Abuu ayuub al-ansaari

Ka Wikipedia

Khaalid bin Zeyd bin Kuleyb oo loo yaqaan "Abuu Ayuub Al-Ansaari" waa saxaabi jaliil ah oo kala qeyb galay Nabiga scw Badar iyo dhamaan dagaalada, wuxuu kala qeyb galay Cali la dagaalanka khawaarijta, gurigiisa ayuu ku soo dagay Nabiga scw markuu ka soo hijrooday Mkaka ee uu yimid Madiina, mudo bil ah ayuu la joogay ilaa uu ka dhistay masjidka iyo guryihiisa kadib wuu ka wareegay.

Abuu Ayuub wuxuu ku juray ciidankii Yaziid oo hogaaminaayay ee ku duulay Qusdandiiniya, wuxuu ku dhintay meel u dhaw dhufeeska Qusdandiiniya, halkaas ayaana lagu duugay [1].

Abuu Ayuub Al-Ansaari
أبو أيوب الأنصاري
Saxaabi
Xog ku saabsan
Aabihiisa: Zeyd bin Kuleyb
Hooyadii Hinda binti Saciid
Dhashay:
Ku dhashay: Madiina
Diintiisa: Islaam
Xaaska Umu Ayuub Hinda binti Qeys
Ilmahiisa
Dhintay: 50H ama 51H ama 52H
Ku dhintay: Istanbuul

Taariikh Nooleydkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waa khaalid bin Zeyd bin Kuleyb bin Saclaba bin Cabdi bin Cawf bin bin Ganam bin Maalik bin Najaar bin Saclaba bin bin Camar bin Khazraj [2], waxa uu ku dhashay Madiina, wuxuuna madax u ahaa tolkiisa Banii Najaar, waxaana leysku raacsan yahay inuu ku jiray 70 kii reer Ansaar ee Beyca Caqaba kula galayn Nabiga scw Makka [3].

Markii uu Nabiga scw Madiina u soo haajiray jufo kasta oo Ansaarta ka mid ah waxa ay jeclaatay inuu Nabiga scw ayaga ku dhax dago, waxeyna qabanaayeen hasha Nabiga scw ayagoo leh "U kaalay tiro, darab iyo difaac" [4], Nabiga scw wuxuu ugu jawaabaayay "Dhaafa, hashaan way amran tahay" hashii way socotay ilaa ay hor fariisatay guriga Abuu Ayuub, Abuu Ayuub ayaana sidaas ugu sharafoobay marti galinta Nabiga scw.

Wuxuu Nabiga scw ku sugnaa guriga Abuu Ayuub ilaa uu ka dhameystiray dhismaha Masjidka iyo guryihiisa [5][6]

xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. البداية والنهاية.
  2. سير أعلام النبلاء» الصحابة رضوان الله عليهم» أبو أيوب الأنصاري Archived 2017-09-25 at the Wayback Machine
  3. البداية والنهاية» كتاب سيرة رسول الله صلى الله عليه وسلم» فصل في أسماء من شهد بيعة العقبة الثانية Archived 2017-07-27 at the Wayback Machine
  4. الكامل في التاريخ» ذكر ما كان من الأمور أول سنة من الهجرة Archived 2017-03-29 at the Wayback Machine
  5. المدينة المنورة المعالم التاريخية موسوعة المملكة العربية السعودية. وصل لهذا المسار في 2 ديسمبر 2015 Archived 2016-03-04 at the Wayback Machine
  6. الدور Archived Agoosto 19, 2016 // Wayback Machine متحف دار المدينة. وصل لهذا المسار في 2 ديسمبر 2015 Archived 2016-08-19 at the Wayback Machine