Wikipedia:Maqaal Xul Ah Bogga Hore/16

Ka Wikipedia

Ramadaan (Af Carabi : ar‎; dhawaaq: /məˈdɑːn/; sidoo kale loogu dhawaaqo: Ramazan, Ramzan, Ramadhan, ama Ramathan) waa bisha 9aad ee jadwalka taariikhda Islaamka. waana bisha dadka Muslimka dhamaantood soomaan ayagoo tixraacaya sida uu farayo kitaabka Quraanka ee diinta Islaamka.

Bisha Ramadaan waa wakhti dadka Islaamka ah soomaan wakhtiga maalintii; isla markaana cibaadeystaan habeenkii ayagoo tukanaya salaano saa'id ah, sida taraawiixda iyo taajudka.

Sidoo kale, bisha Ramadaan inta ugu badan waxay ku dhamaataa 29 maalmood ilaa 30 maalmood, wakhtigaasi oo lagu bilaabo aragtida dayaxa isla markaana lagu dhamaystiro aragtida bisha. Bishani waana bil dadka Islaamka aad iuo aad ugu muhima. waa bisha ay waajibka kutahay dadka islaamka ahi in ay soomaan amaba in aanay waxba cunin intaqoraxdu soo jeedo,sidookale raad gaar ah yay bishani islaamka kuleedahay dhaqan ahaan.waana bisha uu soodagay Qur'aanka Kariimka ahi. (SII AQRI)