Dagaalkii Beder

Ka Wikipedia

Dagaalkii Beder (ingiriis: the Battle of Bedr; carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ; "Ġazwat ‘Bedr") waa dagaal dhacay Sabti, Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo ku beegan 17 da Ramadaan sanadkii 2aad ee Hijrada, dagaalkaasi ayaa ka dhacay meelo ka mid ah deegaanka Xijaas (ee maanta ah dalka Flag of Saudi Arabia.svg Sacuudi Carabiya). wuxuuna dhex maray ciidanka Muslimiinta oo xaruntooda ahayd magaalada Madiina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (N.N.K.H) iyo xoogag ciidan ka soo duulay magaalada Makka oo ay hogaaminayeen madaxdii Qureysheed ee ka soo horjeeday diinta Islaamka.[1][2]

Dagaaladii Islaamka
ﻏﺰﻭﺓ
Qaswooyinkii Ugu Horeeyay
Dagaalkii Beder
(ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ)
Bedertii Labaad
Dagaalkii Uxud
(ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ)
Dagaalkii Dhufeysyada
(ﻏﺰﻭﺓ ﺍﻟﺨﻨﺪﻕ)
Dagaalkii Isbaaheysiga
(ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ)
Dagaalkii Kheybar
Dagaalkii Xunayn
Dagaalkii Tabuk


Dagaalkii Beder wuxuu ahaa dagaalkii kowaad ee si fool-ka-fool ah uga dhex dhaca kufaartii reer Makka iyo muslimiinta u soo qaxdey isla markaana degan magaalada Madiina.

Taariikhda miilaadiga markey ahayd Maarso 13keedii, sanadkii 624 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican u hubeeysani ka soo baxeen magaalada Makka si eey u soo asxaabta raacdey Nebi Muxamed.[3] Ciidamada reer Makka si fiican ayay u qalabeesnaayeen waxayna wateen sahay iyo agab aad u wanaagsan, qorshohooduna wuxuu ahaa ineey dhoola-tus milatari u muujiyaan dhamaan qabiilada Carabta eey uga baqayeen ineey qaataan diinta Islaamka ee ayagu ka soo horjeedeen.

Si kastaba ha ahaatee, tiro yar oo dagaalyahano muslimiin ah kuwaas oo lagu sheego 250 ilaa 300 oo nin ayaa waxay deegaanka Beder dagaal adag kula galeen kun iyo ka badan nin oo dagaalyahano reer Makko ah kuwaasi oo guuldaro iyo shalaayto kala tagay goobtii lagu dagaalamayay.[4]

Dagaalkan Beder jab lama filaan iyo lama ilaawaan ku noqday ayaa ka raacay ciidamadii reer Quraysheed ee ku soo duuley si eey u tirtiraan diinta Islaamka.[5]

Isku soo wada duuboo, tiro yar oo muslimiin ah ayaa ku dhimatey dagaalkaasi Beder, gaaladii soo duusheyna rag badan oo madax iyo hogaamiyayaal leh ayaa kaga dhintey. Dagaalkani wuxuu noqdey midka horseeday in mar labaad muslimiinta iyo ciidamada reer Makka dagaal iskugu soo noqdaan, kaasi oo ah Dagaalkii Uxud ee muslimiin badan lagu diley, isla markaana Nebi Muxamed Mohamed peace be upon him.svg laftiisa dhaawacyo aad u halis badan ayaa soo gaadhay, ugu dambeyntii guushu waxay raacdey reer Makka

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ka dib markii Muslimiinta ka soo qaxeen Makka una soo hijroodeen Madiina ayaa waxey Quraysh si xoog ah kula wareegtay hantidii ay muslimiinta uga tageen Madiina, arintaas ayaana aad u cadho-gelisay muslimiinta, waxey wacad ku mareen inay aargoosan doonaan.

