Rabic al-thani

Ka Wikipedia

Rabī’ al-Thānī (Af Carabi : ar‎, loogu dhawaaqoRabīʿ al-Ṯānī, IPA: [raˈbiːʕ æθˈθæːniː]) waa bisha afaraad ee Kalandarka Hijriga. Bisha Rabiical thani waxaa sidoo kale loo yaqaana Rabī` al-Ākhir (ربيع الآخر, taasi oo logu dhawaaqo Rabīʿ al-ʾĀḫir/rabīʻ al-āḵir, IPA: [raˈbiːʕ ˈʔæːxɪr]). [1][2] Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bisha Rabiical thani waa bisha afaraad ee maalintiriska Hijriga ah.

Ereyga Rabiic waa erey Af Carabi ah, kaasi oo macnahiisu yahay "Dayr", halka ereyga thani ay tahay "labo" ama "labaad"; taasi oo "Rabi' al-thani" macnaheedu yahay "Dayrta labaad".[3] Bishani sidoo kale waxaa loo yaqaanaa Rabī` al-Ākhir (ربيع الآخر, taasi oo logu dhawaaqo Rabīʿ al-ʾĀḫir/rabīʻ al-āḵir, IPA: [raˈbiːʕ ˈʔæːxɪr]).

Wakhtiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[4]):

Miilaadi Biloow Dhamaad
1431 17 March 2010 14 April 2010
1432   6 March 2011   4 April 2011
1433 23 February 2012 23 March 2012
1434 11 February 2013 12 March 2013
1435   1 February 2014   1 March 2014
1436 21 January 2015 19 February 2015
1437 11 January 2016   9 February 2016
Wakhtiyada bilaabmeyso bisha Rabiical thani ee sanadaha 2010 ilaa 2016

Kalandarka Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[5]

Sidoo Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Annemarie Schimmel (1994). (illustrated ed.). Edinburgh University Press. p. 69.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Eliade, Mircea, ed. (1987). (illustrated ed.). Macmillan. p. 292. ISBN 9780029098004.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Volume 3, Book 31, Number 223: Narrated Abu Musa: The day of 'Ashura' was considered as 'Id day by the Jews. So the Prophet ordered, "I recommend you (Muslims) to fast on this day." [1]
  4. Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
  5. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)