Xajkii Sagootinta

Ka Wikipedia

Xajkii Sagootinta (Af-Carabi; حجة الوداع) waa halka mar uu xajiyay Nabi Muxamad Scw, waxaana la xajiyay dad gaaraya 100 Kun oo qof, sanadkii 10aad ee hijirada ayeena ahayd. Intii xajka lagu jiray wuxuu Nabiga scw dadka u jeediyay khudbad oo arimaha diinta ugu sharaxay wuxuuna ugu dardaarmay inay gaarsiiyaan inta maqan. Xajkaan waxaa loogu yeeraa "Xajkii sagootinta" waayo Nabiga scw ayaa ku sagootiyay dadka wuxuuna noolaa xajka ka dib 90 maalin qiyaastii.