User talk:Dhiiglacag

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Iska Ilaali[wax ka badal xogta]

  • Cayda: Fadlan halkaan ha ku caayin qof ama dawlad waayo meeshaani maahan Doodwadaag (Forum). Haddii uu yahay qof dembiyo cadcad galay dembiyadaasna laga heli qaybaha kale ee wikipedia ama websiteyada caalamiga ah, waxaad qori kartaa qaladaad ka qof kaasi galay adigoo u samaynaya tixraac (footnote), xoojin (citation) iyo daliil (reference) qeexan oo aad soo xigatay.
  • Iska Ilaali: inaad isi siisid waxa aad ka hadlaysid, tusaale "Dalkeenna, Waddankeenna, Qowmiyaddeenna, dadkeenna, iwm", waxaad erayaad u bedeli kartaa erayo guud sida "Dalka, Waddanka, Qowmiyadda, Dadka, iwm", sababtoo ah luuqadda Soomaliga Soomaliya keliya loogama hadlo ee waa af, WikiPediana waa International oo ku arki maysid qormo qof sheeganyo sida "Our Land".
  • Ka Fogoow: inaad magacaaga daba gelisid qoraallada aad wax ka bedeshay ama qortay sida "By: Ina Quwaax Qaansoole, iwm". Halkaani maahan meel weriyeyaal ay ku soo caanbaxayaan ee waa Organization. Cidina lacag kugu siin mayso haddaad magacaaga xustid, cidina ku xusi mayso, ee qof walbaa waa kula yaabayaa. Qof Kastaa wuxuu qoray iyo wuxuu wax ka bedelay waa la og yahay oo waxay ootamaatik ahan u gelayaan liiska "Contributers" ka.
  • Ha soo koobiyayn: Website, buug, joornaal, iwm adigoo aan fasax ka haysan ciddii qortay ama aadan adigu iska halay xuquuqdaas.
  • Qoraalkasa: oo aad qoraysid ama wax ka bedelaysid ka dhig mid waafaqsan aragtida WikiPedia-ha caalamaiga ah ee ku qoran luuqadaha kale sida (http;//en.wikipedia.org), (http;//fr.wikipedia.org), iwm ah, tusaale Maxkamadaha Islaamka, Soomaaliland, Dowladda FKMG, Melez Zenawi, Puntland, Ittixaad, Cabdullaahi Yuusuf, George W Bush, Ayaan Xirsi Cali, Sh. Yusuf Indhacadde, iwm, ha ku ammaanin hana ku caayin, uga hadal siduu yahay.
  • Ha samayn: Waxkasta o meel uga dhacay hab qoraalka iyo reer magaalnimada, oo walaaloow ha iska dhigin qof reer baadiye website ku diimaya ah.