Jumada al-awwal

Ka Wikipedia

Jumada al-awwal (Af Carabi : ar‎, mararka qaar loogu dhawaaqo Ǧumādā al-ʾAwwal, IPA: [d͡ʒʊˈmæːdæ lˈʔæwwæl]; Ǧamādā al-ʾAwwal, [d͡ʒæˈmæːdæ lˈʔæwwæl]) waa bisha shanaad ee Kalandarka Hijriga. Bishani waxay ku dhamaataa 29 ama 30 maalmood.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bisha Jumadul Awal waa bisha shanaad ee maalintiriska Hijriga ah. Sidoo kale, bishan waxaa loogu magac daray Jumada al-awwal biyaha oo barafooba.

Wakhtiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[1]):

Miilaadi Biloow Dhamaad
1431 15 April 2010 14 May 2010
1432   5 April 2011   3 May 2011
1433 24 March 2012 21 April 2012
1434 13 March 2013 10 April 2013
1435   2 March 2014 31 March 2014
1436 20 February 2015 20 March 2015
1437 10 February 2016   9 March 2016
Wakhtiyada bilaabmeyso Jumada al-Awwal ee sanadaha 2010 ilaa 2016

Kalandarka Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[2]

Sidoo Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
  2. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)