Jumada al-thani
Kalandarka Islaamka |
---|
Bilaha |
Jumada al-Thani (Af Carabi : ar, loogu dhawaaqo Ǧumādā aṮ-Ṯānī, IPA: [d͡ʒʊˈmæːdæ θˈθæːniː]; iyo Ǧamādā aṮ-Ṯānī, IPA: [d͡ʒæˈmæːdæ θˈθæːniː]) waa bisha lixaad ee Kalandarka Hijriga. Bishani waxay ku dhamaataa 29 ama 30 maalmood.
Hordhac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Bisha Jumadul thani waa bisha lixaad ee maalintiriska Hijriga ah. Bishan waxaa sidoo kale loo yaqaana Jumaada al-Akhir iyo Jumada al-Akhira (جمادى الآخر, loo qoro Ǧumādā al-ʾĀḫir/jumādā al-āḵir, IPA: [d͡ʒʊˈmæːdæ lˈʔæːxɪr]; loogu dhawaaqo Ǧamādā alʾĀḫir/jamādā al-āḵir, IPA: [d͡ʒæˈmæːdæ lˈʔæːxɪr]).
Wakhtiga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.
Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[1]):
Miilaadi | Biloow | Dhamaad |
---|---|---|
1431 | 15 May 2010 | 12 June 2010 |
1432 | 4 May 2011 | 2 June 2011 |
1433 | 22 April 2012 | 21 May 2012 |
1434 | 11 April 2013 | 10 May 2013 |
1435 | 1 April 2014 | 29 April 2014 |
1436 | 21 March 2015 | 19 April 2015 |
1437 | 10 March 2016 | 7 April 2016 |
Wakhtiyada bilaabmeyso Jumada al-thani ee sanadaha 2010 ilaa 2016 |
Kalandarka Hijriga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).
Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.
Bilaha Hijriga
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[2]
Sidoo Kale Fiiri
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Maalintiris
- bilaha
- Todobaadyada iyo
- Maalmaha
- Kalandar
- Kalandarka Hijriga
- Kalandarka Miilaadiga
- Bil
- Bilaha Islaamka
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
- ↑ "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19. Barameter aan la aqoon
|ciwaan=
ignored (caawin)