Shacbaan

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Shacban)

Shacbaan (Af Carabi : ar‎) waa bisha sideedaad ee Kalandarka Hijriga.[1] Habeenka toban iyo shanaad ee bishan waxaa loo yaqaana "Habeenka Xirka" (Laylat al-Bara'at).[2][3]

Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bisha Shacbaan waa bisha sideedaad ee maalintiriska Hijriga ah.

Wakhtiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[4]):

Miilaadi Hijri Biloow Dhamaad
2014 1435 30 May 28 June
2015 1436 19 May 17 June
2016 1437 8 May 5 June
2017 1438 27 April 26 May
2018 1439 17 April 15 May
2019 1440 6 April 5 May
2020 1441 27 March 25 April
2021 1442 16 March 17 April
2022 1443 6 March 4 April
2023 1444 25 February 26 March
2024 1445 15 February 13 March
Wakhtiyada bilaabmeyso bisha Shacbaan ee sanadaha 2010 ilaa 2024

Kalandarka Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[5]

Sidoo Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Kuwa kale waa Dhu al-Qi'dah, Dhu al-Hijjah iyo Rajab, The Islamic Calendar Archived Jannaayo 7, 2017 // Wayback Machine
  2. G.E. von Grunebaum, Muhammadan Festivals (London: Curzon Press, 1976), pp. 53-54.
  3. http://islamqa.info/en/154850.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
  5. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)