Warshiikh

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Warsheekh)

Warshiikh ama (Warsheekh) waa magaalo xeebeed ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.Magaaladaan waxee caasimada muqdisho u jirtaa qiyaas ahaan 65km, waxeena leedahay taariikh dheer.waxay ku taalaa Xeebta Badweynta Hindiya, waana magaalo qadiimi ah. Magaca magaaladani oo ah Warshiikh wuxuu iska saaran yahay labo eray oo kala ah “War” iyo “Shiikh”, waxaana loo la jeedaa hadalkii Sheekha iyadoo Soomaalidu Sheekh u taqaano qofkii barta Cilmiga gaar ahaan Diinta Islaamka. Warshiikh waa meel taariikh fog ku leh Sooyaalka Taariikhda Soomaaliya, waxaana Warsheekh lagu dilay gumeystihii ugu horeeyay Soomaaliya iyadoo ay weerar kusoo qaadeen Ciidamadii badda ee talyaaniga ee wadanka gumeysan jiray sanadku markuu ahaa 1875. Warsheekh waxey leedahay goobo waxbarasho Misaajidyo, Cisbitaalo garooman kubadda lagu cayaaro iyadoo ay kamid ahaayeen culumadii iyo ganacsatadii Samoow dhiblaawe oo shiribkiisa ahaa Samoow dhiblaawe waa suldaan sarow ugu tiil suuq warshiikh waxaa kaloo lau xusuustaa caalinkii waynaa sheekh maxamuud Jeemaale dadka reer warshiikhna ay caan ku yahiin soo dhaweynta martida timaado deegaankooda iyo waliba sida ay nabada u jecelyahiin, waxaana dega. beesha celi cumar. galmaax ee abgaal

Mahadi haka gaartee waxa howshaas ku tarbiyeeyay Dadka deegaanka Culimadi Caanka aheyd ee Degmada warsheekh kasoo jeeda sida Shiikha Weyn ee Shiikh C/raxman Ow Cumar (Shiikh Cabdi Celi) oo si weyn loogu yaqaano Fidinta Diinta Islaamka ,hadana warshiikh ayaa ah goob hawo fiican indhahana u roon, dhismaheeduna uu socda.

Taariikh Diimeedka Magaalada Warshiikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Taariikhda Magaalada Warshiikh ayaa ah mid aad u fac weyn isla markaan ruux waliba oo ay ku dheertahay xadaarada diinka islaamka gaar ahaan soomaaliya waxa durba oo xasuusanayaa xiliyada Siyaaraadka qaar ka mid ah Culimada Ahlu sunno waljamaaca gaar ahaan Daruuqa Suufiyah,.

Sanadkiiba Mar ayaa waxa ka dhaca Guud ahaan daafaha Caalamka Gaar ahaan Dalka Soomaaliya Xaflad Lagu qabto Degmada Xeebta ah ee Warshiikh oo 65Km waqooyi bari kaga beegan Magaalada Caasimada ee Muqdisho. Xafladaas oo ah Siyaaraadka Mashaa’iqda Soomaaliyeed ee Ahlu Suna Waljamaaca

  • Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar (Sh: Cabdi Celli) iyo Wiliga uu dhalay Sheekh C/raxaman ee Sheekh Maxumud Sheekh C/raxman Sheekh Cumar.

iyo wadaaad kale oo caan ah oo soomaaliya dhan aad u baran doonto sh maxamuud yaasiin axmed Mudada ay socoto Siyaaraadka Mashaa’iqda oo ah mudo bil ah ayaa waxa halkaa lagu soo bandhigaa Qur’aan Aqris iyo Tawasalka Owliyada Ilaahey taa oo Dadka iyo dalka Soomaaliya guud ahaan Caalamu Islaamka eebe loogu baryo in danbi dhaaf ku siiyo meel kasto oo ay joogaan isla markaana quluubtooda isu soo dumo .

Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman ayaa ah Saxibul Waqtiga xiligaan jooga Booski uu Baneeyay Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman ee ah Maqaamki Sheekheena Weyn Sheekh C/raxman Bin Sheekh Cumar. Magaalada Warshiikh iyo Taarikhda Masha'iqada iyo sida ay ugu soo halgameen fidinta diinta islaamka Soomaliya maaha mid qalin lagu soo koobi karo.

Waxa sidoo kale wacdi iyo Ijaasada Dariiqada Qaadiriya ka bixiya Qudubka Dariiqada Qaadiriya Soomaaliya isagoo sidoo kale duca qaas ah uduceeyay Arlu Soomaal in ilaahey ka dhig Mid Amaan ah isagoo dhanka kale ahlu dariiqa oo dhana Eebe ka barya in kor ka dhigo Diinta islaamka.

Waxa gabagabadii Dhafarka Siyaaraadka Masha’iqda Fasax caam ah dadka Siiya Saaxibul Waqtiga Reer Sh: C/raxman Ow Cumar isagoo cid walibana fara wixi muraad ah oo ay leeyihiin in Alle uga baryaan in uu aqblo. Owliyada Ilahey fadligooda qaasatan sheekheena SH: C/raxman ow Cumar ayoo sii raaciyaa Saaxibul Waqtiga. By: sakaria abdiaziz ismail

Xarun diimeedka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xarun diimeedka ku yaala magaalada Warshiikh ayaa waxa uu yahay mid ku Fweyn Fidinta Diinka Islaamka iyadoo xarumo Mudarasiin kaloo taa la mid ah oo arday farabadan ka soo diin qaadaan ay ku yaaliin Daafaha Caalamka iyagoo si weyna loogu xushmeeyo Culuumta Kala gedisan ee Diinta Islaamka. Waxaa la sheegaa in magaca Warsheekh uu ku baxay in Wadaad la sheegay inuu ka so jeedoo beesha Silcis G Hawiye oo socdaal ku yimid degmada. Dadkii goobta deggenaa ee u badnaa beelaha Celi Cumar iyo Cabdulle Galmaax oo lagu yaqiin sooridda martida aad bay u soo dhaweeyeen una sooreen. Waxay wadaadka oo lagu magaabi jiray Caalin Cumar u sheegay in biyo macaan aysan haysan, kaddib ayuu rumay ama caday uu watay dhulka ku suray kadibna ay war biyo macaan noqotay, halkaasoo dadweynihii goobta degganaa ay aad ufgu farxeen a isuguna yimid kadibna la isweydiiyey xagggee u socotaa, jawaabtuna noqotay Warta sheekha sheegay, halkaasna ku baxay magaga WARSHEEKH.