Dul Xijjah

Ka Wikipedia

Dul Xijja (Af Carabi : ar‎; loo qoro Ḏū l-Hỉʿjah, IPA: [ðʊlˈqɑʕda]) waa bisha labo iyo tobanaad ee Kalandarka Hijriga.[1][2][3] Sida caadiga ah, bisha Dul Xija waxay ka tirsan tahay "Bilaha Barakaysan".

Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.[4]

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bisha Dul Xija waa bisha labo iyo tobanaad ee maalintiriska Hijriga ah.[5] Intaasi waxaa dheer, bishan Dul Xija waa wakhtiga dadka Muslimiinta ahi gutaan waajibaadka Xajka, kaasi oo ka mid ah Tiirarka Islaamka.

Sidoo kale, "Dhu al-Hijjah" macnaheeda saxda ah waa "U ambabaxa Xajka" ama "Bishii Xajka". Wakhtigani waxaa caalamka dhinacyadiisa ka yimaada dad badan oo Muslimiin ah, kuwaasi oo soo siyaarta Kacbada oo ku taala magaalada barakaysan ee Makka.

Waxaa iyadna xusid mudan, maalinta sagaaalaad ee bishan Dul Xija waa "Maalinta Carafo". Maalinta tobanaad ee bishani Dul Xija waa Ciid al-Adxaa, "Maalin Dabaaldeg".

Xadiiska[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida ku xusan xadiisyo badan oo laga soo weriyay Nebi Muxamed (N.N.K.H) tobanka maalmood ee ugu horeeya Dul Xijah waa kuwo aad u barakaysan oo leh fadli iyo faa'iidooyin badan. Sida ku xusan xadiiskan:

(حدثنا هناد حدثنا أبو معاوية عن الأعمش عن مسلم هو البطين وهو ابن أبي عمران عن سعيد بن جبير عن ابن عباس قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام العشر فقالوا يا رسول الله ولا الجهاد في سبيل الله فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم ولا الجهاد في سبيل الله إلا رجل خرج بنفسه وماله فلم يرجع من ذلك بشيء وفي الباب عن ابن عمر وأبي هريرة وعبد الله بن عمرو وجابر قال أبو عيسى حديث ابن عباس حديث حسن صحيح غريب)

Waxaa Ibn Cabaas soo weriyay: Nebiga wuxuu yidhi, "Ma jiraan wanaag iyo xasanaad la sameeyo oo darajo sareeya kuwa la sameeyo maalmahan barakaysan (tobanka maalmood ee ugu horeeya Dhu al-Hijja)." Ka dib asxaab la socotey Nebiga ayaa weeydiisay, "Ma xataa Jihaadka?" Markaasa Nebigu (N.N.K.H) yidhi, "Xataa Jihaadka, marka laga reebo nin naftiisa iyo xoolihiis u bixinaya Alle dartii.." (Waxaa soo weriyay Tirmidhi)

Wakhtiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[6]):

  • 1427 Hijri – Biloow: December 22, 2006; dhamaad: January 19, 2007.
  • 1428 Hijri – Biloow: December 11, 2007; dhamaad: January 9, 2008.
  • 1429 Hijri – Biloow: November 30, 2008; dhamaad: December 28, 2008
  • 1430 Hijri – Biloow: November 19, 2009; dhamaad: December 17, 2009
  • 1431 Hijri – Biloow: November 7, 2010; dhamaad: December 6, 2010
  • 1432 Hijri – Biloow: October 28, 2011; dhamaad: November 25, 2011
  • 1433 Hijri – Biloow: ~October 17, 2012; dhamaad: ~November 14, 2012
  • 1434 Hijri – Biloow: ~October 6, 2013; dhamaad: ~November 4, 2013
  • 1435 Hijri – Biloow: ~September 25, 2014; dhamaad: ~October 24, 2014
  • 1436 Hijri – Biloow: ~September 14, 2015; dhamaad: ~October 13, 2015

Kalandarka Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[7]

Sidoo Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Kuwa kale waa Dhu al-Qi'dah, Dhu al-Hijjah iyo Rajab, The Islamic Calendar Archived Jannaayo 7, 2017 // Wayback Machine
  2. G.E. von Grunebaum, Muhammadan Festivals (London: Curzon Press, 1976), pp. 53-54.
  3. Bid‘ah of Sha‘baan - islamqa.info
  4. [https://web.archive.org/web/20140911022919/http://akhbar.mumineen.org/tag/zilqad-al-haraam/page/14/ Zilqad
  5. [1] Islam online. Archived Febraayo 22, 2011 // Wayback Machine
  6. Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
  7. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)