User:Ina warfaa

Ka Wikipedia

Taariikhda “ina Warfaa” oo kooban iyo qoraaladiisa

CabdiRisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa” inkasta oo uu ka soo jeedo beel ahaan qabiilka la yiraahdo Degoodiye haddana wuxuu ku dhashay magaalo-madaxda dalka Soomaaliya Muqdisho, sanadka Hijriga markuu ahaa 1390 H oo ku beegneed midda Miilaadiga markay ahayd 1970 M.

CabdiRisaaq “ina Warfaa” intuu bilaabin waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe waalidkiis Eebbe ha u naxariistee dembigoodna ha dhaafee waxay geeyeen dugsiga Qur’aanka kariimka, ka dibna wuxuu waxbarashadiisii hoose/dhexe ku soo qaatay dugsiga hoose/dhexe ee Taleex oo ku yaalay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisii dugsiga sarena wuxuu ku soo kala qaatay dugsiga sare Jamaal CabdiNaasir oo loo yaqaanay waagii hore “Allaahida”, Cumar binu Khidaab, 26ka Juun, Faarax Oomaar iyo Sheekh Maxamed Ciise oo loo yaqaanay isna waagii hore “Kaasa bobolaare” oo ku kala yaalay Muqdisho iyo Hargeysa, wuxuuna dhameeyay dugsiga sare sanadkii 1989kii M.

CabdiRisaaq “ina Warfaa” qoraalkiisii ugu horeeyay wuxuu ahaa qoraal loogu magac daray “Lamaanayaashii libineystay” oo uu qoray sanadkii 1989kii M.

CabdiRisaaq wuxuu yimid dalkan Fiinlaan 1990kii M dabayaaqadiisii.

Wuxuuna dhigtay dowro ama koorso turjubaanimo ah sanadkii 1992dii M.

Wuxuu intii muddo dhowr sano ah ku shaqaysanayey turjubaanimo Helsinki iyo agagaarkeeda.

Qoraalkiisii xigay wuxuu ahaa qaamuus yar oo finnish soomaali ah, wuxuuna qoray sanadkii 1992kii M.

Kutubtii kale ee uu CabdiRisaaq “ina Warfaa” turjumay ama qoray waxay kala ahaayeen:

Naxwaha carabiga oo kooban 2006dii M.

Qaamuuska carabiga “soomaali” oo kooban 2006dii M.

Qaamuus soomaali carabi oo kooban 2007dii M.

Xeerarka “axkaamta” tajwiidka Qur’aanka 2007dii M.

Sheekooyinkii ugu wanaagsanaa waa “qisasul anbiyaa” 2007dii M.

Taariikh nololeedkii culimada 2008dii M.

Salafiya 2007dii M.

Ahlu-xaddiiska 2008dii M.

Siduu u tukan jirey Nebiga n.n.k. oo kooban 2008dii M.

Maxay Diinta ka qabtaa Mudaharaadka ama Banaanbaxa? 2009kii M.

Caqiidada Muslimiinta inaan lala dagaalamin Madaxda 2009kii M.

Talooyin ku wajahan Muslimiinta meel walba oo ay joogaan 2009kii M.

In laga Sifeeyo Diinta Islaamka wixii lagu soo daray 2009kii M.

Waxaa ka mid ah Bidcada Soonka 2009kii M.

Aadaabta Guurka ee Islaamka 2009kii M.

Axkaamta Janaazada 2009kii M.

In loo laablakaco Mad-hab waa Bidco 2010ka M.

Maxay Diinta ka qabtaa Kooxaha, Axzaabta iyo Ururada? 2010ka M.

Maxay Diinta ka qabtaa Anaashiidka? 2010ka M.

Maxay Diinta ka qabtaa Subaca? 2010ka M.

Shirkiga ama caksiga Towxiidka 2010ka M.

Bidcada ama caksiga Sunnada 2010ka M.

Jahliga ama caksiga Cilmiga 2010ka M.

Ma la soomi karaa Carafada ee ku aaddan Sabtida? 2011kii M.

Maxay Diinta ka qabtaa Tusbaxa? 2012ka M.

Waxaa ka mid ah Bidcada Jimcada 2012ka M.

Ma lagu Ictikaafi karaa Masjid kasta? 2012ka M.

Dumarka ma xiran karaan Fargashi, Jijin ama Silsilad dahab ah? 2012ka M.

Qaamuus finnish soomaali finnish 2013ka M.

Iyo kuwo kaleba.

Gebagebadii ciddii dooneysa inay la soo xiriirto waxay fariimaha u soo marin karaan Bariidka-xaasuubkiisa oo ah: ina_warfaa@hotmail.com.

Wuxuuna leeyahay Barta-shabakadda cinwaankeedu yahay:

                     http://www.freewebs.com/ina-warfaa

oo laga akhrisan karo dhamaan kutubta iyo maqaalada kor lagu soo xusay oo dhan.