Bishii Jumaada awal sanadkii 2aad hijiriga Waxaa soo gaaray muslimiinta safar ganacsi oo Qureysh leydahay oo ku wajahan Shaam, Nabi Muxamad scw iyo 150-200 Muhaajiriinta ayaa u baxeyn siday u horgali lahaayeen, balse markey gaareend Dil-cashiira meel la dhaho waxaa u cadaatay in safarka mar hore gudbay. Markii la gaaray waqtigii safarka Shaam ka soo laabanaayay wuxuu Nabiga scw diray Dalxa iyo Saciid bin Zeyd inay war ka keenaan safarka, waxey u sheegeen safarka xool ganacsi badan inuu wado, uuna hogaaminaayo Abuu Sufyaan ilaaladeydu ay tahay 30 ilaa 40 [6].

Wuxuu Rasuulka scw saxaabadiisa ugu baaqay inay u baxaan safarka oo hantida saaran ka ganiimeystaan, waxaa baxay intii diyaar ahayd, intii kale Nabiga scw ma ka dalbin inay baxaan maadaama aa la filayn dagaal saas u sii weyn. Waxey ku beegnay Nabiga scw iyo saxaabadiis markey Madiina ka baxeyn 12 Ramadaan 2H [7], Tirada saxaabada u raacday Rasuulka scw duulaanka waxaa lagu sheegay sedex boqol iyo dhowr iyo toban nin [8], waxaana faras ka watay labo qof Zubeyr bin Cawaam iyo Miqdaad bin Aswad, waxey wateen muslimiinta todobaatan awr oo isku badalaayeen koritaankeed [9], rati kasta 3 qof ayaa isku badalaayeen koritaankiis, xitaa Nabiga scw waxaa la wadaagay ratiga Cali bin Abii Daalib iyo Abuu Lubaaba [10].

Abuu Sufyaan asaga aad ayuu uga digtoonaa qatar kasta oo uga imaan karta Nabiga scw iyo saxaabadiis, waxey u sheegeen basaasiintiis in muslimiinta maleegayaan weerar ay kula wareegaan safarkiisa iyo hantida saaran markiiba wuxuu ka wareegay wadadii uu ku socday xeebta Bada Cas ayuuna u wareegay, sidoo kale Abuu sufyaan wuxuu qeylo dhaan u diray reer Makka asigoo ku leh safarkiina Muxamad iyo ciidankiis aa dhax u galay dhaqso ku soo gaara [11].

Dagaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

maabka ololihii dagaalka Beder.

Warkii markii uu Makka gaadhay ayaa Quraysh is uruursatay iyada oo u arkaysay in ay tahay fursad ay Muslimiinta ku baabi’iyaan. Abuu Jahal oo nacaybka uu Muslimiinta u qabey aan la tilmaami karin ayaa soo kiciyey, hoggaanna u ahaa. Ilaa kun (1000) nin oo wata 200 oo faras ayaa soo dagaal tagtay. Halka ay Muslimiintu ka ahaayeen 313/314 nin, laba faras iyo 70 geel ah.

ciidanka muslimiinta waxa ay socdaan 15 ka Ramadaan ayee soo gaareen ceelka badar agtiisa, wuxuu Nabiga scw u diray ceelasha meelaha ka dhaw ciidan yar oo xogaha soo

Qorshihii saxaabadu ku soo baxday ma ahayn dagaal weyn, iskaba daa mid ay la galaan ciidan ku saddex laabmaya e! Nebiguna- sallal Laahu calayhi wasallam- heshiiskii uu Ansaar la galay kuma aysan jirin in ay dagaal noocan ah galaan. Sidii Suubbanaha- sallal Laahu calayhi wasallam- caadada u ahayd, saxaabadii ayaa uu talo weydiiyey, waxaana la isku raacay in la dagaallamo. Halkii baa dagaal weyn la isu diyaariyey, oo ay labadii ciidan is hor fadhiisteen.

Habeenkii ka horeeyey roob lagu qaboowsadey ayaa da’ay, saxaabadiina hurdo ay ku nasteen baa lagu soo dejiyey sida ay xustay aayadda 11d ee suuradda al-Anfaal. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- aad iyo aad ayaa uu Alle u baryey, guulna u weydiistay. Sida isla suuraddan ku xusanna waa laga aqbalay oo waxaa lagu kabay kun (1000) malag oo ka garab dagaallama.

Subixii ayaa labadii ciidan foodda isdareen. Dagaal culus ayaa meeshii ka dhacay. Intaana Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- duco iyo Alle bari ayaa uu ku jirey “Alloow haddii kooxdan yar la baa’biyo dhulka lagugu caabudi maayo…”, ilaa malaa’igtii oo uu Jibriil- calayhis salaam- hoggaaminayo ay yimaaddeen.

Dagaalkii waxa uu ku dhammaado guushii Muslimiintii tirada yarayd. Mushrikiintii 70 ayaa laga diley 70 kale na waa laga qafaashay. Odayaashii Quraysheed ee Muslimiinta nafta ku dhibay maalintaana la diley waxaa ka mid ahaa Abuu Jahal, Umayyah ibnu Khalaf iyo Cutbah ibnu Rabiicah. Dhanka Muslimiinta waxaa halkaa ku shahiiday 14 saxaabi. Waa maalinta xaqqii ka dulmaray baadilkii adduunka haystay. Waa maalinta Alle ku tilmaamay Yawmal Furqaan. Waa maalintii Muslimiintii la gumeysan jirey ay gacanta sare yeesheen, madaxdii Quraysheed ee silica badayna ay dhegta dhiigga u dareen. Waa maalintii Bilaal nafta ka jaray Ummayyah ibnu Khalaf. Saxaabadii tirada yaraa ee meelahaa lagu ciqaabi jirey, cidina aysan waxba iskaga tirin jirey, waxa ay noqdeen dawlad jirta oo laga haybaysto.

Fadliga Ahlu-badar[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Saxaabadii dagaalkan ka qaybgalay waxa ay leeyihiin darajo iyo qaddarin gaar ah, oo ay dheer yihiin saxaabada intooda kale. Xadiis laga soo weriyey Nebiga- sallal Laahu calayhi wasallam- waxaa ku jirtey in Alle ku yidhi

اعْمَلُوا مَا شِئْتُمْ فَقَدْ غَفَرْتُ لَكُمْ

Waxa aad doontaan sameeya, waa aan idiin dembi dhaafay e.

Alle ha ka raalli ahaado dhammaantood.

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Madina kuwaas oo uu hogaaminayay Nebi Muxamed (n.n.k.h)"
  2. "Makka oo uu hogaaminayay Abu Sufyaan inb Xarbi kaasi oo ahaa hogaamiyaha iyo qabab-qaabiyaha qabiilka Quraysh"
  3. "Maarso 11keedii, sanadkii 625 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican"
  4. kun iyo ka badan nin oo dagaalyahano reer Makko ah kuwaasi oo guuldaro iyo shalaayto kala tagay goobtii lagu dagaalamayay
  5. Al-Tabari, Muhammad ibn Jarir. The History of the Prophets and Kings (Tarikh al-Rusul wa al-Muluk), Vol. 18 Between Civil Wars: The Caliphate of Mu'awiyah 40 A.H., 661 A.D.-60 A.H., 680 A.D. (Michael G. Morony).
  6. جوامع السيرة، علي بن حزم الأندلسي، تحقيق الدكتور إحسان عباس والدكتور ناصر الدين الأسد، دار إحياء السنة، طبعة سنة 1368 هـ، باكستان، ص107
  7. السيرة النبوية - عرض وقائع وتحليل أحداث، علي محمد الصلابي، الناشر: دار المعرفة للطباعة والنشر والتوزيع، بيروت - لبنان، الطبعة السابعة، 1429هـ-2008م
  8. هذه رواية الإمام البخاري، فتح الباري شرح صحيح البخاري، ابن حجر العسقلاني، ج7 ص290-292
  9. الرحيق المختوم، صفي الرحمن المباركفوري، الناشر: دار الهلال - بيروت، الطبعة الأولى
  10. مسند أحمد، ج1 ص411، رقم: 3901، وصحّح إسناده أحمد شاكر
  11. موسوعة نضرة النعيم في أخلاق الرسول الكريم Template:صلى الله عليه وسلم، فريق كبير من المتخصصين بإشراف: صالح بن حميد وعبد الرحمن بن ملوح، ج1 ص287