha, nidaamyadii dowladeed, waxbarashada heerarka hoose ilaa tacliin sare, ganacisga, shaqada iyo waxsoosarka dalka Soomaaliya beeraha, xoolaha nool iyo manaafacaadkooda sida caanaha, hilib, maqaarka iwm, kaluumaysiga iyo guud ahaan ganacsiga adeega iyo beecsharada.

Mid walba oo ka mid ah qodoba kore waxaan ka sameeyay tifaftir ama qoraal dheer tan iyo sanadkii 1991. Qaar ayaan fursad u yeeshay inaan so.wikipedia.com ku daabaco sida xiriirka hada ku keenay boggaan.

Burburkii 1988-1991 qaran iyo hayaankii bulsho (Xabadi Keentay iyo Xabadi Sugtay) ee xigay ayaa saamixiwayday in ay jiraan xarumo lagu kaydiyo xogteenii qaran ee ugu yaraan 200 sano jirtay sida abwaano ilaa 20 ah oo gabayadoodii la hayo kuwaas oo ku beegnaa 1200 Hijrada ama 1700 Miilaadiyada. Wax ala waxaan helo buug; qoraalo gaaban iyo daabacad barta Internetka ayaan ka xigtay in ku dhow 60 qodob oo aan hayo qaarna daabacay.