Bisha Ramadan

Ka Wikipedia

Bisha Ramadaan (Af Carabi : ar‎) ama Ramadhan) waa bisha sagaalaad ee Kalandarka Islaamka, iyo bisha uu soo dagay kitaabka Quraanka kariimka ah.

In la Soomo waa bisha Ramadaan waa rukun ka mid ah Tiirarka Islaamka, taasi oo waajib ku ah dhammaan dadka Muslimka ah ee qaangaadhka ah, marka laga reebo dadka xanuusan, kuwa safarka ku jira, dumarka uurka leh, dumarka naas-nuujinaya ilmo, iyo dumarka dhiiga ku jira.[1]

Maalinta ugu horeysa bisha ku xigta Ramadaan, oo ah bisha Shawwal, waa maalinta dadka Islaamka ah u dabaaldegaan dhamaystirka bisha barakaysneyd ee Ramadaan. Maalintani waxaa loo yaqaana Ciid al-Fitr.

Wakhtiga

Maadaama Kalandarka Islaamku yahay mid ku xidhan dayaxa, bisha Ramadaan waxay bilaabanta marka dayaxu dhasho ama la arko. Sidoo kale, maadaama sanadka Kalandarka Islaamku ka gaaban yahay 10 ilaa 11 maalmood (cisho) Kalandarka Miilaadiga, bisha Ramadaan horay ayay u soo siqdaa mar kasta, taasi oo ka dhigaysa bil dhex socota xilliga.

Intaas waxaa dheer, marka lagu gudo jira wakhtiga Bisha Ramadaan, Soonku waxuu bilaabmaa marka qoraxdu soo baxdo aroortii ilaa laga gaadho qorax dhaca galabtii.[2]

Shaxda hoose waxaad ku arki wakhtiga bisha Ramadaan bilaabanayso iyo dhammaanayso ee sanadaha 2010 ilaa 2020ka.

Miilaadi Hijri Bilow[3] Dhamaad
2010 1431 11 Ogosto 9 Sebteembar
2011 1432 1 Ogosto 29 Ogosto
2012 1433 20 July 18 August
2013 1434 9 July 7 August
2014 1435 29 June 27 July
2015 1436 18 June 16 July
2016 1437 6 June 5 July
2017 1438 27 May 24 June
2018 1439 16 May 14 June
2019 1440 6 May 3 June
2020 1441 24 April 23 May
Kalandarka bisha Ramadan ee wakhtiga u dhexeeya 2010 iyo 2020.
Laga yaaba ina wakhtiyadu isbedelaan.

Kalandarka Hijriga

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[4]

Sidoo Kale Fiiri

Tixraac


  1. name="Hadith al-Bukhari 3:123"Hadith al-Bukhari 3:123 Archived Sebteembar 8, 2018 // Wayback Machine Hadith Collection
  2. The Umm al-Qura Calendar of Saudi Arabia History of Astronomy by Robert Harry van Gent
  3. The Principal Islamic Days of Observance according to the Umm al-Qura Calendar
  4. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)