User talk:Baardheere

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Waad ku mahadsantahay qoraallada aad kusoo biirisay Bogga wikipedia qaybta Af-Soomaaliga, waa loo baahanyahay ruux sidaada oo kale ah, ee qora waxyaabaha muhiimka ah sida: taariikhda, waloow Soomaalidu boggaan ay ku qoraan waxyaabaha quseeya qabiillada.

Hadii wax la qoro waxaa loo baahanayay Xigasho ama meel loo raaco warka aad qortay si loo ilaaliyo xuquuqda qoraalleha, halkaan eeg xigasho Dadbadan ayaa jira wax iska qora marka adiga waad ku mahadsantahay qoraalkaada waliba waxaan ku sameeyey dayactir, waxaan jeclaan lahaa inaad sawirka astaanta u ah Guddigaas inaad soo galiso hadii uu jiro.... Mahadsanid.

Boggaan Wikipedia:Xeerka Wiki Qaybta Af-Soomaaliga Waxaa soo gala dad farabadan oo wax ku qora waxaana jira halbeeg la adeegsado oo ah xoriyad ayaan dareemayaa wax alla wixii aan rabo baan qorayaa.

Marka maaha sidaas ee qor wax macquul ah oo dadka ay isku raaci karaan iskana hubi waxa aad qortay.

Halkaan eeg xitaa Masuuliyadda


--Abshirdheere (talk) 21:57, 21 Maarso 2013 (UTC)

--Baardheere Abshirdheere, walaal waa sida aad sheegtay; arinta xigasho la'aanta iyo guud ahaan qoraalo aan anfac lahayn inay dadkeena qoraan waa wax laga fiicanyahay. Dad badan oo qurbaha iyo wadanka jooga ayaa fursad u leh inay dhaxal ka tagaan oo jiilasha dambe wax un wanaagsan uga tagaan gaar ahaan hadii taariikhdeenii mid qoran iyo mid oraah intaba la baabi'iyay mudadan 25 sano iwm. Xafiisyadiina waa la bililiqaysatay dadkii waayeelka ahaana daryeel la'aan ayay u wada dhamaadeen. Hada waa inaan England iyo Italy iyo America Middle East iyo Europe ka socsanaa waxay naga hayaan oo taariikh ah inay copy naga siiyaan.

Tirtirist Bog qaldan[wax ka badal xogta]

Waan ku salaamay Baardheere! waxaan rabay inaan ku ogeeysiiyo tirtirista bogga Cabdiqaadir Xirsi Siyaad Yaman kaasoo qoraalku ka qaldamay kuna bedeshay Cabdiqaadir Xirsi Siyaad Yamyam marka intaas la soco mahadsanid Abshirdheere 15:22, 31 Maarso 2013 (UTC)

User:Baardheere Mahadsanid walaal Abshirdheere fadlan tirtir bogga "Yaman" halka Yamyam laga rabay. Waan balaarin bogga Hadraawi hadii Alle idmo Raage Ugaas iyo Suldaan Timacadde iyagana bog ayaan u abuuri. Bogga Suugaanta ayaan raay inaan 2 maqaal ku daro dhawaan; mid hada waxaa u qoran Suugaanta Soomaalida-waa ciwaan u eg inay cid shisheeye qortay. Magac iyo ciwaan ka wanaagsan ayaan raadin. Mudo ayaan qorayay qodob ama maqaal ku saabsan Suugaanta Soomaaliyeed oo aduunka runtii magac ku leh. Waa tan na loo yaqaan "The Land of Poets."

Mar labaad waan ku salaamay, waxaan rabaa inaan ku xusuusiyo sxb marka hore hubi magaca intaadan samaynin in uu jiro iyo in kale tusaale ahaan halkaan ka baar oo ay tradu ku qorantahay guji halkaan [1] hadii aad ka weyso waad samayn kartaa mahadsanid. Abshirdheere 23:46, 31 Maarso 2013 (UTC)

Codsi Ku saabsan erey bixin[wax ka badal xogta]

Waa ku salaamay maadaama aad sheegtay in aad doorbideeyso isticmaalka Luqada Af-soomaaliga waxaan jeclaan lahaa inaad iisheegto fadlan ereyedaan hoos ku qoran waxay ay Af-Soomaali ku noqonayaan.

  • Gross national product - Wax soo saarka Guud ee Qaranka
  • Gross domestic product- Wax soo saarka Guud ee Gudaha
  • Gross national income - Dhaqaalaha Guud ee Qaranka
  • GDP deflator - Rogaha WGG
  • Inflation - Sicirbarar
  • purchasing power parity, PPP - Awood Sinaanta Iibsiga ASI
  • Foreign exchange reserves - Kaydka Lacagta Qalaad
  • Special Drawing Rights - Xaquuqaha Kayd Gaarka
  • Gross world product (GWP)- Wax soo saarka guud adduunka (WGA)
  • Corruption Perceptions Index (CPI)- Tılmaamaha Male Musuqmaasuq (TMM)
  • Consumer price index - Tilmaamaha Beeca Macaamiisha
  • Gini coefficient - Wehliye Sadbursi
  • Stock market index - Tilmaamaha Suuq Wadareedka
  • Economic growth - Kobaca Dhaqaalaha
  • Millennium Development Goals - Hadafka Horumarinada Kunsadle
  • Balance of trade -Baaqıga ganacsi
  • Balance of payments - Baaqıga qaameed

Abshirdheere 13:44, 12 May 2013 (UTC)

Ereyada Ganacsiga, maaliyada iyo Banuugta[wax ka badal xogta]

Saaxiib waa sidan; intaan awooday ee ereybixin ah. Inta badan habayn unbay u baahnaayeen ereyadan qaarna anigaa "ereytumid" ku sameeyay maadaama aan fahan wanaagsan ka haystay dhigooda markuu Af Ingiriis yahay.

Saaxiib waa sidan; intaan awooday ee ereybixin ah. Inta badan habayn unbay u baahnaayeen ereyadan qaarna anigaa "ereytumid" ku sameeyay maadaama aan fahan wanaagsan ka haystay dhigooda markuu Af Ingiriis yahay; erey walba hortiisa ayaan ku qoray macnaha Af Somali.

Waa kuwaan ereyadii aad iga codsatay gebi ahaanba. Qaar horay ayay u abuurnaayeen, qaarna "ereytumid" ayaan ku sameeyay. Wixii iga khaldan kolay mar unbaa la sixi doonaa. Waxaa jira kayd 1970yadii la sameeyay wasaarada walba markaas oo wasaaradaha ay ka koobnaayeen 18; mid walbana ereyo door ah loo sameeyay ka dibna qaasmuuskii waynaa lagu biiriyay.

  • Wax soo saarka Guud ee Qaranka
  • Wax soo saarka Guud ee Gudaha
  • Dhaqaalaha Guud ee Qaranka
  • Rogaha WGG
  • Sicirbarar
  • Awood Sinaanta Iibsiga (ASI)
  • Kaydka Lacagta Qalaad
  • Xaquuqaha Kayd Gaarka
  • Wax soo saarka guud adduunka (WGA)
  • Tılmaamaha Male Musuqmaasuq (TMM)
  • Tilmaamaha Beeca Macaamiisha
  • Wehliye Sadbursi
  • Tilmaamaha Suuq Wadareedka
  • Kobaca Dhaqaalaha
  • Hadafka Horumarinada
  • Baaqiga ganacsiwaydaar
  • Baaqiga qaameed
Baardheere (talk)