Jump to content

Hijrada Madiina

Ka Wikipedia

Hijrada Madiina ama Hijrada Nabiga scw ama si gaaban Hijrada waxey ahayd markii Nabi Muxamad scw iyo saxaabadiis ka haajireen Makka una haajireen Madiina ayagoo ka cararaya dhibka iyo cadaabka ay ku haayeen madaxda Qureysh gaar ahaan dhimashada Abuu Daalib ka dib [1], Taariikh ahaan hijrada wxey ahayd 622 Miilaadi, weyna sii socotay hijrada saxaabada ilaa Makka laga furtay.

dhabihii ay u qaadeen muslimiinta hijradii xabasha iyo tii Madiina

Xiligii khaliifka labaad Cumar wuxuu sameeyay kalandarka ay muslimiinta wax u xisaabsadaan asigoona u astaameeyay hijrada bilaawga Kalandarka, waxanaa loo yaqaanaa "Kalandarka Hijiriga"

Ka gadaal dhimashada Abuu Daalib iyo Khaddiija waxaa sii laba laabmay tacadiyada Qureysh ee ka dhanka ah muslimiinta iyo Nabiga scw, waxa ay wado kasta u mareen sidii ay isku hor istaagi la haayeen diintan cusb ee sii fideysa, Nabiga scw wuxuu u baxay Daa'if dabayaaqadii Shawaal seddex sano ka hor hijrada, waxa uuna magan galyo ka doontay dadkeeda, balse muusan ka helin wanaag oo si xun ayee ula dhaqmeen waxa ayna ku direen ciyaalka iyo waxmagaratada dhagax ayeena la dhacayn [2], aakhirkii Nabiga scw waxa uu isaga soo laabtay Makka [3].

Wuxuu bilaabay hadana Nabiga scw inuu xooga saaro qaabiilada Carabta kulamadooda, waxa uuna tagi jira Mina waqtiyada xajka iyo suuqyada laysugu yimaado isaga oo qabiil qabiil ula fariisan jiray uguna yeeri jiray diinta, laakin cid ajiibto maysan jirin [4].

Islaamida Ansaarta

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xilli uu Nabiga scw ku howlan yahay la kulankiisa qabiilada ayuu arkay lix nin oo reer Madiino ah wayna islaameen wareegtadii Xajjka ee sannadka 11aad ee nabinnimada [5], islamarkaana waxey Rasuulka scw ugu ballan qaadeen inay diintaan gaarsiinayaan reer tolkood iyo ummadda Madiina ku dhaqan.

Wareegtadii xigtay ee xajka waxaa hadana yimid labo iyo toban nin oo reer Madiino ah kuwaas oo qaatay diinta, waxa ayna kula galeen Nabiga scw karinka Caqaba agtiisa balan ah inay u hiiliyaan diintiisa. Axdigaan ayaa loogu yeeraa Beycatu Caqaba koowaad[6], Markaan waxa uu Nabiga scw u diray Madiina Muscab bin Cumeyr si dadka uu u baro diinta tacaaliinteeda [7].

Muscab waxaa gacantiisa ku soo islaamay ragii ugu faraha badnaay ee Ansaar iyo madaxdooda sida Useyd bin Xudeer iyo Sacad bin Mucaad, guri kasto oo reer Madiino ah ayuuna islaamka galay [8]. Wuxuu Muscab ku soo laabtay Nabiga scw Wareegtadii Xajjka ee sandkii 13aad asiga oo la jiraan todobaatan iyo labo rag iyo labo dumar ah, waxa ayna si qarsoodi ah kula galeen Nabiga scw balan inay u hiiliyaan haduu u soo guuro kana difaacaan wixii ilmahood iyo xasaaskood ka difaaci la haayeen [9], balantaan kale waxaa loogu yeeraa Beycatu Caqaba labaad. Kadib wuxuu Nabiga scw u xulay labo iyo toban nin oo madax u ah qabiiladooda.

masjidka Qubaa Nabi Muaxamad scw ayaa ka dhisay Madiina markuu galaayay

Xaalada Madiina ka hor hijrada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa dagi jiray magaalada Madiina (Yasrib horey loo oran jiray) qabiilo Yahuud oo sedex ah; Banuu Qeynaac, Banuu Nadiir iyo Banuu Qureyda, sidoo kale labo qabiil oo carbeed oo waaweyn kuwaas oo kala ahaa Aws iyo Khazraj, waxa ayna haysteen Carabta diinta jaahiliga ee caabudida sanamyada.

Yahuuda ayaana ka dhex abuurtay labada qabiil ee Carabeed Aws iyo khazraj colaad sokeysa si ay isku daciifiyaan, waxeyna dagaalamayeen wax ka badan 100 sano [10], wax yar kahor hijrada waxaa dhacay Dagaalkii Bucaas ee ku dhinteen dad faro badan oo ka mid yihiin madaxda labada qabiil. Waxaa dhacday wax garadka labadaan qabiil inay ku baaqaan nabad iyo midnimo, sidaa daraadeed Cabdulaahi bin Ubay ayee doorteen oo ku hishiiyeen, ayadoo wali la caleemo saarin ayaa markii dacwada islaamka arkeen waxey ka dhex arkeen midnimadii ay goobayeen.

Dhacdooyinka ku saabsan Hijrada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadii 13aad ee nabinimada Wuxuu Nabiga scw u fasaxay saxaabadiisa inay u haajiraan Madiina, bal waxa uu ka dhigay waajib iyo qeyb ka mida iimaanka[11], waxa ayna ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee hijrooda Muscab bin Cumeyr, ibni umm Maktuum, Bilaal, Abuu Salama bin Cabdi Asad iyo Sacad[11], Muslimiintu waxay bilaabeen inay uga baxaan Makka koox koox iyo kali kali si qarsoodi ah ayaga oo ka cabsi qaba in ay Qureysh ogaato oo dib u celiso, waxa ayna ka tageen dhammaan guryahoodii, lacagtoodii iyo ganacsigoodii [12]. Waxa ayse soo dhaweyn iyo garab ka helayn dadkii Madiina oo guryo siiyay kal gacaylna ku qaabilay

Qureysh waxay aad uga soo horjeesatay hijrada waxa ayna ku sameysay carqaladeyn, qaar badan oo muslimiinta aha ayee xabiseen kuwo kalana waxey ka reebteen xaasaskood ama caruurtood, wixii hanti lahaayeena wey ka dhaceen.

Marka laga reebo Nabiga scw, Abuu Bakar iyo Cali bin Abii Daalib waxaa Makka ku haray in yar oon awoodin hijro iyo kuwo la xabisay [13]. Waxaana ka mid ahaay dhibanaashii loo diiday hijrada Hishaam bin Caas, Waliid bin Waliid, Salama bin Hishaam iyo Cayaash bin Abii rabiica

Hijrada Abuu Salama iyo qoyskiisa

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abuu salama waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee u hijrooda Madiina sida ay qabaan Ibni isxaaq iyo Muusa bin Cuqba, waxa uuna hijrooday ka hor Beycadii labaad ee Caqaba, markuu goaansaday inuu haajro waxaa hor istaagay Banuu Mugiira oo ahaayeen tolka xaaskiisa Umu salama weyna u diideyn iney la haajirto, hadana waxaa yimid Banuu Asad tolka Abuu Salama ayagana waxa ay ka reebteen wiilkiisa [14], Abuu Salama kaligiisa ayaa tagay Madiina, xaaskiisa Umu Salama waxa ay dareentay murugo waxa ayna maalinkasta ku ooni jirtay banaanaha ilaa markii dambe uu soo maray mid ilmo adeeradeed ka mid ahaa waxa uuna ku dhahay tolkeedi miskiintan maxaa u haysataan oo ninkeeda iyo caungeeda uga kala geyseen? Markaas ayee tolkeedi ku dhahayn hadaa rabto aadso ninkaadi, Umu salama waxa ay soo qaadatay canugeedi Madiina ayeena soo aaday Cusmaan bin Dalxa ayaana sii dhaweeyay ilaa ay ka gaartay Madiino[11].

Hijrada Cumar bin Khadaab

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cumar waxaa la sheegaa inuu ahaay qofka kaliya ee markuu hijroonayay aan is qarin [15], oo waxa uu garabka surtay seeftiisa ka dibna Kacbada inoo tagay oo ku dawaafay ayuu aaday dhanka fadhiyada Qureysh waxa uuna ku dhahay "foolxumo ha idiin hesho! Qofkii raba iney hooyadiis gablanto oo caruurtiis agoomoowaan xaaskiis carmalanto ha iigu yimaado togaan gadaashiis" mana jirin cid daba gasha [16][17], Cumar ayaana aaday Madiina waxaana la socday ku dhawaad labaatan reerkiis iyo tolkiis ah oo ka mid yihiin Zeyd bin Khadaab iyo Camar bin Suraaqa, waxaa ayna ku degeen dhamaantood Rifaaca bin Maalik markii Qubaa ay gaareen.

Hijrada Suheyba Al-Ruumi

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Suheyb markii uu go'aansaday inuu hijroodo Wuxuu ku dhaqaaqay xilli habeen bar ah oo la wada hurdo, waxaase ka warhelay qeyb ka mid ah ciidankii Quresh weena ka dabatgeen see u soo celiyaan, markaasuu inta u istaagay lana soo baxay warmihiisa iyo gamuunkiisa oo ku dhahay “Qureshey waad ogtihiin inan ahay kan idinku liishka badan wallaahi imasoo gaareesiin ilaa aan idinku soo rido dhamaan warmahayga wixii idinka soo harana waxaan ku garaaci doonaa seefteyda" Waxey ku dheheen: "adigoon waxba heesan ayaad inoo timid agteen ayuu maalkaagu ku batay". Wuxuu ku yiri; ka warama hadaan maalkeyga dhaafo ma isii deynesaan? Waxe dheheen haa.

Wuxuu tusiyay meesha uu maalkiisa ku qarsaday wixii maal uu lahaana uga tagay. Kadib waxey u fasaxeen inuu hijrada sii wato ilaa uu Madiina ka gaaro.

Markuu Madiina soo gaaray wuxuu u jihestay rasuulka SCW dhankiisa. Rasuulka ayaa dhoola caddeyn farxadeed ku yiri: ”Wuu faaiday beeca abaa yaxyow” sadex jeer ayuu yiri[18].

Hijrada Nabiga scw iyo Abuu bakar

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abuu bakar waxaa uu ahaa Nabiga scw inuu ka fasax weydiisanaya laakin wuxuu Nabiga scw ku lahaa "Ha deg degin laga yaabee ilaahay inuu kuu yeelo saaxiib" waxaana rajo ka gashay Abuu bakar Nabiga scw saaxibka asi inuu iska wado [19], labo gaadiid ayuu soo gaday oo gurigiisa kusii diyaarshay.

Habeenkii Hijrada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qureysh markii ay aragtay saxaabada inay ka hijroonayaan Makka waxey ku shirtay Daaru-Nadwa ayagoo ka arinsanaya sidii ay ka yeeli lahaayeen Nabiga scw, waxey falanqeeyaan ba Abuu Jahal ayaa aragti ahaan wuxuu soo jeediyay qabiil kasta wiil inay iska soo saaraan ka dibna ay hal mar wada dilaan Nabiga scw si dhiigiisa qabiilada dhan oo u raaco, taladaan ayaana noqotay midii gunaanadka la isku raacay.[13]

Habeenkii ay rabeen qorshaha qaarijinta inay fuliyaan Malaku Jibriil ayaa ogeysiiyay Nabiga scw waxa uuna faray inuusan jiifan sariirtiisa, habeenkaas wuxuu Nabiga scw faray Cali inuu sii jiifto sariirtiisa uuna hubsado maradiisa, Nabiga scw waxa uu ku dul baxay ciidankii ilaalada ka haayay guriga blase meyna arag oo ilaahay ayaa ka qariyay, subaxdii ayee ku baraarugeen Cali inuu yahay qofka jiifa uu Nabiga scw mar hore baxsaday[20].

Wuxuu Nabiga scw tagay guriga Abuu Bakar halkaas oo labo gaadiid ugu diyaarsaneyd, sidoo kale waxay qabsadeen Cabdulaahi bin Ureyqid oo mukhalas ahaay [21], Abuu bakar iyo Nabiga scw waxay si qarsoodi u baxeen habeen 27da Safar sanadkii 14aad ee Bicsada, waxa uuna horey u qaatay Abuu bakar hantidiisa oo dhan [22],

Ku gambashada Gaar Soor

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxey socdaan ba godka Gaaru Sowr oo Makka dhanka hoose ka dhaca ayee galeen oo ku gambadeen, waxeyna ku jireen sedex habeen, Asma waxey u keeni jirtay cuntada galab kasta, Cabdulaahi bin Abii Baker wuxuu soo dhageysan jiray wararka Qureysh galabihii ayuuna u imaan jiray oo uga warami jiray, Caamir bin Fuheyra ayaa asna ariga daajin jiray agagaarkood wuxuuna tirtiri jiray saamahood [11].

Qureysh waxey iclaamisay subaxdii in Muxamad la soo qabto, ragood ayaana bilaabay meel kasta inay ka raadiyaan, waxeyna u balan qaadeen qofkii war ka keena 100 geel ah, raadkii Nabiga scw ayee qaadeen ilaa ay ka yimaadeen godkii Nabiga scw iyo Abuu bakar ku jireen ayee saanta waayeen, waxey arkeen Caaracaarada oo sameysay godka afkiisa, iyo qooleey buush ka dhisatay, aad ayee u yaabeen oo waxey is dhaheen godkaan laguma jiro [23]. Abuu Bakar oo ka sheekeenaya qisadaas ayaa yiri: (Waxaa ku dhahay Nabiga scw "Qof ayaga ka mid ah haduu lugihiisa fiiriyo wuu na'arki lahaa" wuxuu ku jawaabay Nabiga scw "Maxaad u maleynee Abuu Bakarow labo qofood oo Allah uu yahay kan sedexeeya?") [24]. Qur'aanka kariimka aayada 40aad Suurada Al-Tawba ayuu Alla Swc kaga waramay qisadaas.

Nabiga scw iyo Abuu bakar waxey ka soo baxeen godka seddex bari ka dib ayagoo ku sii jeeda Madiina, waxaana arkay Suraaqa bin Maalik damac ayaa qaaday wuxuu la soo daba galay faraskiisa markii uu usoo dhawaaday ayaa faraskii lugaha dhulka la galay isna wuu ka dhacay, mar kale ayuu kacay wuxuu isku dayay inuu dabagalo hadana sidii oo kale faraskii laguaha ayuu la galay dhulka isna wuu dhacay, markii dambe wuxuu ogaaday awood ka weyn jirto, wuxuuna ka dalbay Nabiga scw inuu amaan siiyo isna uu ka hari doono, wuuna ka yeelay Nabiga scw, Suraaqa markii uu soo laabanayay wuxuu wadada kula kulmay qaar Qureysh ka mid ah oo baadigoob wada, wuxuu ku wargaliyay inuusan cidna ku arag wadadaan oo ka laabtaan[25].

Wadadii Madiina

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mukhalaskii ay qabsadeen wuxuu mariyay wado ka duwan midii caadiya loo mari jiray. Abuu bakar waxa uu ahaa intii ay ku sii socdeen Madiina mid Nabiga scw aad ugu cabsi qaba, wuxuu mar mar soconaayay hortiisa, marna gadaashiis, marna xaga mid, mar kalana bidix. Waxey soo mareen islaan Umu Macbad la dhaho aqalkeed, xoogaa cunto iyo waxey heli karto ayee warsadeen, Umu Macbad waxey u sheegtay inay heleenin waxna oon ka ahayn ri' weyd ah oo wax dheef la hayn, wuxuu Nabiga scw mariyay gacantiisa candhada ri'dii, ilaahay ayuuna baryay, markiiba ri'dii caano ayee yeelatay oo ka wada cabeen dhamaan intii joogtay [26]. Arintaan ayaa lagu tiriyaa mucjisaadkii Nabiga scw ka dhacay intuu noolaay waxeyna sababtay inay islaamto Umu Macbad iyo ninkeedkii.

Gaaritaanka Qubaa

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxey qaadatay hijrada Nabiga scw sideed cawo tan iyo markii ay ka soo baxeen godkii Gaar Sowr, wuxuuna gaaray sideeda bisha Mowliid Qubaa oo dhacda afafka hore ee Madiina [27], kultuum bin hadmi ayuuna ku dagay halka Abuu bakar oo ku dagay khubeyb bin isaaf, Cali bin Abii Daalib ayaa ugu yimid Qubaa ka dib markuu ka soo guday amaanooyinkii looga lahaay Makka, wuxuuna Nabiga scw joogay Qubaa afar maalmood, masaajidkeeda caanka ee Qubaa ayuuna dhisay mudadaaas.

Magaalada Madiina

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Wuxuu Nabiga scw gaaray Madiina 12ka Mowliid[28], Ansaar waxey ahaayeen kuwo aad xamaaso ugu qabo oo sugi la' intuu ka imaanayo Nabiga scw, maalin kasta waxey tagi jireen banaanka Madiina ilaa oraxda ka kululaato markaas ayee iska noqon jireen, maalintii 12ka ahayd ayagoo sii noqonaya ayaa nin Yahuudi ah oo dalacad yar saarnaay ku qeyliyey "Waa kanaa ninkii aad sugeyseen" markaas ayee u kala carareen soodhaweyntiisa. Takbiirta ayaa meelkasta ka wada yeertay, waxaa isku soo baxay reer Madiina oo dhan, naago caruur iyo waaweyn, wadooyinka ayee dhoobteen, qaarna waxey fuuleen guryaha korkooda, ayagoo leh "Yaa Muxmad Yaa Rasuul laah" [29], gabdhaha qaar ayaa garaacayay durbaano, nashiidooyinka maalintaas la qaaday ee caanka baxday waxaa ka mid ahaa

طلع البدر علينا *** من ثنيات الوداع

وجب الشكر علينا *** ما دعا لله داع

Intaas kadib qolo kasta oo ansaar ka mid ah waxay jeclaatay inuu Nabiga scw ayaga ku dhax dago, waxeyna qabanaayeen hasha Nabiga scw hogaankeed ayagoo leh "U kaalay tiro, darab iyo difaac" [30], Nabiga scw wuxuu ugu jawaabaayay "Dhaafa, hashaan way amran tahay" hashii way socotay ilaa ay hor fariisatay guriga Abuu Ayuub oo ku sharafoobay marti galinta Nabiga scw.

Howlihii ugu horeeyay Nabiga scw ka sameeyay Madiina

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxyaabihii u horeeyay ee Nabiga scw Madiina ka sameeyay waxey ahayd dhisida Masjidkiisa, waxaana lagu dhisay iskaashi oo xitaa Rasuulka scw wax ayuu ka qaadayay dhagaxda[31], wuxuuna masaajidka u ahaa Muslimiinta xarun ay ku cibaadeystaan uguna tashadaan arimahooda. Waxaa kale uu Nabiga scw walaaleeyay muhaajiriinta Makka iyo Ansaarta Madiina loogu yimid, isaga oo ka dhexeysiiyay guryaha, hantida, dharka iyo xitaa dhaxalka ilaa markii dambe dhaxalka laga reebay.

Dhanka kale maadaama ay qabiilo Yahuud ku noolaayeen Madiina Wuxuu Nabiga scw la galay hishiisyo wada noolaasho iyo iskaashi, waxaana lagu qoray waraaq markii dambe loo bixiyaydastuurkii Madiina [32] [33], Wuxuuna Nabiga scw aad uga shaqeeyay dhisida dawlad islaami ah oo xoogan, isla sanadkii koowaad ee hijrada ayaana muslimiinta loo fasaxay jihaadka .

Sii socoshada Hijrada Muslimiinta

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hijrada waxey ahayd mid sii socotay oo qof kasta oo Makka ku islaama waxaa waajib ku ahayd inuu Madiina u soo haajiro, Qur'aankana hijrada arinkeeda wuu adkeeyay wuxuu marar badan ku lameeyay iimaanka, saxaabadii u hijrootay Xabasha ayaga xitaa wey ka soo laabteen oo Madiino ayee yimaadeen kheybara kadib [34], qodobadii ay Qureysh kula hishiiyeen Nabiga scw Xudeybiya waxaa ka mid ahaa in muslimiinta Madiina u soo haajireyso uusan aqbalin, laakin qodobkaan isla Qureysh ayaa gadaal dambe ka laashay oo caqabad ku noqday, weyna sii socotay hirjrada ilaa Makka laga furtay, wuxuuna ahaay qofkii ugu dambeeyay ee haajira Cabaas bin Cabdi Muddalib oo dhex kula kulmay Nabiga scw iyo ciidankiisa ayagoo kusii jeeda furashada Makka [35].

