User:Daadir

Ka Wikipedia

Assa Laamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh Aniga Magaceyga Waa C/qaadir Nuur Faarax Xassan Ku Dhashay Waddanka Kenya Gaar Ahaan Magaalo Madaxdiisa Nairobi Xaafadda South B Isbitaalka Mater Hospital Sanadku Markuu Ahaa 1986 Bishiisii 4aad Maalinteedii 21aad Maalin Isniin Ah Hooyadey Waa Faaduma Hussein Mohamed {Faadumo Awreye} Waxaa la i geeyay dhulkeyga hooyo soomaaliya sanadka markuu ahaay 1987 kii bilihiisii danbe halkaasoo la ii geeyay Ayeeydey Hooyadey Dhashay Oo Magaceeda La Yiraahdo Xaliimo Shiikh Cusmaan(Seyruuq) Soomaaliya waxaa la iga geeyay Caasimadda Dalka Muqdisho Gaar Ahaan Degmada Wardhiigley Gaar Ahaan Xaafadda Cali Kamiin Halkaas oo aan ku soo barbaaray Kuna soo qaatay nolosheeydi inti ugu Xasuusta iyo xiisaha badneyd iyo Weliba Waxbarashadeydi Dugsiyadii Hoose Dhexe Iyo Sare Dugsi Hoose Dhexe Waxaa Ku Soo Qaatay Iskiil Maxamuud Xarbi Halka Dugsi Sarena aanku soo qaatay Iskuul Axmed Gurey Waxbarashadeydina iigu Dhamaatay Sanad Dugsiyeedkii 2003/2004 31ki May Muddo aan lix bilod dhameyn kadibna waxaan ku soo noqday anigoo markaas da'deeydu tahay 19sano jir Waddankii aan ku Dhashay Waxaan Xamar Ka soo baxay 21ki December 2004 anigoo soo galay safar dhulka ah Nairobina waxaan soo Galay Taariikhdu Markey Aheyd 27/12/2004 anigoo markaas uga muuqdo waddankaan ku dhashay nin ajnabi ah ama nin yimaaday meel kale waxaan waddankaan joogaa ilaa iyo maanta oo aan qormadaaan qoraayo Waxaan jeclahay Sports Gaar ahaan Soccer Anigoo Taageero Qaranka Jarmalka Iyo Weliba Kooxda Bayern Munich Waxaana ahay Ciyaaryahan Ciyaara Kubadda Cagta Waxaana ka Ciyaara qeybta danbe ee difaaca Gaar Ahaan Garabka Midig Ee Difaaca Waxaan Dhaawac Igu soo Gaaray Kubadda Cagta Sanadkii 2009ka bishii december 26keedi Subax Sabti Ah Anigoo ku Dheelaayo Garoonka Ku yaalo Pangani Primary school Ama Sida Loo Yaqaano Garoonka Qaliif Waxaana Dhaawacaas Iga Soo Gaaray Lugta Bidix Qoobka Oo Ikala Baxay Iyo Lafta Yar Oo I Jabtay Alxamdulillaah Hadana Waanku soo Laabtay Kubad Ciyaaristii Weliba Anigoo Sidi Hore Aheyn Shaqsi Ahaan Aniga Waxaan Ahay Xaasle Xaaskeyga Magaceedana Waa Faaduma Muxiyaddiin Maxamuud Ma jecli Beenta Xaasidka iyo Dadka warka badan iyo weliba kuwa jecel iney iska dhigaan dad fiican ayagoo dantooda tahay iney ku bartaan ogaadaana heerka dadnimadaada gaarsiisantahay waxaan jeclahay inaan dadka ixtiraamo kuwa mudan si anigana la ii ixtiraamo waxaana jeclahay dadka u dadaala diinta islaamka ah si daacad ah ayaga oo weliba ilaahey uga ajir raadinaayo waxaana jeclahay inaan dhageysto heesaha xassan aadan samatar cabdi diini khadro daahir iyo zulfa dhanka mashaaikhdana waxaan jeclahay inaan dhageysto shiikh mustafa xaaji ismaaciil Haaruun Weliba Marka Uu soo Gudbinaayo Siirada Rasuulkeena Suuban Caleyhi Salaatu Wasalaam Iyo shiikh abuukar Xasan Maalin Marka uu isagana soo gudbinaayo Xayaatu Saxaabah Radiyallaahu Canhum Waxaan ahay nin xaas leh jecelna inuu la kaftamo dadka kaftan nooc kasta oo ahaado mana jecli kaftan waalidkeyga ama xaaskeyga lagu aflagaadeeyo ama mid aniga la igu liidaayo Neynaasyo Badan Waan Leeyahay Laakiin Waxaan Jeclahay Mid Ay ii Bixisay ayeeyadeey Oo Ah Qolfa Weyne Iyo Mid Uu ii bixiya cabdulaahi Qaliif Cabdulle oo aan qaraabo nahay Asaga dhanka hooyadey sxbkeyna ah Taasoo ah Ramelow oo marka afsoomaali ahaan loo aqriyo u qormeyso ramaluuf Adduunka waxaan ku leeyahay sxbo badan waxaana ugu horeeyo kuna kalsoonahay Magaciisana Waa Sharma'ake Biixi Xuseen