Nebi Maxamed c.s

Ka Wikipedia

Nabi Muxamad (ingiriis: Prophet Mohammed; Carabi: النبي ﻣﺤﻤﺪ) Magaca oo dhameestiran: Abul Qaasim Muxamad bin Cabdullaah bin Cabd Muddalib bin Haashim (Carabi: أبو ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ) waa nebiga iyo rasuulka Alle (s.w) ku soo dejiyay diinta Islaamka kaasi oo ahaa hogaamiye, macalin, tilmaame, wax-u-sheege, caalim, xaakim iyo madaxa kowaad ee asxaabta (dadkii Nebiga rumeeyay), intii wakhtigaasi noolayd, iyo dhamaan aadamaha ilaa laga gaadhayo saacada qiyaame.[1][2]

Coordinates: 24°28′03.22″N 039°36′41.18″E / 24.4675611°N 39.6114389°E / 24.4675611; 39.6114389 (Green Dome)

Wuxuu dhashay magaalada Makka,[3] Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta loo yaqaano dalka Sacuudi Carabiya) markey taariikhdu ahayd qiyaastii 570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”),[4] geeriyooday 8dii Juune sanadkii 632 C.D (asagoo 62 ama 63 jir ah) magaalada Madiina, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta ka mid ah wadanka Sacuudi Carabiya)

Kani Waa maqaal ku saabsan nabiga Alle u soo diray diinta Islaamka.
Haku khaldin Magaca Maxamed ee dadka Islaamka ahi la baxaan.
Bogan Waxaa laga soo toosiyay Nabi Maxamed, Muxamed iyo Maxammed
Muxamed ina Cabdullaahi
Nebi Muxamed (n.n.k.h)
«Abū al-Qāsim "Abu Qaasim", (ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ)»
Dhalashada 12 rabi' al-awwal 53 Hijrada ka hor
Makka
Dhimashada 12 rabi' al-awwal 11 h
Madiina
Ka sharfan Islaamka
Dirista Ramadaan 13 Hijirada ka hor / maajo 610 m, Godka Xiraa ee Makka
Meesha ugu weyn Madiina masjidka Nabiga
Taariikh la xuso 12 rabi' al-awwal sannad kasta
Astaamo Quraan
Shafeecada caalamka
Abtiris <Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim>
Shaabadda
Rasuul/Nebi Muxamed

Maxamed, Muxamed, Maxammed (ingiriis: Mohammed, "Maxamed"; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, "Maxamed"; Magaca & Abtirsiinta: Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim, ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ) ku dhashay magaalada Makka,[5] Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta loo yaqaano dalka Sacuudi Carabiya) markey taariikhdu ahayd qiyaastii 570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”),[6] geeriyooday 8dii Juune sanadkii 632 C.D (asagoo 62 ama 63 jir ah) magaalada Madiina, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta ka mid ah wadanka Sacuudi Carabiya) waa nebiga iyo rasuulka Alle (s.w) ku soo dejiyay diinta Islaamka kaasi oo ahaa hogaamiye, macalin, tilmaame, wax-u-sheege, caalim, xaakim iyo madaxa kowaad ee asxaabta (dadkii Nebiga rumeeyay), intii wakhtigaasi noolayd, iyo dhamaan aadamaha ilaa laga gaadhayo saacada qiyaame.[7][8]

Nebi Muxamed wuxuu Ilaahay (koreeyee) u soo waxyooday kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga iyo aasaaska u ah diinta Islaamka. Sidoo kale, Nebi Muxamed waa nebiga iyo rasuulkii ugu dambeeyay Ilaahay (s.w) u soo diro dadka. Intaasi waxaa dheer, Nebi Muxamed waa kan ugu karaamada iyo sharafta badan 25ka nebi & rasuul ee ku xusan kitaabka Quraanka ah.[9]

Dadka gaalada ahi waxay Nebi Muxamed u yaqaanaan inuu yahay qofkii helay diinta Islaamka ah, laakiin dadka muslimiinta ahi waxay heeystaan caqiido ka duwan midaasi ayagoo aaminsan in Nebi Muxamed yahay mid lagu soo dejiyay diinta Ilaah kali ah ee ka soo bilaabantey Nebi Aadam, isku soo gudbinayeen Nebi Nuux, Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Daa'uud, Nebi Ciise ilaa ugu dambeeyn lagu soo khatimay Nebi Muxamed.[10]

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed wuxuu ku dhashay magaalada Makka, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta loo yaqaano dalka Sacuudi Carabiya) markey taariikhdu ahayd qiyaastii 570 C.D, sanadkaasi oo dadka Carabta ahi u yaqaaneen “Sanadkii Maroodiga”. Nebi Muxamed waalidkiis waxay geeriyoodeen asagoo wali yar, waxaana soo koriyay adeerkii Abu Daalib. Nebigu yaraantiisii wuxuu ahaa adhi-jir, markuu qaangaadh noqdey wuxuu ku biiray ganacsiga iyo tujaarada asaga oo u shaqo bilaabay Khadiija oo markuu 25 jirka noqdey uu guursadey.[11]

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed markuu gaadhey 40 jir waxaa godka xira ku soo siyaartey malag Jibriil oo u soo waxyooday suuradii ugu horeeysay ee waxyiga, taasi oo ah Suuratu Al Iqra ("akhri"). Sadex sano ka dib, Nebi Muxamed wuxuu bilaabay inuu dadka ugu yeedho “Kali Ahaanshaha Ilaahay”, ineey isku dhiibaan Asaga (taasi oo ah islāmnimo), iyo ineey wadada saxda ahi tahay in Asaga (Ilaahay) la caabudo - taasi oo ah dīnta - iyo in Muxamed yahay Nebiga iyo Rasuulka Rabbi soo diray; arintaasi oo dadkii deganaa magaalada Makkah ee tolka iyo qaraabada la ahaa ay ku gacan-seeydheen isla markaana ku soo kiciyeen dagaal iyo weerar joogto ah.[12][13]

Isku soo duuboo, wakhti badan oo uu diinta ugu yeedhayay ka dib, nebiga waxa soo raacay oo rumeeyay dad tiro yar, kuwaasi oo dhibaato iyo ciqaab badan kala kulmey qabiilkii reer Quraysheed. Midani waxay keentay in nebigu ku amro intii raacsanayd (asxaabta) ineey u hijroodaan ama u qaxaan dhulka Xabashida (Abbysiniya), wakhti yar ka dib sanadkii 622 ay u guuraan magaalada wakhtigaasi loo yaqaanay Yathrib (maanta ah Medina). U qixitaanka magaalada Madiina ee Hijrada waa bilowga kalandarka Islaamka.[14] Wakhti ka dib, Nebi Muxamed wuxuu mideeyay beelihii deganaa magaalada Madiina, kuwaasi oo Nebiga kala qeyb galay dagaalo badan oo guul iyo guuldaroba lahaa, sida Dagaalkii Bedr iyo Dagaalkii Uxud. Sideed sano ka dibna, Nebi Muxamed iyo asxaabtiisii oo ahaa 10,000 oo nin waxay qabsadeed mar ahaantaana maamulka dowladii Islaamka ku soo dareen magaalada Makka.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 632 C.D billo yar ka dib markii uu ka soo noqdey Xajul Wadaac asagoo jooga magaalada Madiina ayaa Nebi Muxamed aad u xanuusadey waxyar ka dibna ku geeriyooday.[15] Dhimashada nebiga waxay keentay in qabiilo badan dib uga noqdaan diinta Islaamka waxaana arinkaasi dagaalo adag ololeyaal badan ka galay hogaankii diinta ee ku xigay nebiga kuwaasi oo ahaa Khulafo Ar-Raashidiinta oo hogaamiye u doortey Abu Baker.

Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Isku soo wada duuboo, geeridii nabig ka dib, asxaabtu waxay soo ururiyeen “noloshii nebiga” (siirada) iyo hab "dhaqankii nebiga" (sunnada) kuwaasi oo ah aasaaska iyo saldhiga shareecada lagu maamulo Dawladda Islaamka. Sidoo kale, asxaabtu waxay isla-garteen in marka la soo hadal-qaado magaca nebiga la dhaho Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato (ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ, "ʿalayhi as-salām").[16][17]

Taariikhda Nebiga

Qoraalka magaca Nebi Muxamed farta Thuluth.

Dad badan oo aan muslim aheyn oo taariikhaha dunida wax ka baadha waxey isku raaceen inuu Nabi Maxamed NNKH uu ahaa qofkii dunida uguu wanaagsanaa.

Markey taariikhdu ahayd sanadkii 570kii C.D ayaa Nebigu ku dhashay magaalada Makkah ee deegaanka Xijaas ee dhulka Carabiya. Nebi Muxamed wuxuu ka dhashay beesha reer Haashim ee ka tirsan qabiilka Quraysh. Waalidkii waxay dhinteen asaga oo aad u yar, waxaana soo koriyay awoowgii oo wakhti yar ka dib dhintey. Markaasi masuuliyada nebiga waxaa la wareegay adeerkiis Abu Daalib oo gurigiisa uu ku soo barbaaray Muxamed.

Abtiriskiisa

Muxammed Bin Cabdullaahi Bin Cabdimudalib (Shaybah) Bin Haashim (Camar) Bin Cabdi Manaaf (Muqiira) Bin Qusayi (sayd) Bin Kilaab Bin Murra Bin Kacab Bin Lu'ey Bin Ghaalib Bin Fihir Bin Maalik Bin Nadar (Qays) Bin Kinaana Bin Khuzeyma Bin Mudrika Bin Ilyaas Bin Mudar Bin Nizaar Bin Macad Bin Cadnaan.

Dhalashaddii & Barbaarintii rasuulka

Deegaanada Carabiya iyo sidii qabiiladu u kala degi jireen wakhtigii Nebi Muxamed noolaa.

Waxa uu Rasuulka dhashay sanadkii Maroodiga (Caamul-fiil), maalin Isniin ah oo bisha Rabiicul-Awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdi Muddalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga , Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey Kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey. Rasuulka wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.

Waxaa Rasuulka nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-Cuzza oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabsha, kunyadaas oo mararka qaarkood ay Qurayshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-Kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah".

Muuqaalka Nebiga

اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Asxaabiga weyn ee nebiga ina adeerka la ah Cali binu Abii Daalib wuxuu muuqaalka Nebi Muxamed ku sifeeyay sida tan:

“Muxamed wuxuu ahaa nin dhexdhexaad ah, aan dheerayn mar ahaantaana gaabneyn, ma ahayn mid buuran mana ahayn qof dhuuban. Wuxuu lahaa weji cad oo wareegsan, indho balaadhan, waaweyn oo madoow ah, iyo xiribyo dhaadheer. Marka uu soconayo wuxuu u socon jirey sidii tartiib ah oo aad u degan. Calaamad Nebinimo ayuu ku lahaa labada garab dhexdooda.
Wejigiisu wuxuu u iftiimi jirey sida dayaxa oo kale. Wuxuu ahaa mid ka dheer dhexdhexaadka, mar ahaantaana ka gaaban dherer xoog ah. Wuxuu lahaa timo jilicsan, wareegsan oo qaro weyn leh. Dhumucda tintiisu way kala soocnayd, waxayna gaadhayeen dhegaha hoostooda. Midabka jidhkiisu wuxuu ahaa "Azhar" (midab iftiimaya oo cadaan xiga). Sujuuda wejiga Nebi Muxamed waxay ahayd mid fidsan oo balaadhan, xiribyaha ka sareeya indhahana waxay ahaayeen kuwo qaro leh laakiin aan is-qabsanaynin oo farqi u dhexeeyo. Labada xirib dhexdooda waxaa ku yaalay hilib buuran oo soo ururi jiray markuu xanaaqo. Samayska sankiisu wuxuu ahaa mid dheer oo soo xoodan (si u dhow half goobada ukunta oo kale), sidoo kale gadhkiisu wuxuu ahaa mid dhumuc weyn leh oo is-heysta, dhabanadiisuna waxay ahaayeen kuwo sabiil ah oo qaab fiican u sameeysan. Afka nebigu wuxuu ahaa mid awood badan leh, ilkuhuna waxay ahaayeen kuwo siman oo fantax leh.
Nebi Muxamed wuxuu timo badan ku lahaa laabta ama xabadka, qoortiisuna waxay ahayd mid dheer oo awood badan leh. Intaasi waxaa dheer, nebigu wuxuu lahaa garbo fidsan oo awood leh, xabad soo taagan iyo xoogaa yar oo calool ah.”

Astaanta "Calaamada Nebinimo" ee nabigu ku lahaa labada garab dhexdooda waxaa lagu sheegaa ineey ahayd astaan wareegsan oo le'eg xajmiga ukunta shimbiraha.

Asxaabiyada Umm Ma'bad oo Nebi Muxamed la kulantey markuu u hijroonayay magaalada Mediina waxay ku sheegtay muuqaalka nebigay sida tan:

“Waxaan arkey nin nadiif iyo saafi ah, wejigiisu aad u qurux badan yahay oo leh astaamo aad u wanaagsan. Ma aanu lahayn jidh weyd ah, mana lahayn madax yar iyo qoor dhuuban. Laakiin wuxuu lahaa indho waawayn oo madoow iyo xiribyo dhumuc leh. Codkiisu wuxuu ahaa mid xabeeb leh, qoortiisuna waxay ahayd mid dheer. Sidoo kale, wuxuu lahaa gadh dhumuc iyo haybad leh.
Markuu aamusan yahay wuxuu ahaa sidii xabaal oo kale (yacnii bilaa shanqadh), markuu hadlona guul ayaa ka muuqatey. Wuxuu ka mid ahaa raga kan ugu wanaagsan ee ugu quruxda badan. Codkiisu wuxuu ahaa mid awood leh, ishana marnaba kumaanad heyn karaynin markuu ku soo fiiriyo.”

Nolosha Nebiga

Noloshii Magaalada Makka

Dhacdooyinkii Nebiga intuu Makka Joogay
Dhacdo Wakhti
Dhimashaddii
aabihii
Cabdulaahi
569 C.D
Dhalashaddii
Nebi Muxamed
570
Dhimashaddii
hooyadii
Aamina
576
Dhimashaddii
awoowgii
Cabdi Mudalib
578
Safarkii ugu
horeeyay ee
Suuriya
583
Guurkii xaaska
kowaad
Khaddiijo
595
Dhalashaddii
ilmaha ugu
horeeyay
Saynab
595
Dhalashaddii
ilmaha labaad
Ruqiya, ooy
ku xigeen
Umm Kaltuum
& Fatima Sahra
597
Waxyigii ugu
horeeyay ee
Quraanka
asagoo jooga
Buurta Xira
610
Wacyiga iyo
fidinta diinta
Islaamka
markii ugu
horeeysay
613
Korodhka
dadka
Muslimiinta
614
Hijradii ugu
horeeysay ee
Dhulka
Xabashida
615
Bilowgii
go'doominta
reer
banu Haashim
616
Sanadkii
Murugada:
waxa dhintey
Khaddiijo iyo
adeerkii
Abu Daalib
619
Dhamaadkii
go'doomintii reer
banu Haashim
619
Isra iyo Micraaj:
dheelmintii
samada
620
Wakhtigii Hijrada:
u qixitaankii
Medina
622
Dagaalkii Bader 624
Dagaalkii Uxud 625
Dagaalkii
Dhufeysyada
627
Heshiiskii
Xudaybiya ee
u dhexeeyay
nebiga iyo
reer Makka
628
Qabsashaddii
magaalada
Makka
629
Dhimashaddii
Nebiga
632

Nebi Muxamed wuxuu ku dhashay magaalada Makka ee gobolka Xijaas deegaanada Carabiya, wuxuuna magaaladaasi ku noolaa 52kii sano ee ugu horeeysay noloshiisa (570kii ilaa 622 kalandarka Miilaadiga). Wakhtigaasi guud ahaan waxaa loo kala saaraa labo qeeybood oo kala ah nebinimada iyo risaalada ka hor iyo ka dib.

Risaalada Ka Hor

Fiiri Mowliidka Nebiga iyo Abtirsiinta Nebi Muxamed

Nebi Muxamed wuxuu ku dhashay magaalada Makka sanadkii 570ka[18] taasi oo Mowliidka Nebiga la aaminsan yahay ineey tahay bisha Rabii cal-awwal.[19] Nebigu wuxuu ka dhashay qabiilka reer banu Haashim kuwaasi oo ka mid ahaa beel-weynta Quraysh ee daga magaalada Makkah.[20][21]Muxamed aabihii, Cabdillahi ibn Cabdi al Mudalib, wuxuu dhintey asagoo 6 bilood ku jira caloosha hooyadiis.[22] Sida dhaqanka carabtu ahaa wakhtigaasi, Muxamed markuu dhashay waxaa loo diray baadiyaha si uu u soo barto dhaqanka uguna soo barbaaro nolosha saxda ah ee dunida. Si kastaba ha ahaatee, markuu 6 jir ahaa nebigu waxaa geeriyootay hooyadii Amina bint Wahb.[23] Wakhtigani oo nebigu uu noqday agoon buuxa waxaa la wareegay masuuliyadiisa awoowgiis Cabdi Mudalib oo ahaa suldaanka iyo hogaamiyaha qabiilka banu Haashim kaasi oo uu la noolaa labo sano ka dibna dhintey. Nebi Muxamed markuu sideed jirka ahaa wuxuu u wareegay inuu la noolaado qoyska adeerkii Abu Daalib oo wakhtigaasi la wareegay maamulka iyo hogaanka beesha banu Haashim. Intii uu wali yaraa ayaa nebigu wuxuu adeerkii u raacay safar ganacsi oo u ku tagayay dhulka Shaam (maanta loo yaqaano Suuriya), halkaasi oo uu kula soo kulmey dad heeysta diinta Masiixiyada isla markaana ku soo waayo arkey. Markii uu Muxamed qaangaadhka noqdey wuxuu ku biiray kooxaha safarleeyda ee u shaqaysa ganacsatada alaabaha u kala qaada dhulka Carabiya. Mudo gaaban markuu ku dhexjiray shaqadaasi wuxuu ku caan noqday magaca Al-Amiin (ﺍﻻﻣﻴﻦ) oo ah qofkii lagu Kalsoonaa taasi oo siisay sharaf iyo qadarin aad u balaadhan dadka dhexdiisa. Midani waxay keentay in sanadkii 595 C.D ay Khaddiijo oo ahayd carmali (garoob) 40 jir ah, u soo bandhigto guur midaasi oo nebigu ka aqbalay.[24][25]

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 605 Nebi Muxamed wuxuu ka qeyb qaatay dib-u-habayntii Dhagaxa Madoow ee Kacbada kaasi oo muran weyni ka dhex taagnaa sidii loo dhigi lahaa iyo cida meel dhigi lahayd. Hogaamiyayaasha beesha Quraysh waxay isku afgaran waayeen cidii dhagaxa qaadi lahayd ee meesha saxda ah dhigi lahayd taasi oo qof kasta rabay inuu asago qaato sharftaasi.[26] Muran dheer ka dib, waxay isku waafaqeen in qofka ugu horeeya ee ku soo baxa ay ku aaminaan talada iyo go'aaminta arinkaasi. Nebi Muxamed oo wakhtigaasi 35 jir ahaa ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee ku soo baxa midaasi oo farxad gelisay dhamaantood. Markii loo waramay wuxuu nebigu ku go'aamiyay in “maro wayn la keeno, Dhagaxa Madoow la dhex dhigo dhowr qof oo matalaya qabiiladana ay dhinacyada qabtaan. Sidaasi lagu saaro meesha. Markeey dul yimaadeen meeshii la saari lahaa asaga ayaa ka qaaday marada dusheeda oo dul dhigay meeshii loogu talo galay Dhagaxa Madoow.” Arintani waxay noqotey mid taariikhi ah ooy ku wada qanceen dhamaan reer Quraysheed.

Wakhtigii Waxyiga & Nebinimada

Nebi Muxamed intii uu qaangaadhay wuxuu ahaa mid cibaadeeysta oo Ilaahay barya xataa wakhtigii loo soo waxyooday ka hor. Wuxuu ku cibaadaysan jiray Buurta Xira ee u dhowayd magaalada Makka. Si kastaba ha ahaatee, markey taariikhdu ahayd sanadkii 610 ayaa asagoo nebigu ku cibaadeysanaya buurta Xira waxaa u yimid malag Jibriil kaasi oo ku amrey inuu akhriyo aayado ka mid ah Quraanka. Si la mid ah dadka oo dhan, arintani way khalkhal gelisay nebiga wuxuuna gurigiisii ku noqday asagoo cabsanaya oo ku qeeylyaya "I duuduub, I duuduub". Sadexdii sano ee ku xigtay habeenkaasi uu la kulmay malaga, wax waxyi ah ma arag nebigu, laakiin ma joojinin tukashada salaada iyo cibaadeysiga. Sanadku markuu ahaa 613 C.D ayaa mar kale malag Jibriil ku soo laabtey nebiga; wakhtigani waxaa loo waday waxyi dhamaystiran waxaana lagu amrey in uu dadka wacdiyo, u sheego cibaadada Alle iyo ka tagida xumaanta ay ku dhexjiraan.[27]


Sideey doontaba ha ahaatee, Nebi Muxamed wuxuu bilaabay inuu dadka reer Makka wacdiyo una sheego in “Ilaah jirin ilaa Allah mooyee, Muxamedna yahay nebigii iyo rasuulkiisa”, in salaada la tukado, ineey ka tagaan xumaanta, ineey sameeyaan ooy fidiyaan wanaaga iyo ay xisaab sugayso dadka markey aakhiro tagaan. Qofkii ugu horeeysay ee aaminta mar ahaantaana rumeysa wacdiga iyo waxsheega nebiga waxay ahayd xaaskiisa Khaddiijo, waxaa ku xigay oo asna rumeeyay ina adeerkiis Cali bin Abi Daalib oo wakhtigaasi 10 jir ahaa. Qofka sadexaad ee raga ugu horeeyay wuxuu noqday asxaabiga wayn ee ka midka ah khulafo Ar-Raashidiinta oo ahaa Abu Baker al Sadiiq.[28]

Wacdiga, waxsheega iyo ka reebida caabuditaanka sanabyada waxay noqotey mid cadho gelisa dadka reer Quraysheed ee deganaa magaalada Makkah iyo agagaarkeeda. In badani way ku gacan-seydheen wacdigaasi, kuwo kale way ka cadhoodeen, halka qaar kale dagaal ula soo ambo baxeen nebiga. Midaasi marnaba ma niyad jebinin Nebi Muxamed oo asagu sii badiyay waxsheegida iyo ku akhrinta hadalka Alle dadkaasi. Wakhti ka dib, asxaabta iyo dadka rumeeyay hadalka nebigu way sii kordhayeen in kastoo ay u badnaayeen dad fuqaro ah, kuwo bulshada ugu hooseeya iyo qaar badan oo adoomo ah.[29]

Qoyska Nebi Muxamed

Faahfaahin dheeraad ah fiiri Xaasaska Nebi Muxamed iyo Caruurta Nebi Muxamed.

Xaasaska Nebi Muxamed
Khaddiija bint Khuwaylid

Sowda bint Zamca

Ca'isha bint Abi Bakr

Xafsa bint Cumar

Saynab bint Khuzayma

Hinda bint Abi Umayya

Saynab bint Jahsh

Juwayriyya bint al-Xarith

Safiyya bint Huyayy

Ramla bint Abi Sufyan

Maymuna bint al-Harith

Maryama al-Qibtiyya

Rayhana bint Zayd

Xaasaska Nebi Muxamed waxay ahaayeen sadex-iyo-toban (13) kuwaasi oo uu guursaday wakhtiyo kala duwan. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan dumarkaasi ineey yihiin “Hooyooyinka Rumeeyayaasha” "Umaatul al-Mu'miniin". Waxayna dadka aaminsan ee rumeeysan diinta Islaamka ka mudan yihiin sharaf, qadarin iyo heybad; sababtoo ah Ilaahay (koreeye) ayaa Quraanka ku xusan xaasaska nebiga.

Markuu ka hadlayay ooriyada Nebi Muxamed Rabbi (casa wa jala) wuxuu yidhi:

Nebigu wuxuu dadka rumeeyay Alle uga dhow yahay naftooda, xaasaskiisuna waxay u yihiin (waa kuwa Alle rumeeyay ee) hooyooyin oo kale.[30]
Quraan suurad Al Axsaab aayada 6aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine

Guurkii Nebiga

Qoyska iyo reerka Nebi Muxamed waxaa la kala raaciyaa kala qeybinta taariikhda Islaamka oo ah:

  • Hijrada Ka Dib: oo ah wakhtigii nebiga iyo asxaabtu u soo kicitimeen isla markaana u soo guureen magaalada Medina, wakhtigaasi oo ka soo bilaabmaya sanadkii 622 C.D ilaa laga soo gaadho goortii nebigu geeriyooday ee sanadkii 632.

Si kastaba ha ahaatee, nebigu markuu ahaa 25 sano jir ayaa wuxuu guursadey Khaddiija bint Khuwaylid oo ahayd mulkiilaha shaqo ganacsi oo nebigu wakhtigaasi ka shaqeeynaayay. Sababtoo ah wuxuu ahaa arooskii ugu horeeyay iyo Khaddiija oo ahayd qof aad u wanaagsan, Nebi Muxamed wuxuu guurkani ka helay farxad iyo damaashaad iyo raynrayn ilaa laga soo gaadho geeridii Khaddiijo 25 sano ka dib markeey ahayd oorida nebiga. Si kastaba ha ahaatee, Khaddiija waxay nebigu u dhashay labo wiil iyo afar gabdhood kuwaasi oo kala ah: Qaasim iyo Cabdulaahi (labadooduba waxay dhinteen ayagoo aad u yar); gabdhaha oo kala ah Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima.[31]

Isku soo wada duuboo, Nebi Muxamed ma guursanin xaas kale markii ay Khaddiijo ka dhimatey ilaa uu ka imanayay magaalada Medina halkaasi oo uu markii ugu horeeysay ku guursadey Sowda bint Zamca oo dhibaato badan la kulantey markeey soo muslimtey. Markuu nebigu guursanayay Sowda waxay ahayd qof reer horey u soo martey oo 55 jir ah. Wakhti yar ka dib, nebigu wuxuu mehersaday gabadh yar oo 9 jir ah oo uu dhalay saaxiibkii iyo la taliyiisa kowaad waa asxaabi Abu Baker, gabadhaasi yar waa ee nebigu guursaday waa Ca'isha bint Abi Bakr. Caa'isha uma dhalin wax caruur ah nebiga, markuu nebigu ka dhintey iyada da'deedu waxay ahayd 17 sano jir. Intaasi waxaa dheer, Ca'isha waxay nebiga kala hadhay aqoon iyo cilmi aad u badan, waxaana la sheegaa in Caaisha warisey in ka badan 2,000 oo Xadiis.

Maab muujinaya xabaalaha qaar ka mid ah Xaasaska iyo gabdhaha uu dhalay Rasuulka.

Dagaaladii u dhexeeyay nebiga iyo ciidankiisa iyo kufaartii reer Quraysheed ee ka soo duulayay magaalada Makka waxaa ku dhintay asxaab badan kuwaasi oo dumar badan ka dhigay carmali (bilaa saay). Asagoo u hiilinaya dumarkaasi ayaa nebigu wuxuu dumaalay Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith.[32]

Goortii uu dhamaaday Dagaalkii Khaybar waxaa asxaabtu soo qabsatey adoomo badan, kuwaasi waxaa ka mid ahaa Safiyya bint Huyayy oo ka dhalatey qoys Yuhuud ah oo dhaqaale fiican heeysta. Markuu nebigu arkey Safiya wuu xoreeyay wuxuuna u soo bandhigay inuu guursado ayadna wey aqbashay, sidaasi ayayna ku noqotey mid ka mid ah xaasaska rasuulka.

Wakhtigii nebigu uu la galay heshiis nabadeed xoogagii reer Quraysheed, waxaa dhacday in Abu Sufyaan uu Nebi Muxamed siiyay gabadhiisa Ramla bint Abi Sufyan, taasi oo nebigu aqbalay, wakhti yar ka dibna uu guursadey. Wakhtigii lagu gudo jirey heshiiskii Xudaybiyah ayaa rasuulku wuxuu u soo ambo baxay magaalada Makka si uu u soo siyaarto Kacbada halkaasi oo uu kula kulmey Maymuna bint al-Harith oo nebiga ka codsatey inuu guursado taasi oo uu ka aqbelay.

Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar hadiyad ahaan ku soo gaadhay nebiga. Wuu xoreeyay ka dibna wuu guursadey, waxayna u dhashay wiil Ibraahim[33]

Qoyska Nebiga Scw

Xaasaskiisa

Ummatul Mu'miniin, hooyooyinka Mu'miniinta.

Khadiijo waxey ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas[34][35] ee dhulka Carabiya markey taariikhdu ahayd sanadkii 555 C.D, kuna dhimatay magaalada Makka sanadkii 620 C.D waa ooridii kowaad ee Nebi Muxamed (n.n.k.h) qoftaasi oo ahayd ganacsato[36] si fiican looga yaqaano magaalada Makka ee deegaanka Xijaas.[37]

Khaddiijo waxay ahayd qofkii ugu horeeyay ee rumeeysa Nebiga markii uu waxyiga diinta Islaamku ku soo degay. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan Khaddiija ineey tahay “Hooyada Islaamka”.[38][39]

Caaisha

Caisha, Caasha, Caisha, Caayisha (ingiriis: Aisha, ‘Ā’ishah bint Abī Bakr, "Caaisha"; carabi: ﻋﺎﺋﺸﺔ, Ayesha, Caayisha, A'isha, Ca'isha, Aishat, Caisha, Aishah, Caishah, ama Aisha, Caisha) loo yaqaano hooyada Mu'miniinta [ﺃﻡ ﺍﻟﻤﺆﻣﻨﻴﻦ] waa mid ka mid ah xaasaskii Nebi Muxamed (n.n.k,h). Ca'isha waxaa dhalay nebiga saaxiibkiis iyo asxaabi Khaliif ar-Raashid Abu Baker al-sadiiq.

Nebi Muxamed wuxuu guursaday Ca'isha ayadoo 9 sano jir wuxuuna ka dhintey ayadoo 17 sano jir ah. Wax ilmo ah uma dhalin nabiga, laakiin waxay kala hadhay xadiisyo iyo cilmi diinta Islaamka oo badan.

Xafsa binti Cumar

Xafsa bint Cumar waa gabadh uu dhalay asxaabiga weyn ee mid ka mid ah Khulafo Ar-Raashidiinta Cumar bin Khadaab, taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder markii ninkeeda Khunais ibn Hudhaifa lagu diley dagaalka dhexdiisa. Markey taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed dumaalay (guursadey) si uu uga baabi'iyo dhibaatada iyo murugada ka soo gaadhay dagaalkaasi.

*Saynaba binti Khuzayma"Umm al-Masakin", macnaha: "Hooyadii Masaakiinta") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 595 C.D, waa ooridii 5aad[40] Nebi Muxamed (c.s.w.s), taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder markii ninkeeda Khunais ibn Hudhaifa lagu diley dagaalka dhexdiisa.[41] Markey taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed dumaalay (guursadey) si uu uga baabi'iyo dhibaatada iyo murugada ka soo gaadhay dagaalkaasi.[42]

*Saynaba binti Jaxshi lku dhalatey magaalada Makka sanadkii 590 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 641 C.D, waxay ahayd qof dumar nebiga ina adeer la ah, markii dambana uu guursadey.[43]

*Ramla binti Abii Sufyaan: sidoo kale loo yaqaano: ﺃﻡ ﺣﺒﻴﺒﺔ, "Umm Xabiiba", macnaha: "Hooyadii Xabiiba") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 594 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 666 C.D, waxay ahayd qof dumar nebiga qaraabo la ah, markii dambana uu guursadey.[44] Ramla waxaa dhalay oo aabe u ah hogaamiyihii reer Quraysh markii dambena ku soo biiray diinta Islaamka ee asxaabi Abu Sufyaan.

