Khawaarij

Ka Wikipedia

khawaarij waa urur diimeed soo baxay waagii hore ee islaamka, khilaafadii Cali bin Abii Dhaalib ayee sameeyeen kacdoon ay uga soo horjeesteen maamulkiisa, waxey mucaaradeen wada hadalkii uu la galay Mucaawiye, Cali ayaa la dagaalamay oo ku laayay Dagaalkii Nahrawaan sanadkii 38H, Laakin sanadkii 40aad ee hijriga shirqool ay maleegeen ayee ku dileen Cali oo Masjidka kuufa galaaya [1].

Waa kuma khawaarij[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa jiro Axaadiis badan oo laga wariyay Nabiga scw kuwaas oo tilmaamaya khawaarijta, waxeyna ku soo bandhigay inay yihiin dhalin yaro ka cibaado badan dadka aadna u aqriya qur'aanka hadana diinta banaanka ka ah, waxaana ka mid ahaa xadiiskii Nabiga scw ku lahaa «wuxuu yasaa qofka niiga midka ah salaadiisa mala loo fiiriyo salaadood, ssoonkiisayuu yasaa marka loo fiiriyo soonkood, Qur'aanka ayee aqrinaayaan iimaankoodna ma dhaafsana kalaxamahood».

Shahrastaani wuxuu ku dhahay kitaabkiisa Al-Milal Wal-naxli: «Qof walba oo imaamka xaqa ah ay muslimiinta ku hishiiyeen ka baxa daacadiis waxaa loo yaqaanaa khawaarij, ha noqota waqtigii saxaabada ama wixii ka dambeeyay taabiciinta iyo saman kasta»

Taariikhda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Aqoonyahanada qaar waxey qabaan khawaarijta inay soo bilaawdeen waqtigii Rasuulka scw, waxeyna cadeen usoo qaataan Dul-khuweysara ninkii la oran jray ee ku dhahay Nabiga scw oo wax qeybinaya cadaalad sameey[2]. Balse Taariikh ahaan waxaa loo yaqaanaa khawaarijta koox u badnaa "Qurraa" (dad aqoon u leh Qur'aankana) kwaas oo ka tirsanaa ciidanka Cali Dagaalkii Sifiin ee dhax maray Cali iyo Mucaawiye, Ciidanka reer Shaam uu Mucaawiya hogaaminaayay ayaa ku dhawaaday inay jabaan, Camar bin Caas ayaa soo jeediyay fikrad ahayd musxafyada inay warmahooda kor ugu qaadaan ayagoo dalabanaya xukunka kitaabka, Cali oo dareensanaa inay ka tahay qiyaano ayaa amray dagaalka in la sii wado, wuxuuna dhahay eraygiisii caanka ahaa "Waa kalmad xaq ah oo baadil lagu doonaayo" waxaase ka horyimd badanaa ciidankiis xukunka kitaabka ayeena ugu baqeen Cali inuu aqbalo, Cali oo ku qasban ayaa ogolaaday markii dambe, waxeyna labada dhinac ku hishiiyeen Taxkiim inay sameeystaan, 12,000 oo ciidanka Cali ka mid ahaa ayaa diiday Taxkiimka waxeyna mar qura ku wada qeyliyeen "Xukunka ilaah baa leh" weyna ka falaagoobeyn ciidanka Cali waxaana loo bixiyay "Khawaarij".

Meel la yiraahdo Nahrawaan ayee isku aruursadeen waxey madax ka dhigteen cabdulaahi bin wahab Al-raasibi, waxeyna si cad uga bari noqdeen madaxda muslimiinta Cali iyo Mucaawiya.

Dooda ibni cabaas iyo khawaarijta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cali wuxuu isku dayay wada hadalo inuu la furo khawaarijta, ibni Cabaas ayuu u diray soo uga ladooda waxey aaminsanyihiin, markoo u yimid ibni Cabaas waxey dhaheen sedex wax ayaa ku diidnay Cali, Tan Koowaad diinta ilaahay ayuu raga xaakim uga yeelay, Allana wuxuu dhahay: "Xukunka Alla un baa leh". Tan Labaad wuu dagaalamay mana qafaalan qaniimana ma qaadan, hadey gaalo ahaayeen waa u xalaal xoolahood, hadey muslimiin ahaayeena umaba banaaneen dhiigood. Tan Sedexaad wuxuu ka tiray naftiisa Amiir mu’miniin, hadaba haduusan ahayn amiirka muslimiinta waa amiirka gaalada. Wuxuu dhahay ibni cabaas ka warama hadaa niiga keeno kitaabka ilaahay iyo sunada Nabigiisa wax aadan diidi karin miyaad soo laabaneysaan? Waxey dhaheen haa. Wuxuu dhahay tan koowaad Alla wuxuu ku dhahay kitaabkiis ﴾يحكم به ذوا عدل منكم﴿ ugaarka labo caadil ah ayaa xukmineyso, wuxuu kaloo dhahay ninka iyo naagta ishaysta inay labo garsoora oo cidooda ka tashadaan arinkooda, ilaah baa niigu dhaarshee raga inay xukmiyaan dhowrista dhiiga dadka iyo naftood miyaa mudan mise bakeyle inay xukmiyaan oo rubi dirham ah? Waxey dhaheen maye dhowrista dhiiga dadka iyo is hishiisiintood ayaa mudan. Wuxuu dhahay haye taa ma iga haysaan, Haa ayee dhaheen. Wuxuu dhahay Mida aad dahdeen wuu dagaalamay mana qaniimaysan mana qafaalan, ma waxaa rabtiin inaa qafaalataan hooyadiina Caa'isha ama ka baneysataan waxa inta kale ka baneestaan waad ku gaalobeysaan, hadaa dhahdaan hooyadeem maaha ayana waa ku gaalobeysaan oo quraankaa sheegay, marka labo baadi mid doorta. Haye tana ma iga haysaan waxey dhaheen haa. Wuxuu dhahay "mida aa dhahdeen naftiisa ayuu ka tiray amiirul mu’miniin hadaba Rasuulka scw maalinkii xudeybiya wuu ka yeelay gaalada inuu tiro "Muxamad Rasuul laah" kadid markey diideen inay aqblaan, Rasuulkana wuu ka fadli badan yahay Cali, taana ma iga haysaan waxey dhaheen haa. Intaas ka dib waxaa ka tawbad keenay 2000 oo iyaga ka tirasan, intii hartay way kusii nagaadeyn [3].

Dagaalkii Nahrawaan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Caqiidadooda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Template:استشهاد ويب
  2. أسد الغابة: جزء 1 - صفحة 341
  3. Template:استشهاد ويب