Dalxa bin Cubeydilah R.C.

Ka Wikipedia

Dalxa Bin Cubeydilaah Al-Taymiyi al-Qurashi R.C waa saxaabi ka mid ahaa kuwa ugu horeeyay islaamida iyo Tobanka janada loogu bishaareeyay wuxuu u haajiray Madiina, dhamaan dagaalada ayuuna kala qeyb galay Nabiga scw Dagaalkii Badar marka laga reebo, Maalinkii Uxud wuxuu aad u difaacay Rasuulka scw ilaa gacantiisa ka qalashay sidaas ayuu ahaa ilaa uu ka dhinto.

Dalxa bin Cubaydilaah
طلحة بن عبيدالله
saxaabi
xog ku saabsan
aabihiisa: cubaydilaah bin Cusmaan al-teymi
hooyadii saxba bini xadrami
Dhashay: 594
Ku dhashay: Makka
Diintiisa: Islaam
xaaska Xamna binti Jaxshi, Umu Katuum binti Abii Bakar
ilmahiisa Muxamad, Cimraan, Caaisha, Ciisa
Dhintay: 656
Ku dhintay: Basara, Ciraaq

Taariikhdiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhalxa bin Cubeydillaahi Al-Taymiyi wuxuu la socday dad socoto ahaa oo ka mid ah Qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo gaareen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar ku qamaameen goobihii gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna ay u gataan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed, haddana wuxuu lahaa caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu kula tartami karay ganacsatadaas.

Goor uu Dhalxa marna uu subixii ku soo kallahayo, galabtiina uu ka soo laabanayo suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen ganacsatadii ka kala yimid meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay nolol maalmeedkiisa idilkeed. wuxuuna yiri Dhalxa:-

Mar aynu joogno suuqa Busraa ayaa waxaa nagu soo baxay wadaad kirishtaan ah oo dadka ka dhex dhawaaqaya, isagoo leh ganacsatooy, waxaa dadka weydiisaan in dadkani ay ku jiraan qof reer Makka ah. Markaas uu sidaas leeyahay, kama aanan fogeyn wadaadka, durbadiiba isaga ayaan u degdegay waxaana ku iri: haa, oo annigaa ka imid Makka. Wuxuu i weydiiyay in la soo saaray Axmad, markaasaan ku iri: waa kuma Axmad?! Wuxuu igu yiri waa inankii Cabdillaahi Binu Cabdilmudhalib, wuxuuna intaa ii raaciyay bishan waa bishii la soo saarayay, waa nebigii ugu danbeeyay nebiyada, waxaa laga soo saari doonaa dhulkiina Xaramka (Makka), wuxuuna u hijroon/guuri doonaa dhul leh dhagxaan mad-madow, geed-timireed iyo caro-seel ay ku badan tahay cusbada.., yaanan lagaaga hormarin ninkaas wiilyahow. Wuxuu yiri Dhalxa, hadalkii ninka waxay ku dhacday laabtayda, waxaana ku degdegay awrkaygii, gaadiidkayga ayaan xirxirtay sidiina ay ugu kicitimay magaallada Makka.

Markaan imid magaaladii waxaan reerkayga weydiiyay suaashan: ma wax dhacdo ah ayaa ka dhacay Makka gadaashayda? Waxay yiraahdeen haa, oo waxaa istaagay Muxammad bin Cabdillaahi oo sheeganaya nebinnimo, waxaana raacay oo rumeeyay ina Abii Qaxaafa (waxay ka wadaan Abuubakar). Dhalxa wuxuu yiri, horey ayaan u garanayay Abuubakar, wuxuu ahaa nin dabacsan oo dulqaad badan ayna dadka jecel yihiin, wuxuu ahaa ganacsato leh toosnaan iyo dabci wanaagsan. Waxaynu ahayn kuwii weheshada fadhiyadiisa, aad ayaan u jeclaan jirnay, waayo wuxuu aad ugu xeel dheeraa wararka ku saabsan Qureysh iyo abtirsigeeda. Waxaan markiiba aaday Abuubakar, waxaana ku iri, ma run baa waxa la leeyahay ee ah inuu Muxammad Binu Cabdillaahi sheegtay nebinnimo, adigana aad raacday?!. Wuxuu yiri haa, kadibna wuxuu billaabay inuu iiga sheekeeyo nebiga sheekadiisa, dhinaca kalena i jeclaysiiyo inaan soo islaamo, annigana xaggeyga waxaan uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ahaa. Aad ayuu Abuubakar ula yaabay sheekadii markuu maqlay, wuuna jeclaystay, wuxuuna igu yiri: bal inoo-kaxeey Muxammad si aad uga sheekaysid warkan, adigana aad ka maqashid wuxuu ku leeyahay, si aad markaas u soo gashid diintii Alle.

