Rabic al-awwal
Kalandarka Islaamka |
---|
Bilaha |
Rabic al-awwal (ربيع الأوّل) waa bisha sadexaa ee Kalandarka Hijriga. Bisha Rabiical Awal waxaa ku jira Mowliidka Nebiga taasi oo ah wakhtiga uu dhashay Nebi Muxamed (N.N.K.H).[1][2]
Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood.
Hordhac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Bisha Rabiical awal waa bisha sadexaad ee maalintiriska Hijriga ah.
Ereyga Rabiic waa erey Af Carabi ah, kaasi oo macnahiisu yahay "Dayr", halka ereyga awal ay tahay "ugu horeeya" ama "hore"; taasi oo "Rabi' al-awwal" macnaheedu yahay "Dayrta hore".[3]
Wakhtiga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.
Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[4]):
Miilaadi | Biloow | Dhamaad |
---|---|---|
1431 | 15 February 2010 | 16 March 2010 |
1432 | 4 February 2011 | 5 March 2011 |
1433 | 24 January 2012 | 22 February 2012 |
1434 | 13 January 2013 | 10 February 2013 |
1435 | 2 January 2014 | 1 February 2014 |
1436 | 23 December 2014 | 20 January 2015 |
1437 | 12 December 2015 | 10 January 2016 |
Wakhtiyada bilaabmeyso bisha Rabiical awal ee sanadaha 2010 ilaa 2015 |
Kalandarka Hijriga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).
Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.
Bilaha Hijriga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[5]
Sidoo Kale Fiiri
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Maalintiris
- bilaha
- Todobaadyada iyo
- Maalmaha
- Kalandar
- Kalandarka Hijriga
- Kalandarka Miilaadiga
- Bil
- Bilaha Islaamka
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ Annemarie Schimmel (1994). (illustrated ed.). Edinburgh University Press. p. 69. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Eliade, Mircea, ed. (1987). (illustrated ed.). Macmillan. p. 292. ISBN 9780029098004. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Volume 3, Book 31, Number 223: Narrated Abu Musa: The day of 'Ashura' was considered as 'Id day by the Jews. So the Prophet ordered, "I recommend you (Muslims) to fast on this day." [1]
- ↑ Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
- ↑ "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin)