Wikipedia:Maqaalka Cusub Bogga Hore/10

Ka Wikipedia
Midhaha Sabiibka
Midhaha Sabiibka

Sabiib waa midho la qalajiyey ee canabka. Sabiibka waxaa laga sameeyaa midhaha canabka oo loo dhigo ileyska qoraxda wakhti cayiman, ka dib la dabeeyliyo ka hor intaanan la cunin. Sabiibku waa midho aad u macaan oo laga isticmaalo dhamaan caalamka oo dhan. Inta ugu badan midhah sabiibka waxaa la cunaa ayagoo cayriin (sidii ay kaga yimaadeen midhah canabka), halka deegaano kale ay kariyaan sabiibka ama lagu dhex daro cuntada la karinayo. Tusaale ahaan, wadanka Soomaaliya waxaad ku dhex arki sabiib lagu dhex kariyay bariis kaasi oo loogu talogalay qurxin iyo macaaneyn. Deegaano kale waxay sabiibka u isticmaalaan khamiirin iyo shiiditaan.

Guud ahaan midhaha sabiibku waxay leeyihiin dhowr nooc taasi oo ku xidhan nooca canab ah ee laga sameeyay iyo wakhtiga lagu dhaafay kulka iyo ileyska qoraxda. Midaba ugu badan ee lagu yaqaano sabiibka waxaa ka mid ah: madoow khafiif ah, casaan madoow xiga, cadaan khafiif ah iyo huruud jaamud ah.. (SII AQRI)