Nabi Ibraahiim NNKH
Coordinates: 31°31′29″N 35°06′39″E / 31.524744°N 35.110726°E
Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha: |
Shaqsiyaad Muhiim ah
|
Nabi Ibraahiim C.S ama Nebi Ibraahim Khaliifu Allah (Af-Laatiin: Abraham Af-Hebrow: אַבְרָהָם Af Amxaari : አብርሃም Af Carabi : ar; "nebi ibraahim"; loo yaqaano "Khaliilu Allah" oo ah "saaxiibkii Alle") waa nebi iyo rasuul ka mid ah anbiyada iyo rususha Ilaahay u soo diray dadka. Nebi Ibraahim wuxuu ahaa saaxiibkii Eebbe (s.w), waana mid ka mida shanta Rusul ee lagu sheegay kitaabka Quraan kariimka ah.
Nebi Ibraahin NNKH (Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha-Ahaato) waxaa loo soo direy dad caabuda xidigaha, sanabyada iyo khuraafaadka, wuxuuna dadkiisii ugu yeeri jirey iney Eebbe keligiis caabudaan, hase ahaatee wey beeniyeen. Waxayna isku dayeen iney gubaan, Eebbe ayaana ka badbaadiyey. Si kastaba ha ahaato, Eebe (subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu siiyay caruur badan oo qaarkood laga dhigay nebiyo iyo rasuul, waxaana ka mid ah wiilashaasii Nebi Ismaaciil iyo Nebi Isxaaq. Intaasi waxaa dheer, Ilaahay wuxuu barakeeyay oo aad u badiyay tafiirta Nebi Ibraahim; tafiirtiisa waxaa ka mid ah bulshooyinka Carabta iyo Yuhuuda maanta ku dhaqan wadano badan oo Bariga Dhexe ah. Dhinaca kale, Nebi Ibraahim iyo wiilkiisii Nebi Ismaaciil ooy caawinayaan tiro malaa'ig ah waxay si wada jir ah u dhiseen Kacbada, waana aasaaska magaalada Makka ee deegaanka Xijaas ee dhulka Carabiya. Nebi Ibraahim wuxuu Alle (s.w) ku soo dejiyay Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim.
Suxufi Ibraahim
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Suxufi Ibraahim Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim (Af Ingiriis : Scrolls of Abraham; Af Carabi : ar, "suxufi ibraahim", ﮐﺘﺎﺏ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "kitaab ibrahim"; Af Soomaali : qoraaladii Nebi Ibraahim ) waa kitaab diini ah oo Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Ibraahim. Qoraaladaasi waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay ineey yihiin waxyigii Alle ku soo dejiyay Nebi Ibraahim; kuwaasi oo uu qoray Nebi Ibraahim naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.
Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay qoraalada suxufiga ee Nabi Ibraahim.
Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka[1][2] kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:
- Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamedﷺ
- Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
- Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse, iyo
- Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud.
Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:
- Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.
Nebiyada iyo Rasuusha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi Muxamedﷺ waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:
Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ waxaa jira tiro badan oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub. Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamedﷺ. Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.
Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:
Magaca | Magaca Af-Carabi |
Kitaabka | Suxufi | Sharaxaad Kooban |
---|---|---|---|---|
Nebi Muxamedﷺ | ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ | Kitaabka Quraanka "Al-Furqaan" (ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ) |
- |
|
Nebi Ciise | ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ | Kitaabka Injiil "Masiixiyad" |
- |
|
Nebi Muuse | ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ | Kitaabka Towraad (ﺗﻮﺭﺍﺓ) |
Suxufi Muusa |
|
Nebi Daa'uud | ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ | Kitaabka Sabuur (ﺯﺑﻮﺭ) |
- |
|
Nebi Ibraahim | ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ | - | Suxufi Ibraahim |
|
Qoraalo La Mid Ah
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Sifaynta Diinta Islaamka
- Su'aallo Diini ah iyo Jawaaba hooda
- Kitaabka quduska
- Luqmaan Alxakiim
- Masiixiyad