Dagaalkii Dhufeysyada

Ka Wikipedia

Dagaalkii Dhufaysayda (ingiriis: the Battle of Trench; carabi: غزوة الخندق; "Ghazwah al-Khandaq") sidoo kale loo yaqaano Dagaalkii Isbaaheysiga (ingiriis: Battle of the Confederates; carabi: ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ; loogu dhawaaqo: Ghazwah al-Ahzab) wuxuu ahaa go'doomin aad u dheer ee magaalada Yatrib (ee hada loo yaqaano Madiina) taasi ooy masuul ka ahaayeen isbaaheysi qabiilo badan oo Carab iyo Yuhuud iskugu jira. Awooda iyo xooga ciidamada, askarta iyo milatariga isbaaheysigu wuxuu ahaa 10,000 oo nin, lix boqol oo faras iyo dhowr boqol oo geel ah; halka tirada awooda ciidamada Islaamka ee reer Madiina ay ahaayeen 3,000 oo nin. Dagaalku wuxuu bilaabmey Maarso 31keedii, sanadkii 627 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 5tii Dul-Qacdah sanadkii 5aad ee Hijrada[1]

Dagaaladii Islaamka
ﻏﺰﻭﺓ
Qaswooyinkii Ugu Horeeyay
Dagaalkii Beder
(ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ)
Bedertii Labaad
Dagaalkii Uxud
(ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ)
Dagaalkii Dhufeysyada
(ﻏﺰﻭﺓ ﺍﻟﺨﻨﺪﻕ)
Dagaalkii Isbaaheysiga
(ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ)
Dagaalkii Kheybar
Dagaalkii Xunayn
Dagaalkii Tabuk
maabka ololihii dagaalka Beder.

Difaacayaashii Islaamka reer Madiina oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed , waxay ahaayeen kuwo laga tiro iyo tayo badan yahay, sidaasi darteed waxay go'aansadeen ineey qodaan dhufeys dheer oo ku wareegsan magaalada ayagoo ka faa'iideysanaya deyrkii iyo gidaarkii ku wareegsanaa magaalada Madiina.[2]

Xirfada ay isticmaaleen ciidamo Islaamiyiinta ahi waxay bedbaadisay in isbaaheysiga soo duulay ay qabsadaan isla markaana soo galaan magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madiina.[3] Sidoo kale, fikradii ahayd in lagu baabi'iyo diinta Islaamka ee uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h) way fashilantey, in badan oo gaalada ahna waa la diley. Si kastaba ha ahaatee, guusha dagaalkani wuxuu horseeday in muslimiintu helaan dhiiranaan iyo kalsooni aad u balaadhan isla markaana wakhti yar ka dib qabsadaan deegaano badan iyo magaalada Makka laf ahaanteed.[4][5][6]

Magaca Dagaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dagaalka waxaa loogu magac daray khandaq[6] (Af-carabi: الخندق) oo macnaheedu tahay dhufeys, sababtoo ah muslimiintu waxay qodeen dhufeeys aad u dheer ooy ku soo wareejiyeen magaalada Madiina. Fikrada ah in god dheer la qodo waxaa keenay asxaabi Salmaankii reer Beershiya (Salmān al-Fārsi) oo asago ka soo xigtey khibradii dagaalka ee boqortooyda Beershiya oo uu u dhashay.

Dhinaca kale, dagaalkan waxaa loo yaqaanaa Dagaalkii Isbaaheysiga (ingiriis: Battle of the Confederates; carabi: ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ; loogu dhawaaqo: Ghazwah al-Ahzab) sababtoo ah waxaa isa soo baaheystay xulafo badan oo ka kooban qabiilada Carabta iyo Yuhuudda. Intaasi waxaa dheer, Qur'aanka kariimka ah waxaa ku jirta surad lagu magacaabo Al-Axsaab (af-carabi الاحزاب).

Sababta Dagaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ka dib markey dadka muslimiinta ahi ka soo qaxeen magaalada Makka ayagoo u hijroonaya magaalada Madiina ayaa in badan ka mid ah qabiilka Quraysh waxaa cadho-gelisay in Nebi Muxamed iyo asxaabtiisa ay nabad ku degan yihiin magaalada Madiina isla markaana ay fidinayaan diinta Islaamka. Taasi waxay dhalisey in Qurayshi dhowr jeer ku soo duusho Nebi Muxamed iyo intii raacsanayd, markii ugu horeeysay Dagaalkii Beder (sanadkii 624 C.D)[7] ee gaaladii reer Makka aad ugu jabtey, ka dib mar labaad dagaalkii aargoosiga ahaa ee Uxud ee dhacay sanadkii 625 C.D[8] kaasi ooy si daran ugu xasuuqeen muslimiinta.

Si kastaba ha ahaatee, markey taariikhdu ahay Abriil sanadkii 626 C.D ayaa Nebi Muxamed isku keenay ciidan ka kooban 300 oo nin iyo 10 faras si uu ula kulmo ciidamada Quraysh oo ahaa 1,000 nin. Waxay ku kulmeen deegaanka Bader taasi oo ah markii labaad eey ku kulmaan meeshani ka dib Dagaalkii Beder. In kastoo aanu wax dagaal ahi dhex marin labada dhinac, tani waxaa loo yaqaanaa Badertii Labaad.[9] Wakhtigani labada dhinac waxay isla af-garteen heshiis ah inaan la dagaalamin intii mudo ah oo amaan lagu wada joogo. Mudo ka dib, qabiil Yuhuud ah ayaa u safrey magaalda Makkah si ay heshiis ula soo galaan qabiilka Quraysh, taasi oo markii dambe ay isla af-garteen in ay baabi'iyaan Nebi Muxamed iyo inta raacsan oo dhan. Sidaasi ayaa duulaanka ay ku soo qaadeen isbaaheysigu.

Mucisadii Nabiga muxamad[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "ingiriis: the Battle of Trench; carabi: غزوة الخندق; "Ghazwah al-Khandaq""
  2. "Nebi Muxamed , waxay ahaayeen kuwo laga tiro iyo tayo badan yahay"
  3. "Islaamiyiinta ahi waxay bedbaadisay in isbaaheysiga soo duulay ay qabsadaan isla markaana soo galaan magaalada xarunta u ahayd Islaamka wakhtigaasi ee Madina"
  4. "Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h)"
  5. "magaalada Makka"
  6. 6.0 6.1 Nomani, Sirat al-Nabi, p. 368-370.
  7. Peters, Muhammad and the Origins of Islam, p. 211—214.
  8. Watt, Muhammad: Prophet and Statesman, p. 135.
  9. Watt, Muhammad at Medina, p. 34-37.