Maariya Al-Qibdiyya

Maariya Al-Qibdiyya "Maariya Al-Qabdiya") ku dhalatey deegaano ka mid ah wadanka Masar sanadkii 592 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 637 C.D, waxay ahayd qof dumar adoon ah oo ka soo jeeda wadanka Masar, taasi oo ah ooridii 10aad ee Nebi Muxamed[45]. Maryama ama Maariya waxaa loo soo diray nebiga hadiyad ahaan, markee soo gaadhay magaalada Madiina ee xarunta u ahayd dowladii Islaamka ayadoo adoon ah ayaa Mariya waxaa arkey Nebi Muxamed (c.s.w.s) asaga oo siiyay xoriyadeeda wakhti yar ka dibna guursadey.

Reyxaana bint Zayd

Rayhana bint Zayd ku dhalatey deegaano u dhow magaalada Madiina sanadkii 587 C.D, waxay ahayd qof dumar ah oo ka soo jeeda qabiilka Yuhuud, waana ooridii 9aad[46] ka dib markii laga adkaaday qabiilkeeda ayaa Rayxaana loo soo qabsadey adoon ahaan, halka raga qabiilkeeda laga dilaayay. Markii ay soo gaadhay magaalada Madiina ee xarunta u ahayd dowladii Islaamka ayadoo adoon ah ayaa Rayxaana waxaa arkey Nebi Muxamed (c.s.w.s) asaga oo siiyay xoriyadeeda wakhti yar ka dibna guursadey.

Dumarka Rasuulka
Magaca Xaaska Wakhtiga uu Qabay Tirada Caruurta
Khaddiija 595 ilaa 619 C.D
Sowda 619 ilaa 632 C.D -
Caisha 619 ilaa 632 C.D -
Xafsa 624 ilaa 632 C.D -
Saynab 625 ilaa 627 C.D -
Hinda 629 ilaa 632 C.D -
Saynab bint Jahsh 627 ilaa 632 C.D -
Juwayriya 628 ilaa 632 C.D -
Safiyya 629 ilaa 632 C.D -
Ramla 628 ilaa 632 C.D -
Maymuna 630 ilaa 632 C.D -
Maryama 630 ilaa 632 C.D
Rayhana 629 ilaa 632 C.D -

Caruurta Nebiga

Sida ku xusan diinta Islaamka Rasuul iyo Nebi Muxamed bin Cabdullaahi bin Cabdul Mudalib wuxuu Ilaahay (koreeye) u ogolaaday in uu guursado intuu doono oo dumar ah; sidaasi darteed wuxuu guursadey 13 xaas. Intooda u badani wax ilmo ah uma dhalin nabiga, marka laga reebo Khaddiijo oo ah ooridii ugu horeeysay oo u dhashay 6 ilmo iyo Maryama al-Qibtiyya oo dhashay hal wiil.

Isku soo wada duuboo, Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim, gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.

Wiilasha

Wiilasha uu Nebi Muxamed dhalay waa sadex wiil oo kala ah: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim.

Qaasim bin Muxamed

Qaasim bin Muxamed (ingiriis: Qasim bin Mohammed; carabi: ﻗﺎﺳﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Qaasim bin Muxamed") ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[47]

Sanadkii 605 C.D ayaa Qaasim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoon gaadhin labo sano, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Cabdullahi bin Muxamed

Cabdullahi bin Muxamed (ingiriis: Abd-Allah ibn Muhammad; carabi: ﻋﺒﺪﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Cabdullahi bin Muxamed"; sidoo kale loo yaqaano: Tahir ibn Muhammad, "Daahir ibn Muxamed", "Daahir" macnaheedu waa "Nadiif"; sidoo kale: Dayib ibn Muhammad, "Dayib" macnaheedu waa "Fiicane") ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[48]

Sanadkii 615 C.D ayaa Cabdullahi Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoo wali aad u yar, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Ibraahim bin Muxamed

Ibraahim bin Muxamed (ingiriis: Abraham bin Mohammed; carabi: ﺇﺑﺮﻫﻴﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Ibrahim bin Muxamed") ku dhalatey magaalada Madiina bishii ugu dambeeysay ee sanadkii 8aad H.K (Hijrada Ka dib) waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Maryama al-Qibtiyya oo marka hore adoon ahayd oo laga keenay wadanka Masar.[49]

Wiilkani waxaa loogu magac-daray Nebi Ibraahim, waxaana yaraantiisii nuujisey Umm Sayf oo ahayd xaaska Abu Sufyaan, taasi oo sidii dhaqanku ahaa Nebi Muxamed siiyay xoogaa adhi ah. Markuu jiray qiyaastii 16 bilood ayaa Ibraahim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey Dagaalkii Tabuk ka dib asagoo 18 bilood jir ah.

Gabdhaha uu Nebigu Dhalay

Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim, gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.

Saynab bint Muxamed

Saynab bin Muxamed (ingiriis: Zeinab bint Muhammad; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Saynab bint Muxamed") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 600 C.D waa gabadha ugu wayn ee curada Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[50]

Saynab waxay dhalatey sanadkii 5aad ee guurka nebiga iyo Khaddiija, wakhtigaasi oo Nebi Muxamed ahaa 30 jir. Sanadkii 629 C.D (oo ku beegan sanadkii 8aad ee Hijrada) ayaa Saynab Muxamed xanuusatay, waxayna dhimatey ayadoo 29 jir ah. Gabadhani waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Ruqiya bint Muxamed

Ruqiya bint Muxamed (ingiriis: Ruqayyah bint Muhammad; carabi: ﺭﻗﻴﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Ruqiyya bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "ﺫﺍﺕ ﺍﻟﻬﺠﺮﺗﻴﻦ", oo macnaheedu tahay "qoftii labo jeer hijrootay") ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha labaad ee ugu wayn caruurta Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[51]

Ruqiya Muxamed waxaa markii hore guursadey Cutayba bin Abu Lahab, kaasi ooy iska furtey markeey Islaamtey. Waxaa markii dambena guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan, oo markey dhimatey sanadkii 2aad ee hijrad (624 C.D taariikhda Miilaadiga) wuxuu Cusmaan dumaalay walaasheed Umm Kaltuum bint Muxamed.

Ruqiyah bintu Muxamed waxaa lagu aasay magaalada Madiina.

Umm Kaltuum bint Muxamed

Umm Kaltuum bint Muxamed (ingiriis: Umm Kulthum bint Muhammad; carabi: ﺃﻡ ﻛﻠﺜﻮﻡ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Umm Kalthum bint Muxamed") ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha sadexaad ee ugu wayn caruurta Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[52]

Umm Kaltuum Muxamed waxaa markii hore guursadey asxaabi Cutayba bin Abu Lahab, markii dambena waxaa dumaal ku guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan.

Faaduma bint Muxamed

Fatima bint Muxamed (ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan" Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida") ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas deegaanada Carabiya, mar ahaantaana dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) laguna aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya waa gabadha ugu yar gabdhaha Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[53]

Faaduma Sahra Muxamed waa xaaskii asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cali binu Abi Daalib, hooyada mataanaha Xasan iyo Xuseen iyo qofta shanaad ee Ahlu-Beytka. Sababtoo ah waxay aad ugu dhowayd, daryeeli jirtey isla markaana taageeri jirtey aabaheed Nebi Muxamed, Faadumo Sahra waa mid ka mid ah dumarka loogu qadarinta badan yahay muslimiinta dhexdooda.

Faaduma nebi waxay dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) waxaana lagu aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya.

Risaalada iyo Nebinimada

Godka Xira ee Nebi Muxamed loogu soo dhex waxyooday.
Masaajidka Kacbada ee magaalada Makka.

