Cabdullaahi bin Cabbaas

Ka Wikipedia

Cabdullaahi Binu Cabbaas R.C. waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur'aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (SW) ee abuuray mar kasta weydiisanaya danbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.

Cabdulaahi bin Cabaas
عبدالله بن عباس
saxaabi
xog ku saabsan
aabihiisa: Cabaas bin cabdi mudalib
hooyadii Umul fadli lubaaba
Dhashay: 3sano ka hor hijrada
Ku dhashay: Makka
Diintiisa: Islaam
xaaska xabiiba binti zubeyr, shamiila binti abii xanaa'a, Zahra binti musharix
ilmahiisa Cali bin cabdulaahi bin cabaas, Fadli bin cabdulaah
walaalihiis Fadli bin cabaas, Tamaam bin cabaas,
Dhintay: 68H/687
Ku dhintay: Daa'if

Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi bin Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Bin Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.

Taariikh nooleedkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cilmigiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]