Dhalxa wuxuu yiri, waxaan anniga iyo Abuu Bakar aadnay Muxammad, wuxuu ii soo bandhigay diinta Islaamka, isagoo igu dul-aqriyay qaar ka mid ah suuradaha Qur'aanka, wuxuu kaloo iigu bishaareeyay labada kheyrood ee adduunyada iyo aakhirada. Laabtayda wuxuu Alle u waasiciyay diinta Islaamka, waxaana uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ii sheegay, farxad aad u weyn oo wejigiisa ka muuqday ayuu nebiga farxay kadib markii uu maqlay, dabadeedna waxaan hortiisa ka qiray inuusan jirin Alle xaq lagu caabudo aan ka ahayn Allaha xaqa ah, Muxammadna inuu yahay Rasuulkii Alle. Waxaan galay lambarka afaraad ee ku soo islaama gacanta Abuu Bakar. Saddaxda kale ee gacanta Abuu Bakar ku soo islaamay waxay kala ahaayeen Sacad bin Abii Waqaas, Cusmaan bin Cafaan iyo Zubeyr Bin Cawwaam.

Waqtigii rasuulka scw[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Islaamiddii Dhalxata waxay naxdin iyo walbahaar weyn ku reebtay reerkiisii uu ka dhashay, haba ugu darnaatee hooyadiis. Maxaa yeelay, waxay ku rajo weynayd inuu Dhalxata hoggaamin doono tolkiisa, astaamaha wanaagga badan ee uu leeyahay awgeed. Waxay tolkiisa in badan isku dayeen inay ka weeciyaan diinta Islaamka, hase ahaatee waxay si dhab ah u ogaadeen inuu iimaankiisa sugan yahay aadna u xeel dheer yahay, ayna marnaba dhici karin inuu ka laabto diinta Islaamka. Markay tolkiisa kala quusteen inay si hadal leh ugu qanciyaan inuu diinta islaamka uga laabto, waxay billaabeen inay cuskadaan jirdil iyo ciqaab.

Waxaa sheekeeyay Mascuud Binu Kharaash wuxuuna yiri: Mar aan socdo Safa iyo Marwa dhexdooda, ayaa waxaan la kulmay dad fara badan oo eryanaya wiil labadiisa gacmood lagu xir-xiray qoortiisa, dadku waxay daba socdeen wiilkaas, iyagoo turaan-turinaya kana garaacaya wiilka madaxiisa. Waxaa iyadana xagga danbe socotay islaan waayeel ah, iyadu ma gaarto wiilka inay garaacdo, hase ahaatee waxay caayaysay, kuna qaylinaysay wiilka. Waxaan dadkii weydiiyay arrinka wiilka haysta, waxayna igu yiraahdeen waa Dhalxata Binu Cubeydillaah oo ka laabtay diintiisa, wuxuuna raacay diintii Muxammad Binu Cabdillaahi. Waxaan kaloo dadkii weydiiyay waxa ay tahay islaantii waayeelka ahayd ee wiilka daba socotay ee iyadu caayaysay wiilka, waxayna igu yiraahdeen waa Sacba Bintu Al-xadrami, waana wiilka hooyadiis.

Labadii la isku xiriiriyay:[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Intaa kadib Nawfal Binu Khuweylid ee lagu naanaysi jiray libaaxii qureesheed ayaa wuxuu aaday xaggii Dhalxata Binu Cubeydillaahi, wuxuu ku xirxiray xarig, xarigii ayuu haddana kula xiray Abuubakar, dabadeedna wuxuu u dhiibay dadkii wax ma garatada ahaa ee degganaa magaallada Makka, si ay u xanuujiyaan, una ciqaabaan ciqaab daran.

Sidaa darteed waxaa Dhalxata iyo Abuu Bakar Al-Siddiiq loogu yeeri jiray labadii-la-sku-xiriiriyay. Waxay maalmuhu socdaan, dhacdooyinkana ay is daba-raacayaan, Dhalxa Bin Cubeydillaahina uu maalmahaas ka siyaadsanayo dhammeystiran, wacdarihiisa waddada Alle iyo waddada Rasuulka (scw) uu sii weynaanayo, dhinaca kalena samafalkiisa islaamka iyo muslimiintana ay sii kobcayso siina fidayso jeer maalintii danbe ay muslimiinta ugu naaneysaan "Shahiidkii haddana noolaa" taasoo loola jeedo saxaabigii Jidka Alle ku dhintay, haddana dunida guudkeeda saaran oo nool. Rasuulkana (scw) wuxuu Dhalxata ugu yeeray magacyadan Dhalxihii kheyrka badnaa, Dhalxihii deeqsiga badnaa, Dhalxihii kheyrka la burqanayay, dhammaantoodna mid kasta waxay leedahay sheeko aan tan kale ka xiiso yareyn.

Maxaa loogu bixiyay shahiidkii haddana noolaa?[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Aynu ku hor marnee sheekada la xiriirta sababta loogu naaneysay shahiidkii haddana noolaa, waxay ahayd maalintii daggaalka Uxud, markii ay muslimiinta ka carareen Rasuulka (scw), ayna markaasna Rasuulka (scw) ku harin oo keliya waxaan ka ahayn 11 qof oo ansaar ah, iyo Dhalxata Binu cubeydillaahi oo ka mid ahaa muhaajiriinta.

Rasuulka (scw) wuxuu fananayay ama korayay buurta isaga iyo intii la socotayba, iyadoo ay sii korayaan buurta ayaa waxaa ku soo baxay oo soo gaaray koox ka mid ah ciidamadii gaalada oo doonaya inay dilaan Nebiga (scw). Markii uu Rasuulka (scw) arkay gaaladii ayaa wuxuu saxaabadii ku yiri: yaa naga caabbinaya kuwan oo noqonaya saaxiibkayga Jannada. Dhalxata ayaa durbadiiba yiri anniga, Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa ku yiri maya, adiga meeshaada iska joog. Nin ka mid ah ansaarta ayaa yiri waa anniga qofkaas Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa yiri haye, waa adiga. Ninkii saxaabiga ee ansaariga ahaa wuu dagaalamay jeer markii danbe laga dilay. Haddana Rasuulka (scw) iyo asxaabtii kale waxay markale sii fanteen buurtii, gaaladiina haddana way ku soo baxeen. Markale ayuu Rasuulka (scw) yiri war ayaa nin u ah kuwani?! Dhalxa ayaa misna yiri anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri: maya, adiga meeshaada iska joog. Nin ka mid ah ansaarta ayaa haddana yiri anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa ku yiri haa, waa adiga. Intaa dabadeed ninkii ayaa la dagaalamay gaaladii jeer ay markii danbe isna ka dilaan. Haddana Rasuulka (scw) wuxuu sii koray buurta, gaaladiina way soo raaceen, kama uusan suulin Rasuulka (scw) inuu ku celcelinayo hadalkiisii hore, Dhalxana uu leeyahay anniga Rasuulkii Allow, Rasuulkuna uu leeyahay maya, uu saxaabi kale u fasaxayo inuu caabbiyo gaaladaas jeer ay 11-kii ansaarta ay dhammaantood halkaas ku shahiidaan. Waxaa Rasuulka (scw) weheliyay oo keliya Dhalxa, gaaladii ayaa haddana markale soo haleelay Nabiga scw.

Dhaawacii Rasuulka (scw) ka soo gaaray dagaalkii Uxud:[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Rasuulka (scw) ayaa wuxuu Dhalxata ku yiri: hadda haa. Rasuulka (scw) waxaa dagaalka ka soo aaray dhaawacyo. Waxaa la jabiyay dhooshiisa hoose, wejigana waxaa ka soo gaaray dakhar, sidoo kalena dabintiisa hoosena waxaa soo gaaray dhaawac, dhiig badan ayaa ka soo daatay wejigiisa sharafta badan, daal iyo tacab aad u daranna maalintaas wuu hareereeyay jirkii suubbanaha Nebiga (scw). Dhalxata wuxuu guda-galay inuu rogaal-celin ku sameeyo gaaladii si uu uga fogeeyo Rasuulka (scw), wuxuuna intaa kadib u soo laabanayay Rasuulka (scw) si uu u saaro xagga sare ee buurta, markale ayuu haddana gaaladii u soo laabanayay, sidaas ayuu sameenayay jeer uu markii danbe gaaladii ka fogeeyo.

