Dul al-Qacdah

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Dhu al-Qi'dah)

Viedme.seef

Dul-Qacdah, Dul-Qacda, Thu-l-Qicda, amaDhu al-Qi'dah (Af Carabi : ar‎, loo qoro Ḏū l-Qaʿdah, IPA: [ðʊlˈqɑʕda]) waa bisha kow iyo tobanaad ee Kalandarka Hijriga.[1][2][3] Sida caadiga ah, bisha Dul Qacda waxay ka tirsan tahay "Bilaha Barakaysan".

Bishani waxay ku dhamaataa 30 maalmood. Dhinaca kale, dadka Shiicada ah waxay bishan u yaqaanaan Zilqad al-Haraam.[4]

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Bisha Dul Qacda waa bisha kow iyo tobanaad ee maalintiriska Hijriga ah.[5]

Wakhtiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah, bilaha sanadka Hijriga ah waxay la bilaabmaan dhalashada (soo bixitaanka) dayaxa, waxayna inta ugu badan 11 ilaa 13 maalmood ka gaaban yihiin Kalandarka Miilaadiga ee la shaqeeya qoraxda.

Hoos waxaad ku arkaysaa waa qiyaasta wakhtiga ay bilaamayso iyo dhamaanayso bishani (qiyaastani waxaa laga soo xigtay Maalintiriska Umm Al-Qura ee Sacuudi Carabiya[6]):

  • 1426 Hijri – Biloow: December 2, 2005; dhamaad: December 31, 2005
  • 1427 Hijri – Biloow: November 22, 2006; dhamaad: December 21, 2006
  • 1428 Hijri – Biloow: November 11, 2007; dhamaad: December 10, 2007
  • 1429 Hijri – Biloow: October 31, 2008; dhamaad: November 29, 2008
  • 1436 Hijri - Biloow: August 16, 2015; dhamaad: September 15, 2015

Kalandarka Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kalandarka Islaamka waa maalintiriska (Kalandarka) bulshada Islaamka kaasi oo loo yaqaano Hijri. Si la mid ah kaalandarka Miilaadiga ah, sanadka Hijriga ah waa labo iyo toban bilood kuwaasi oo leh 354 ama 355 maalmood (cisho).

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha.

Bilaha Hijriga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka. Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dū al-Qa‘dah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).[7]

Sidoo Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Kuwa kale waa Dhu al-Qi'dah, Dhu al-Hijjah iyo Rajab, The Islamic Calendar Archived Jannaayo 7, 2017 // Wayback Machine
  2. G.E. von Grunebaum, Muhammadan Festivals (London: Curzon Press, 1976), pp. 53-54.
  3. http://islamqa.info/en/154850.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. "News of Hijri Month Zilqad al-Haraam". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-09-11. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. [1] Islam online. Archived Febraayo 22, 2011 // Wayback Machine
  6. Umm Al-Qura calendar of Saudi Arabia
  7. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2014-08-28. Soo qaatay 2016-06-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)