Sabuur

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Kitaabka Sabuur

اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Sabuur Zabuur Kitaabka Sabuur (ingiriis: Book of Psalms; carabi: ﺯﺑﻮﺭ, macanaha: zimra "hees" "muusig", ﮐﺘﺎﺏ ﺩﺍﻭﺩ, "kitabul Daa'uud", "kitaabki Daa'uud"; Hebrew: ְהִלִּי, micnaheedu tahay: "amaan", "amaanid") waa kitaabka diinta Zabuur ee Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Daa'uud.[1][2] Intaasi waxaa dheer, kitaabka Sabuur waxaa la barbar-dhigaa ama lagu sheegaa in uu yahay turjumaada kitaabka "Psalmska" ee dadka Yuhuuda ah ee reer bani Israa'iil. Ereryga "zabuur" (ﺯﺑﻮﺭ) waa mid ah af-carabi kaasi oo asal ahaan lagu micneeyay inuu ka yimid ereyga "zimra" ee luuqada Hebrewga taasi oo macnaheedu tahay "hees ama "muusik"

Si kastaba ha ahaatee, waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay in kitaabka Sabuur tahay waxyigii Alle (s.w) ku soo dejiyay Nebi Daa'uud; kuwaasi oo uu qoray Nebi Daa'uud naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday. Kitaabka Sabuur waxaa ka horeeyay Kitaabka Towraad ee Alle (s.w) ku soo dejiyay Nebi Muuse, waxaana ku xigay Kitaabka Injiil ee Ilaahay u soo waxyooday Nebi Ciise.[3][4]

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg waxaa jira tiro badan[5] oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub.[6] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg.[7] Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[8]

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
Magaca Magaca
Af-Carabi
Kitaabka Suxufi Sharaxaad Kooban
Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ Kitaabka Quraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciise ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ Kitaabka Injiil
"Masiixiyad"
-
Nebi Muuse ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ Kitaabka Towraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uud ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ Kitaabka Sabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
Nebi Ibraahim ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ - Suxufi Ibraahim

Kutubta Ku Xusan Quraanka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay kitaabka Zabuur ee Nabi Daa'uud.[9]

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[10] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

Qoraalo La Mid Ah[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "Sabuur Zabuur Kitaabka Sabuur"
  2. "ingiriis: Book of Psalms; carabi: ﺯﺑﻮﺭ, macanaha: zimra "hees" "muusig", ﮐﺘﺎﺏ ﺩﺍﻭﺩ, "kitabul Daa'uud", "kitaabki Daa'uud"; Hebrew: ְהִלִּי, micnaheedu tahay: "amaan", "amaanid""
  3. Kitaabka Towraad ee Alle (s.w) ku soo dejiyay Nebi Muuse
  4. Kitaabka Injiil ee Ilaahay u soo waxyooday Nebi Ciise
  5. kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg
  6. nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub
  7. "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim"
  8. "Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis"
  9. "Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka"
  10. "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
  11. "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
  12. Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
  13. Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
  14. Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud