Jihaad
Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha: |
Shaqsiyaad Muhiim ah
|
Jihaad (ingiriis: jihad; carabi: جهاد "jihād") waa erey lagu isticmaalo diinta Islaamka taasi oo u taagan dagaal naf, xoolo, dhaqaale, fikir, wakhti, hiil iyo hoo la bixid ah si loo difaaco mabaadii'da iyo jiritaanka diinta Islaamka ah. Sida meelo badan oo kitaabka Quraanka ah ku xusan jihaadku waa mid waajib ku ah dhamaan dadka muslimiinta ah in kastoo lagu kala badan yahay waajibaadkaasi. Sida caadiga ah waxaa jira dhowr nooc oo jihaad ah, waxaa ka mid ah:
- Jihaad dagaal: waa mid khasab ku ah qof kasta oo muslim ah, qaangaadh ah, hub qaadi kara oo dagaal geli kara.
- Jihaadka dhaqaalaha: dadka qaniga ah ee wax heysta waxaa waajib ku ah ineey ku bixiyaan jihaadka qeyb ka mid ah xoolohooga. Waxaa intaas dheer in qofkaas laga rabo inuu isla markaa ka qeyb qaato dagaalka nafsi ahaan.
- Jihaadka nafta: waa marka qofka laga rabo inuu naftiisa ku khasbo waajibaadka diiniga ah ee saaran si uu u fuliyo amarada shaqsi ahaaneed.
Guud ahaan, jihaadku waa dagaal naf huris ah oo loo galayo sidii loo fulin lahaa ama loo dhowri lahaa mabaadii'da diinta Islaamka. Taas macneheedu ma ahan in lala dagaalamayo dhamaan qof kasta oon aaminsanahay diinta Islaamka. Laakiin waa ilaalinta iyo difaaca diinta oo kali ah. Jihaadku waa waajibaad saaran dhamaan muslimiinta si loo ilaaliyo jiritaanka, sumcada iyo karaamada diinta Islaamka.
Macnaha ereyga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Ereyga Jihad (Jihlaad) wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa Af Carabi : (الجهاد), wuxuna sheegay macnihiisu yahay dadaal, halgan, ama u hurid naftaada iyo awoodaada xaqiijinta yool ama arrin wanaagsan Diinta Islaamka dhexdeeda, Jihadu ma aha oo kaliya dagaal, balse waxay leedahay macnayaal ballaaran oo kala ah .
Aayadaha ku boorinaya "jihaadka"
[wax ka badal | wax ka badal xogta]"'Kuwa Eebbe ((Alle)) iyo rasuulkiisa rumeeyay sharcigiisana ku camalfalayow, ma idin tusiyaa ganacsi wayn oo idinka badbaadinaya cadaab xanuun Badan Waana inaad daa'intaan rumaynta Eebe (Alle) iyo rasuulkiisa; dariiqa Allana aad ku jihaaddaan Sii Waxaa aad haysataan ee naf iyo maalba ah aad ugu gargaartaan diintiisa, sidaa ayaa idinkaga khayr badan ganacsiga adduun, haddii aad tihiin kuwo kala garanaya waxa dhibka leh iyo waxa nafciga leh, ee arrinkaas sameeya
(Suurada As-Saf A 10-11)
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]| Dagaaladii Islaamka ﻏﺰﻭﺓ |
| Qaswooyinkii Ugu Horeeyay |
| Dagaalkii Beder (ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ) |
| Bedertii Labaad |
| Dagaalkii Uxud (ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ) |
| Dagaalkii Dhufeysyada (ﻏﺰﻭﺓ ﺍﻟﺨﻨﺪﻕ) |
| Dagaalkii Isbaaheysiga (ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ) |
| Dagaalkii Kheybar |
| Dagaalkii Xunayn |
| Dagaalkii Tabuk |
Jihaadku wuxuu bilaabmey wakhtiyadii ugu horeeyay ee soo ifbaxa iyo fiditaanka diinta Islaamka. Wakhtiyadaasi oo dadka Muslimiinta ahaa u dagaalamayeen si ay u helaan xoriyad, nabadgelyo iyo amni dadkii ay la noolaayeen. Dagaaladaasi ugu horeeyay waxaa ka mid ah Dagaalkii Beder, Dagaalkii Uxud, Dagaalkii Dhufeysyada, Dagaalkii Kheybar, Dagaalkii Xunayn, Dagaalkii Tabuk iyo kuwo kale oo ka dambeeyay.