Kitaabka Quraanka

Aayada ugu dambeeysa ee Suuratu An-Najmi ee kitaabka Quraanka ah.


Kitaabka Quraanka kariimka ah.

Quraan Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ; ingiriis: Koran) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Maxamed (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga.[54][55] Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed.[56]

Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Muxamed (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir,[57] ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.[58]

Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki[58] (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani[58] (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi Muxamed wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa[59] (mahnaheedu tahay fur-furitaan ama "bilaabid") oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.

Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.[60]

Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha.[61] Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda.

Micnaha & Sharaxaada Quraanka

Qoraalka Quraanka kariimka ah qarnigii 11aad waqooyiga Afrika.

Ereyga qur'aan waxaa kitaabka Quraan laga dhex helaa 70 jeer, kuwaasi oo qaarkood yihiin ficil (verb) iyo magac (noun) ah qaraʼa (ﻗﺮﺃ) oo macnaheedu tahay "akhriyey" ama "la akhriyey".[62][63]

Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed, isla markaana wuxuu kala saaraa runta iyo beenta; mugdiga iyo iftiinka; janoda iyo cadaabta; ifka iyo aakhiroda.[64]

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee Ilaahay (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamed (n.n.k.h) waxaa lagu magacaabaa Al-Furqaan, kaasi oo ah tilmaamid ("al-huda"), xikmad, xasuusinta Alle ("al-dikhri"), iyo mid samada sare laga soo diray ("tanziil"). [65]

Dagaaladii Nebigu ka Qayb Galay

Dagaaladii Islaamka
ﻏﺰﻭﺓ
Qaswooyinkii Ugu Horeeyay
Dagaalkii Beder
(ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ)
Bedertii Labaad
Dagaalkii Uxud
(ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ)
Dagaalkii Dhufeysyada
(ﻏﺰﻭﺓ ﺍﻟﺨﻨﺪﻕ)
Dagaalkii Isbaaheysiga
(ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ)
Dagaalkii Kheybar
Dagaalkii Xunayn
Dagaalkii Tabuk

Dagaalkii Beder

maabka ololihii dagaalka Beder.

Dagaalkii Beder (ingiriis: the Battle of Bedr; carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ; "Ġazwat ‘Bedr") waa dagaal dhacay Sabti, Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 17kii Ramadan sanadkii 2aad ee Hijrada[66] Islaamka; dagaalkaasi oo ka dhacay meelo ka mid ah deegaanka Xijaas (ee maanta ah dalka Sacuudi Carabiya).[67] Dagaalku wuxuu ka dhex dhacay ciidamo Islaamiyiin ah ka yimid magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h) iyo xooga ciidan ka soo duulay magaalada Makka oo uu hogaaminayay madaxdii Qureysheed ee ka soo horjeeday diinta Islaamka.[68][69]

Dagaalkan Beder wuxuu ahaa dagaalkii kowaad ee si fool-ka-fool ah uga dhex dhaca kufaartii reer Makka iyo muslimiinta u soo qaxdey isla markaana degan magaalada Madina.

Taariikhda miilaadiga markey ahayd Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican u hubeeysani ka soo baxeen magaalada Makka si eey u soo asxaabta raacdey Nebi Muxamed.[70] Ciidamada reer Makka si fiican ayay u qalabeesnaayeen waxayna wateen sahayl iyo agab aad u wanaagsan, qorshohooduna wuxuu ahaa ineey dhoola-tus milatari u muujiyaan dhamaan qabiilada Carabta eey uga baqayeen ineey qaataan diinta Islaamka ee ayagu ka soo horjeedeen.

Si kastaba ha ahaatee, tiro yar oo dagaalyahano muslimiin ah kuwaas oo lagu sheego 250 ilaa 300 oo nin ayaa waxay deegaanka Beder dagaal adag kula galeen kun iyo ka badan nin oo dagaalyahano reer Makko ah kuwaasi oo guuldaro iyo shalaayto kala tagay goobtii lagu dagaalamayay.[71] Dagaalkan Beder jab lama filaan iyo lama ilaawaan ku noqday ayaa ka raacay ciidamadii reer Quraysheed ee ku soo duuley si eey u tirtiraan diinta Islaamka.[72]

Isku soo wada duuboo, tiro yar oo muslimiin ah ayaa ku dhimatey dagaalkaasi Beder, gaaladii soo duusheyna rag badan oo madax iyo hogaamiyayaal leh ayaa kaga dhintey. Dagaalkani wuxuu noqdey midka horseeday in mar labaad muslimiinta iyo ciidamada reer Makka dagaal iskugu soo noqdaan, kaasi oo ah Dagaalkii Uxud ee muslimiin badan lagu diley, isla markaana Nebi Muxamed laftiisa dhaawacyo aad u halis badan ayaa soo gaadhay, ugu dambeyntii guushu waxay raacdey reer Makka.[73][74]

Badertii Labaad

Ka dib markey dadka muslimiinta ahi ka soo qaxeen magaalada Makka ayagoo u hijroonaya magaalada Madiina ayaa in badan ka mid ah qabiilka Quraysh waxaa cadho-gelisay in Nebi Muxamed iyo asxaabtiisa ay nabad ku degan yihiin magaalada Madiina isla markaana ay fidinayaan diinta Islaamka. Taasi waxay dhalisey in Qurayshi dhowr jeer ku soo duusho Nebi Muxamed iyo intii raacsanayd, markii ugu horeeysay Dagaalkii Beder (sanadkii 624 C.D)[75] ee gaaladii reer Makka aad ugu jabtey, ka dib mar labaad dagaalkii aargoosiga ahaa ee Uxud ee dhacay sanadkii 625 C.D[76] kaasi ooy si daran ugu xasuuqeen muslimiinta.

Si kastaba ha ahaatee, markey taariikhdu ahay Abriil sanadkii 626 C.D ayaa Nebi Muxamed isku keenay ciidan ka kooban 300 oo nin iyo 10 faras si uu ula kulmo ciidamada Quraysh oo ahaa 1,000 nin. Waxay ku kulmeen deegaanka Bader taasi oo ah markii labaad eey ku kulmaan meeshani ka dib Dagaalkii Beder. In kastoo aanu wax dagaal ahi dhex marin labada dhinac, tani waxaa loo yaqaanaa Badertii Labaad.[77] Wakhtigani labada dhinac waxay isla af-garteen heshiis ah inaan la dagaalamin intii mudo ah oo amaan lagu wada joogo. Mudo ka dib, qabiil Yuhuud ah ayaa u safrey magaalda Makkah si ay heshiis ula soo galaan qabiilka Quraysh, taasi oo markii dambe ay isla af-garteen in ay baabi'iyaan Nebi Muxamed iyo inta raacsan oo dhan. Sidaasi ayaa duulaanka ay ku soo qaadeen isbaaheysigu; kaasi oo ah Dagaalkii Dhufeysyada ee muslimiinta reer Madiina ku sameeysteen dhufaysyo ay ku soo wareejiyeen magaaladaasi.

Dagaalkii Uxud

Dagaalkii Uxud (ingiriis: the Battle of Uhud; carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ; "Ġazwat ‘Uḥud") waa dagaal dhacay Sabti, Maarso 19keedii, sanadkii 625 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 3dii Shawwal sanadkii 3aad ee Hijrada[78] Islaamka; dagaalkaasi oo ka dhacay buurta Uxud ee waqooyi galbeed deegaanada Carabiya.[79] Dagaalku wuxuu ka dhex dhacay ciidamo Islaamiyiin ah ka yimid magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h) iyo xooga ciidan ka soo duulay magaalada Makka oo uu hogaaminayay Abu Sufyaan inb Xarbi kaasi oo ahaa hogaamiyaha iyo qabab-qaabiyaha qabiilka Quraysh ee ka soo horjeeday diinta Islaamka.[80][81]

Dagaalkan Uxud wuxuu ahaa dagaalkii labaad ee ka dhex dhaca kufaartii reer Makka iyo muslimiinta u soo qaxdey isla markaana degan magaalada Madina, waxaa ka horeeyay Dagaalkii Beder ee dhacay sanadkii 624kii markaasi oo tiro yar muslimiin ahi jebiyeen dhowr kun oo ciidan hubeeysan ah.

Taariikhda miilaadiga markey ahayd Maarso 11keedii, sanadkii 625 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican u hubeeysani ka soo baxeen magaalada Makka si eey ugu soo aar-gudaan dadkii lagaga diley Dagaalkii Beder.[82] Ciidamada reer Makka si fiican ayay u qalabeesnaayeen oo xataa dumarka iyo caruurta horey ayay u soo kaxeeyseen si aanay marnaba u jabin. Dhinaca kale, markii warka weerarka reer Qureesheed soo gaadhay muslimiinta reer Madiina ayaguna way isa soo diyaariyeen isla markaana horey u soo qaateen wixii hub iyo qalab ay heli kareen.

Si kastaba ha ahaatee, xoogaga ciidamada laba dhinac waxay fooda isku dareen banaanka dhinaca buurta Uxud halkaasi oo dagaalka qeybtiisa hore guushu ku raacdey ciidamdii muslimiinta.[83] Ayagoo moodaya ineey guuleysteen ayaa in badan oo ciidanka muslimiinta ah ayaa daba ordeen dagaal-yahanadii reer Makka, taasi waxay fursad siisay guuto dagaal-yahano fardoleey reer Makkah ah, kuwaasi oo dhabarjebin ku sameeyay ciidamadii muslimiinta.[84]

Isku soo wada duuboo, tiro badan oo muslimiin ah ayaa ku dhimatey dagaalkaasi Uxud ka dib markii ciidamada muslimiintu ku jabeen dagaalkaasi. Intaas waxaa dheer, Nebi Muxamed laftiisa dhaawacyo aad u halis badan ayaa soo gaadhay. Ugu dambeyntii guushu waxay raacdey reer Makka.[85][86]

Dagaalkii Dhufaysyada

Dagaalkii Dhufaysayda (ingiriis: the Battle of Trench; carabi: غزوة الخندق; "Ghazwah al-Khandaq") sidoo kale loo yaqaano Dagaalkii Isbaaheysiga (ingiriis: Battle of the Confederates; carabi: ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ; loogu dhawaaqo: Ghazwah al-Ahzab)[87] wuxuu ahaa go'doomin aad u dheer ee magaalada Yatrib (ee hada loo yaqaano Medina) taasi ooy masuul ka ahaayeen isbaaheysi qabiilo badan oo Carab iyo Yuhuud iskugu jira.[88] Awooda iyo xooga ciidamada, askarta iyo milatariga isbaaheysigu wuxuu ahaa 10,000 oo nin, lix boqol oo faras iyo dhowr boqol oo geel ah; halka tirada awooda ciidamada Islaamka ee reer Madina ay ahaayeen 3,000 oo nin.[89] Dagaalku wuxuu bilaabmey Maarso 31keedii, sanadkii 627 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 5tii Dul-Qacdah sanadkii 5aad ee Hijrada[90]

Difaacayaashii Islaamka reer Madiina oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed , waxay ahaayeen kuwo laga tiro iyo tayo badan yahay, sidaasi darteed waxay go'aansadeen ineey qodaan dhufeys dheer oo ku wareegsan magaalada ayagoo ka faa'iideysanaya deyrkii iyo gidaarkii ku wareegsanaa magaalada Madiina.[91]

Xirfada ay isticmaaleen ciidamo Islaamiyiinta ahi waxay bedbaadisay in isbaaheysiga soo duulay ay qabsadaan isla markaana soo galaan magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina.[92] Sidoo kale, fikradii ahayd in lagu baabi'iyo diinta Islaamka ee uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h) way fashilantey, in badan oo gaalada ahna waa la diley. Si kastaba ha ahaatee, guusha dagaalkani wuxuu horseeday in muslimiintu helaan dhiiranaan iyo kalsooni aad u balaadhan isla markaana wakhti yar ka dib qabsadaan deegaano badan iyo magaalada Makka laf ahaanteed.[93][94][95]

Nabiyada iyo Rasuusha

Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi Muxamed waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Ku Xusan Quraanka
(الأنبیاء والرسل في القرآن)
Nebi Aadam
Nebi Al-yasac
Nebi Ayuub
Nebi Ciise
Nebi Dulkifli
Nebi Daa'uud
Nebi Haaruun
Nebi Huud
Nebi Ibraahiim
Nebi Idriis
Nebi Ilyaas
Nebi Ismaaciil
Nebi Isxaaq
Nebi Luud
Nebi Muuse
Nebi Muxamed
Nebi Nuux
Nebi Saalax
Nabi Shuceyb
Nebi Sulaymaan
Nebi Yaxye
Nebi Yacquub
Nabi Yuusuf
Nebi Yuunus
Nebi Zakariye

Tixraacyada

  1. "Maxamed, Muxamed, Maxammed (ingiriis: Mohammed, "Maxamed"; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, "Maxamed""
  2. "ku dhashay magaalada Makka, Xijaas, ee dhulka Carabiya"
  3. "Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim, ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ"
  4. "570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”)"
  5. "Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim, ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ"
  6. "570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”)"
  7. "Maxamed, Muxamed, Maxammed (ingiriis: Mohammed, "Maxamed"; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, "Maxamed""
  8. "ku dhashay magaalada Makka, Xijaas, ee dhulka Carabiya"
  9. "Ilaahay (koreeyee) u soo waxyooday kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga iyo aasaaska u ah diinta Islaamka"
  10. "Nebi Muxamed yahay mid lagu soo dejiyay diinta Ilaah kali ah ee ka soo bilaabantey Nebi Aadam, isku soo gudbinayeen Nebi Nuux, Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Daa'uud, Nebi Ciise"
  11. "adeerkii Abu Daalib & adhi-jir, markuu qaangaadh noqdey wuxuu ku biiray ganacsi"
  12. "godka xira ku soo siyaartey malag Jibriil, malag Jibriil oo u soo waxyooday suuradii ugu horeeysay ee waxyiga"
  13. "“Kali Ahaanshaha Ilaahay”, islāmnimo, dīnta"
  14. "sanadkii 622 ay u guuraan magaalada wakhtigaasi loo yaqaanay Yathrib (maanta ah Medina)"
  15. "sanadkii 632 C.D billo yar ka dib markii uu ka soo noqdey Xajul Wadaac"
  16. "asxaabtu waxay soo ururiyeen “noloshii nebiga” (siirada) iyo hab "dhaqankii nebiga" (sunnada)"
  17. "Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato (ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ, "ʿalayhi as-salām")"
  18. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named abraha
  19. Esposito, John L. (ed.). p. 198. ISBN 978-0195125580 http://books.google.com/?id=E324pQEEQQcC&pg=PA198&dq=muhammad+birthday+Rabi%27+al-awwal#v=onepage&q=muhammad%20birthday%20Rabi%27%20al-awwal&f=false. Soo qaatay 19 June 2012.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  20. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named EoI-Muhammad
  21. See also Template:Cite quran cited in EoI; Muhammad
  22. Meri, Josef W., 1, Routledge, p. 525, ISBN 978-0-415-96690-0 http://books.google.com/books?id=H-k9oc9xsuAC, soo qaatay 3 January 2013  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  23. Taariikh, "Halimah bint Abi Dhuayb", Encyclopaedia of Islam.
  24. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named IntroQuran182
  25. Watt, Amina, Encyclopaedia of Islam
  26. "Hogaamiyayaasha beesha Quraysh waxay isku afgaran waayeen cidii dhagaxa qaadi lahayd"
  27. "malag Jibriil"
  28. "asxaabiga wayn ee ka midka ah khulafo Ar-Raashidiinta oo ahaa Abu Baker al Sadiiq"
  29. "kuwo bulshada ugu hooseeya iyo qaar badan oo adoomo"
  30. "Quraan suurad Al Axsaab aayada 6aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine"
  31. "Qaasim iyo Cabdulaahi, Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima"
  32. "Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith"
  33. "Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar"
  34. "ingiriis: Khadija; carabi: ﺧﺪﻳﺠﺔ ﺑﻨﺖ ﺧﻮﻳﻠﺪ, "Khaddiija bintu Khuwaylid"; lagu naaneysi jirey: Khadīja al-Kubra "Khadija weynayd""
  35. "Makka, Xijaas, dhulka Carabiya"
  36. "sanadkii 555 C.D, sanadkii 620 C.D waa ooridii kowaad ee Nebi Muxamed"
  37. "magaalada Makka ee deegaanka Xijaas"
  38. "qofkii ugu horeeyay ee rumeeysa Nebiga markii uu waxyiga diinta Islaam"
  39. "Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan Khaddiija ineey tahay “Hooyada Islaamka”"
  40. "ingiriis: Zeinab bint Khuzayma; carabi: ﺯﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﺧﺰﻳﻤﺔ, "Umm al-Masakin", macnaha: "Hooyadii Masaakiinta""
  41. "Nebi Muxamed (c.s.w.s), taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder"
  42. "taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed"
  43. "ingiriis: Zaynab bint Jahsh; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﺟﺤﺶ, "Saynab bint Jaxshi""
  44. "ingiriis: Ramla bint Abi Sufyan; carabi: ﺭﻣﻠﺔ ﺑﻨﺖ ﺃﺑﻲ ﺳﻔﻴﺎﻥ, "Ramla Bint Abi Sufyaan", sidoo kale loo yaqaano: ﺃﻡ ﺣﺒﻴﺒﺔ, "Umm Xabiiba", macnaha: "Hooyadii Xabiiba""
  45. "ingiriis: Maria al-Qibtiyya; carabi: ﻣﺎﺭﻳﺔ ﺍﻟﻘﺒﻄﻴﺔ, "Maariya Al-Qabdiya""
  46. "ingiriis: Rayhana bint Zayd, "Rayhāna bint Zayd ibn ʿAmr"; carabi: ﺭﻳﺤﺎﻧﺔ ﺑﻨﺖ ﺯﻳﺪ ﺑﻦﻋﻤﺮﻭ, "Rayxaana bint Zayd bin Cumar""
  47. "ingiriis: Qasim bin Mohammed; carabi: ﻗﺎﺳﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Qaasim bin Muxamed""
  48. "ingiriis: Abd-Allah ibn Muhammad; carabi: ﻋﺒﺪﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Cabdullahi bin Muxamed"; sidoo kale loo yaqaano: Tahir ibn Muhammad"
  49. "ingiriis: Abraham bin Mohammed; carabi: ﺇﺑﺮﻫﻴﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Ibrahim bin Muxamed""
  50. "ingiriis: Zeinab bint Muhammad; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Saynab bint Muxamed""
  51. "ingiriis: Ruqayyah bint Muhammad; carabi: ﺭﻗﻴﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Ruqiyya bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "ﺫﺍﺕ ﺍﻟﻬﺠﺮﺗﻴﻦ""
  52. "ingiriis: Umm Kulthum bint Muhammad; carabi: ﺃﻡ ﻛﻠﺜﻮﻡ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Umm Kalthum bint Muxamed""
  53. "ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan"Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida""
  54. "Quraan Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ; ingiriis: Koran)"
  55. "waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Maxamed"
  56. "Kitaabka Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed."
  57. "hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Muxamed"
  58. 58.0 58.1 58.2 Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named Asad-Surah-Intro
  59. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named Surah-Al-Faatixa-Intro
  60. Muhammad, ibn Sa'ad. pp. Chapter 3 page 281.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  61. "Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan"
  62. "Ereyga qur'aan waxaa kitaabka Quraan laga dhex helaa 70 jeer"
  63. "qaraʼa (ﻗﺮﺃ) oo macnaheedu tahay "akhriyey" ama "la akhriyey""
  64. "kala saaraa runta iyo beenta; mugdiga iyo iftiinka; janoda iyo cadaabta; ifka iyo aakhiroda"
  65. "tilmaamid ("al-huda"), xikmad, xasuusinta Alle ("al-dikhri"), iyo mid samada sare laga soo diray ("tanziil")"
  66. "Sabti, Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 17kii Ramadan sanadkii 2aad ee Hijrada"
  67. "ingiriis: the Battle of Bedr; carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ; "Ġazwat ‘Bedr""
  68. "Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h)"
  69. "Makka oo uu hogaaminayay Abu Sufyaan inb Xarbi kaasi oo ahaa hogaamiyaha iyo qabab-qaabiyaha qabiilka Quraysh"
  70. "Maarso 11keedii, sanadkii 625 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican"
  71. kun iyo ka badan nin oo dagaalyahano reer Makko ah kuwaasi oo guuldaro iyo shalaayto kala tagay goobtii lagu dagaalamayay
  72. Al-Tabari, Muhammad ibn Jarir. The History of the Prophets and Kings (Tarikh al-Rusul wa al-Muluk), Vol. 18 Between Civil Wars: The Caliphate of Mu'awiyah 40 A.H., 661 A.D.-60 A.H., 680 A.D. (Michael G. Morony).
  73. . Books.google.ca http://books.google.ca/books?id=EmN8tCx_jR4C&pg=PA10&dq=first+Umayyad+Caliph&hl=en&sa=X&ei=ekTzUJO1M8G9rQGyuICADg&redir_esc=y#v=onepage&q=first%20Umayyad%20Caliph&f=false. Soo qaatay 2013-04-30.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  74. The Umayyad Dynasty Archived Juun 20, 2013 // Wayback Machine at the University 0f Calgary
  75. Peters, Muhammad and the Origins of Islam, p. 211—214.
  76. Watt, Muhammad: Prophet and Statesman, p. 135.
  77. Watt, Muhammad at Medina, p. 34-37.
  78. "Sabti, Maarso 19keedii, sanadkii 625 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 3dii Shawwal sanadkii 3aad ee Hijrada"
  79. "ingiriis: the Battle of Uhud; carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ; "Ġazwat ‘Uḥud""
  80. "Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h)"
  81. "Makka oo uu hogaaminayay Abu Sufyaan inb Xarbi kaasi oo ahaa hogaamiyaha iyo qabab-qaabiyaha qabiilka Quraysh"
  82. "Maarso 11keedii, sanadkii 625 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican"
  83. buurta Uxud
  84. Al-Tabari, Muhammad ibn Jarir. The History of the Prophets and Kings (Tarikh al-Rusul wa al-Muluk), Vol. 18 Between Civil Wars: The Caliphate of Mu'awiyah 40 A.H., 661 A.D.-60 A.H., 680 A.D. (Michael G. Morony).
  85. . Books.google.ca http://books.google.ca/books?id=EmN8tCx_jR4C&pg=PA10&dq=first+Umayyad+Caliph&hl=en&sa=X&ei=ekTzUJO1M8G9rQGyuICADg&redir_esc=y#v=onepage&q=first%20Umayyad%20Caliph&f=false. Soo qaatay 2013-04-30.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  86. The Umayyad Dynasty Archived Juun 20, 2013 // Wayback Machine at the University 0f Calgary
  87. "ingiriis: Battle of the Confederates; carabi: ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ; loogu dhawaaqo: Ghazwah al-Ahzab"
  88. "Yatrib (ee hada loo yaqaano Medina) taasi ooy masuul ka ahaayeen isbaaheysi qabiilo badan oo Carab iyo Yuhuud iskugu jira"
  89. "milatariga isbaaheysigu wuxuu ahaa 10,000 oo nin, lix boqol oo faras iyo dhowr boqol oo geel ah; halka tirada awooda ciidamada Islaamka ee reer Madina ay ahaayeen 3,000 oo nin"
  90. "ingiriis: the Battle of Trench; carabi: غزوة الخندق; "Ghazwah al-Khandaq""
  91. "Nebi Muxamed , waxay ahaayeen kuwo laga tiro iyo tayo badan yahay"
  92. "Islaamiyiinta ahi waxay bedbaadisay in isbaaheysiga soo duulay ay qabsadaan isla markaana soo galaan magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina"
  93. "Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h)"
  94. "magaalada Makka"
  95. Nomani, Sirat al-Nabi, p. 368-370.