Jump to content

Kalandarka Islaamka

Ka Wikipedia
اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Isticmaalka Maalintiriska (10 Rajab 1428 / 24 July 2007)

Kalandarka Islaamka (Af Ingiriis : Islamic calendar, Muslim calendar, ama Hijri calendar; Af Carabi: ٱلتَّقْوِيم ٱلْهِجْرِيّ at-taqwīm al-hijrī) (Cilmi Fallag ahaan loo yaqaano: Anno Hegirae ama AH) waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Taariikhda Hijriga

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Taariikhda sanadka Hijriga ah wuxuu bilaabmey sanadkii 622 C.D taasi oo ku beegan wakhtigii Nebi Muxamed (N.N.K.H) iyo asxaabtiisa u hijroodeen magaalada Medina waxaana alifey kalaandarka islamka saxaabigii cumar binu khadaab radiyallahu canhu ayagoo ka soo qaxay Makka.[1]

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[2]

TiroMagacAf CarabiMacnahaFaalo
1Muxarramمُحَرَّمla mamnuucayWaa bil barakaysan sababtoo ah waxaa mamnuuc ah dagaalka.
2Ṣafarصَفَرmeel madhan (en: Void)Waxaa loogu magac daray wakhti Carabtii hore ay cunto raadis ku jireen
3Rabic al-awwalرَبيع الأوّلgu'ga koowaadWaa bil aad ugu muhiim dadka Islaamka sababto ah waxaa ku jirta Mowliidka Nebiga.[3]
4Rabī‘ ath-thānīرَبيع الثانيgu'ga labaad
5Jumādá al-ūláجُمادى الأولىXagaaga horeWakhti iskugu jira kulayl daran iyo qaboow saa'id ah habeenkii
6Jumādá al-ākhirahجُمادى الآخرةXagaaga dambe
7Rajabرَجَبsharaf, qadarinBisha Rajab waa tan labaad ee bilaha Barakaysan, waxaana la mamnuucay dagaalka wakhtigan.
8Sha‘bānشَعْبانbaahsanWaxaa lagu sheegaa in wakhtigan Carabtii hore raadin jireen biyo iyo baad.
9Ramaḍānرَمَضانkulayl gubanayaKulayl iyo gubasho aya lala xidhiidhiyaa Soonka, sababtoo ah dadka Muslimiinta ahi waxba ma cunaan qorax soo baxa ilaa qorax dhaca.
10Shawwālشَوّالla koriyay
11Dhū al-Qa‘dahذو القعدة La rumastay
12Dhū al-Ḥijjahذو الحجة bishii xajkaBishani sidoo kale waa bil barakaysan oo dagaalka la xarimay, sababto ah waa bisha la soo guto waajibaadka Xajka.

Sidoo Kale Fiiri

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  1. Watt, W. Montgomery "Hidjra". Encyclopaedia of Islam Online. Brill Academic Publishers. 
  2. "Center for Muslim-Jewish Engagement". Archived from the original on 2014-08-28. Retrieved 2016-06-19. {{cite web}}: Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  3. Hanif, Muhammad (18 February 2010). "The significance of the 12th of Rabi al - Awwal". Minhaj - ul - Quran. Retrieved 14 June 2016.