Safar (bil)

Ka Wikipedia


Safar (Af Carabi : ar‎) waa bisha labaad ee Kalandarka Hijriga. Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bisha Safar waa bisha labaad ee maalintiriska Hijriga ah.

Ereyga Safar ee bishan loogu magac daray waa mid Af Carabi ah, kaasi oo macnahiisu yahay "wax madhan".[1]

Wakhtiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudiga[2]):

Miilaadi Biloow Dhamaad
1431 16 January 2010 14 February 2010
1432   5 January 2011   3 February 2011
1433 26 December 2011 23 January 2012
1434 14 December 2012 12 January 2013
1435   4 December 2013   1 January 2014
1436 23 November 2014 22 December 2014
1437 13 November 2015 11 December 2015
Wakhtiyada bilaabmeyso bisha Safar ee sanadaha 2010 ilaa 2015

Kalandarka Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kalandarka Islaamka (Af Ingiriis : Islamic calendar, Muslim calendar, ama Hijri calendar; Af Carabi : arat-taqwīm al-hijrī) (Cilmi Fallag ahaan loo yaqaano: Anno Hegirae ama AH) waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[3]

Sidoo Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Volume 3, Book 31, Number 223: Narrated Abu Musa: The day of 'Ashura' was considered as 'Id day by the Jews. So the Prophet ordered, "I recommend you (Muslims) to fast on this day." [1]
  2. Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
  3. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)