Dagaalkii Uxud waxay ahayd maalintii Dhalxa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abuu Bakar Al-Siddiiq RC wuxuu yiri: waqtigaas iyada ah anniga iyo Abuu Cubeyda Binu Al-jarraax waxaan ahayn kuwo ka fog Rasuulka (scw), markii aan u nimid si aynu u daawayno wuxuu Rasuulka (scw) nagu yiri anniga iga taga, oo waxaad aaddaan saaxiibkiina, wuxuu ka waday Dhalxa. Haddaan u nimid Dhalxa, waxaan aragnay isagoo dhiig baxaya, jirkiisana waxaa ku yiilay dhowr iyo toddabaatan dhaawac ama seef ah ama waran ama leeb lagu soo ganay ah. Waxaan kaloo aragnay isagoo gacantiisiina qaybta horena la gooyay, kuna dhacay meel god ah isagoo suuxsan. Sidaa darteed ayuu Rasuulka (scw) u oran jiray wixii intaa ka danbeeyay ruuxii jecel inuu arko nin dunida dusheeda socda, isla markaasna dhintay ha eego Dhalxata Binu Cubeydillaah. Abuu Bakar Al-Sidiiq Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ahaa markii la xuso daggaalkii Uxud kii yiraahda waa maalintii Dhalxata. Intaas waa sheekada la xiriirta sababta loogu naaneysay shahiidkii haddana noolaa.

Maxaa loogu bixiyay Dhalxihii kheyrka badnaa:[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Haddaba, haddaan milicsano sheekadiisa la xiriirta sababta loogu naaneysay Dhalxihii kheyrka badnaa iyo Dhalxihii deeqsiga badnaa, waxaa hubaal ah inay iyadana leedahay boqolaal sheeko. Dhalxata wuxuu ahaa ganacsade leh hanti fara badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa magaallada Xadramuut uga timid lacag gaaraysa 700 000 dirham. Wuxuu habeenkaas Dhalxata seexday isagoo walbahaarsan, aadna u murugaysan. Waxaa u soo gashay afadiisa Ummu Kalthuum Bintu Abiibakar As-siddiiq, waxay aragtay inuu aad u murugaysan yahay, waxayna ku tiri: maxaa kugu dhacay Abii Maxammad?!!, ma wax dhibaato ah ayaa xagganaga kaaga timid! Dhalxata wuxuu afadiisa ku yiri: maya, adigu waxaad tahay afo tan ugu wanaagsan, hase ahaatee ilaa iyo xaleey waan fekerayay oo waxaan naftayda ku lahaa muxuu yahay malaha nin Rabbigiisa hadduu seexdo iyadoo ay gurigiisa taalo lacagtaas. Waxay tiri, maxaa ku walbahaarinayo!?, aaway dadkii tolkaaga ahaa ee masaakiinta ahaa, markaad waabiriyaysato u qaybi maalka. Dhalxata wuxuu aad u jeclaystay hadalkii ay ku tiri xaaskiisa, wuxuuna ku yiri Allaha kuu naxariisto, waxaad tahay qof uu Alle (sw) waafajiyay towfiiqda, sidoo kale aabahaa.

Markuu waagu baryay Dhalxa wuxuu lacagtii ku guray qariirado kala duwan, dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta reer Ansaar iyo Mujaajiriin. Dhalxa wuxuu ahaa deeqsi u roon masaakiinta, waxay weydiistaan oo dhan wuu siin jiray. Waxaa la sheegaa sidoo kale inuu maalin maalmaha ka mid ah uu Dhalxa u yimid nin doonaya in wax la taro, dabadeedna wuxuu u sheegay inuu jiro dhul qiimihiisa gaaraya 300 kun oo dirham, wuxuu dooransiiyay inuu dhulka qaato, ama uu qiimihiis qaato, hase ahaatee wuxuu ninkii doortay inuu qaato lacagtii, wuuna siiyay, maxaa yeelay wuxuu arkayay ajarka iyo xasanaadka Alle agtiisa uu ka rajeynayo inuu kumanaan jeer ka weyn yahay hantidan. Ilaahay ha ka raalli noqdo Dhalxihii kheyrka iyo deeqsiga badna, mujaahidka ahaa, qarbrigiisana Allaha u iftiimayo. Intaasina waxaa ku dhammaatay sheekadii saxaabigii jaliilka ahaa ee Dhalxata binu Cubeydillaah.

Waqtigii khulafa raashidiin[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dagaalkii ratiga iyo dhimashadiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]