Wikipedia:Habaynta Maqaalada Xulka Ah

Ka Wikipedia

Habaynta Maqaalada Xulka Ah Boggaan waxaa loogu talo galay habaynta maqaalada xulka ah ee ku jira maqaallada Xulka Ah taasoo buuxin waysay habka maqaalada xulka ah. Ayna tahay lagama maarmaan in ay helaan habkaan bogga aad ka aragtay.

Habaynta Maqaalada Xulka Ah

  • Marxaladaan waxaa dhacaysa wadahadal lagu wanaajinayo taasoo ah lagama maarmaan in wax laga qabto maqaalka adigoon ka faalloon "jiritaanka" ama "tirtirista" bogga maqaalka xulka ah. Ulujeedadu waa habaynta bogga maqaalada, iyadoon laga saarin bogga xulka. Waxaa laga doonayaa maqaalka xulka ah in la xadido qaybta ubaahan wax ka bedelka.
  • Waxeey dib u habeeye-yaasho hagaajin karaan maqaalka siyaabo kala duwan habka dib u-hagaajinta macluumaadka hubinta iyo ku darista xigasho ama tixraaca, iyo in ay maqaalka ka dhigaan mid dhex dhexaad ah hadba inta la doono.

Codsiga in laga saaro maqaalka meesha

  • Ugu horayn way sii ahaaneeysaa maqaal xul ah inta go'aan laga gaarayo. Taasoo ka dhigi karta habaynta labaad in wadahadalka lagu go'aamiyo in ay ku sii jirto meesha ama laga saaro iyadoo ah maqaal xul ah.
  • Qofkii soo jeediyey in laga saaro meesha iyadoo ah maqaal xul ah, in uu ka difaaco fakirkiisa cid waliba oo dood ka qabta.

Si aad U-sharaxdo ama aad u-soo bandhigto maqaalka inuu u baahanyahay dib u habayn qor sidaan {{HMXA}} maqaalka boggisa wadahadalka adigoo raacinaya sababta uu habaynta ugu baahdan boggaan. Waqti ayuu qaadan doonaa wadahadalka maxaa yeelay waxaa loo baahanyahay in codadka la uruuriyo. Waxaa dhacaysa maqaalka in laga wareejiyo marxaladda habaynta loona wareejiyo marxalad tirtiris hadii aaneey dhicin wax dib u habayn ah ama wax ka soo horjeeda. Hadii go'aan lagu gaaro in laga saaro qaabka ah maqaal xul ah, waxaa dhici doonta in laga saaro {{Maqaal Xul Ah}} halkaas iyo boggaba Maqaallo Xul Ah, loona wareejiyo bogga maqaal hore ee xul ah.

Habaynta maqaaladii hore waxaa lagu kaydiyey hoos.

Habaynta maqaalada Bogag ku saabsan maqaalada xulka ah

Bogag xiriir la leh