Wikipedia:Maqaal Xul Ah Bogga Hore/2

Ka Wikipedia
Xarunta Gobolka Awdal
Xarunta Gobolka Awdal

Boorama (Af Ingiriis : Borama; Af Carabi : ar‎) (sidoo kale loo yaqaano Borame) waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee waqooyi-galbeed Soomaaliya.

Boorama waxee u dhowdaha xadka Itoobiya iyo Jabuuti. Magaaladaan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 200,000 oo qof. Boorama waxee ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Soomaaliya, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii Adal.

Sida ay la tahay dadka dega Somaliland waxay aragtidoodu tahay ahaanshaha Boorame magaalo somaliland hoos timaada.

Meesha ee ku taalo magaalada Boorama waa dhul buuroleey ah oo mararka qaar Dhulgariir ka dhaco. Boorama waa magaalada kaliya oo ugu dhul gariir badan dalka Somaliland iyadoo dhul gariiradii ugu badnaa ay ka dhaceen Boorama sanadka markuu ahaa 2011, wakhtigaas oo magaalada Boorama ka dhacay dhul gariiro aad u fara badanaa. Sidoo kale dhulgariirka waxoo gaaraa magaalooyinka kale oo ku yaalo gobolka Woqooyi Galbeed. Magaalada Boorama meesha eey ku taalo waa meel qaboow adag ka dhaco wakhtiyada jiilaalka ee u dhexeeya bilaha November ilaa February, waana meel jawigeeda isbadalo.Sidoo kale magaaladu waxey leedahay dhul daaqsiimeey cows badan oo xayawaan badani ku nool yahay. Juquraafi ahaan beesha magaalada Borama ku nooli waxay deegaan ama aay xudoodo la leeyihin sedex beelood oo ka mid ah beelaha Somalida: Ciise oo dhanka Jabuuti ah Isaaq oo aay dhanka Somaliland isla dagaan iyo Ogaaden ooy Ethopia wada dagaan; taasina waxay ka dhigtay dad dhaqan kastaba fahami kara, furfuran oo ka ilbaxsan reeraha kale. (SII AQRI)