Markii la furtay Makka wuxuu dhahay Nabiga scw «Ma jirto hijro ka dambeyso furshada Makka, waxaase jiri doono jihaad iyo niyo» [36]

Natiijooyinka ka dhashay Hijrada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  • Waxey kala saxiixdeen muslimiinta iyo Yahuuda Madiina hishiis wada noolaasho
  1. البداية والنهاية/الجزء الثالث/فصل اجتراء قريش على رسول الله بعد وفاة عمه أبي طالب على ويكي مصدر
  2. الطبقات الكبرى، ابن سعد البغدادي، ج1، ص210-212، دار صادر، بيروت.
  3. مسند أحمد، أحمد بن حنبل، ج4، ص235.
  4. Template:استشهاد مختصر
  5. Template:استشهاد مختصر
  6. Template:استشهاد مختصر
  7. الطبقات الكبرى لابن سعد البغدادي، ترجمة مصعب بن عمير، جـ 3، صـ 87، طبعة دار الكتب العلمية - بيروت، الطبعة الأولى سنة 1990م Archived Jannaayo 13, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-01-13 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  8. السيرة النبوية لابن هشام، بدء إسلام الأنصار، أول جمعة أقيمت بالمدينة، أسعد بن زرارة ومصعب بن عمير وإسلام سعد بن معاذ وأسيد بن حضير، جـ 1، صـ 436: 439، طبعة مؤسسة علوم القرآن Archived 2017-01-13 at the Wayback Machine
  9. تاريخ الإسلام ووفيات المشاهير والأعلام، الذهبي، ج1، ص297-309، تحقيق: عمر عبد السلام تدمري، دار الكتاب العربي، بيروت، ط1987.
  10. سُبحاني، الرسالة: أحداث السنة الأولى للهجرة النبوية الشريفة Archived Mey 24, 2012 // Wayback Machine Archived 2012-05-24 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة
  11. 11.0 11.1 11.2 11.3 البداية والنهاية
  12. السيرة النبوية لابن هشام Archived 2017-05-23 at the Wayback Machine
  13. 13.0 13.1 الطبقات الكبرى، ابن سعد البغدادي، ج1، ص224-238، دار صادر، بيروت.
  14. تأملات في هجرة أبي سلمة Archived Nofeembar 24, 2016 // Wayback Machine ـ راغب السرجاني Archived 2016-11-24 at the Wayback Machine
  15. | ابن برهان الحلبي|2006|ج=2|ص=29
  16. صحيح التوثيق في سيرة الفاروق، ص30.
  17. الطبقات الكبرى، باب هجرة عمر وإخائه لابن سعد. Template:استشهاد ويب
  18. الطبقات الكبير جـ3، ص 206
  19. البداية والنهاية، ابن كثير، ج3 ص214
  20. البداية والنهاية لابن كثير
  21. أبو الحسن الندوي، كتاب السيرة النبوية، صفحة 239. بتصرّف
  22. السيرة النبوية، ابن هشام، ج2، ص236
  23. السيرة النبوية، ابن هشام، ج3، ص5-24، تحقيق: طه عبد الرؤوف سعد، دار الجيل، بيروت، ط1990.
  24. صحيح البخاري، كتاب فضائل الصحابة، رقم: 3653
  25. السيرة الحلبية/باب الهجرة إلى المدينة على ويكي مصدر
  26. أم معبد الخزاعية Archived Jannaayo 9, 2017 // Wayback Machine 01/05/2006 قصة الإسلام Archived 2017-01-09 at the Wayback Machine
  27. الروض الأنف، السهيلي، ج2، ص312-332.
  28. السيرة النبوية، ابن هشام، ج3، ص135، تحقيق: طه عبد الرؤوف سعد، دار الجيل، بيروت، ط1990.
  29. "وصول رسول الله الى المدينه"، إسلام ويب، اطّلع عليه بتاريخ 23/8/2021.
  30. الكامل في التاريخ» ذكر ما كان من الأمور أول سنة من الهجرة Archived 2017-03-29 at the Wayback Machine
  31. رواه البخاري، في صحيح البخاري، عن عروة بن الزبير، الصفحة أو الرقم: 3906، صحيح
  32. Template:استشهاد ويب
  33. Template:استشهاد ويب
  34. المستدرك على الصحيحين (4308) Archived 2016-02-07 at the Wayback Machine
  35. آخر المهاجرين من مكة إلى المدينة ـ فتاوى إسلام ويب Template:استشهاد ويب
  36. صحيح البخاري (2783) عن عبد الله بن عباس، وصحيح مسلم (1864) عن عائشة