Muxarram

Ka Wikipedia
Muharram

Muxarram (Af Carabi : armuḥarram) waa bisha koowaad ee Kalandarka Hijriga. Sida caadiga ah, bisha Muxaram waxay ka tirsan tahay "Bilaha Barakaysan".[1][2][3] Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bisha Muxaram waa bisha koowaad ee maalintiriska Hijriga ah. Taasi macnaheedu waa bilowga "Sanadka Islaamka". Ereyga "Muxarram" macnaheedu waa "la mamnuucay". Waxaa bishan loo yaqaana ineey tahay tan labaad ee ugu barakaysan; waxaa ka fadli iyo barako badan kaliya Bisha Ramadan. Qaar ka mid ah Muslimiintu waxay soomaan sadex cisho. Sidoo kale, maalinta tobanaad ee bishani waa "Maalinta Cashuura", taasi oo dadka Shiicada ah xusaan.[4]

Wakhtiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[5]):

Miilaadi Biloow Dhamaad
1431 18 December 2009 15 January 2010
1432   7 December 2010   4 January 2011
1433 26 November 2011 25 December 2011
1434 15 November 2012 13 December 2012
1435   4 November 2013   3 December 2013
1436 25 October 2014 22 November 2014
1437 14 October 2015 12 November 2015
Wakhtiyada bilaabmeyso bisha Muxaram ee sanadaha 2009 ilaa 2025

Kalandarka Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[6]

Sidoo Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Islām—The Way to God by Submission (en)
  2. Iimaan Run ah Waa Waddada Nolol Farxad Leh
  3. Kuwa kale waa Dhu al-Qi'dah, Dhu al-Hijjah iyo Rajab, The Islamic Calendar Archived Jannaayo 7, 2017 // Wayback Machine
  4. Volume 3, Book 31, Number 223: Narrated Abu Musa: The day of 'Ashura' was considered as 'Id day by the Jews. So the Prophet ordered, "I recommend you (Muslims) to fast on this day." [1]
  5. Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
  6. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)