Caa'isha binti Abiibakar

Ka Wikipedia
Magaca caaisha

Caa'isha binti Abiibakar (R.C) waa mid kamid ah xaasaskii Nabi Muxamad Scw, waana tan ugu Caansan xaasaskiisa, waxaa dhalay khaliifka koowaad ee khulafada Raashidiinta Abuubakar Al-Siddiiq, Hooyadeedna waxay ahayd Umu Ruumaan bintu Caamir, Caa'isha waxey Nabiga Scw ka warisay axaadiis aad u fara badan siiba kuwa la xiriira noloshii Nabiga S.C.W, xadiisyada ay warisay waxey gaarayaan tiradooda 2210 iyadoona ay 316 kamid ah ay ku jiraan Saxiixul Bukhaari Iyo Saxiixul Muslim.

Taariikh Nooleedkeeda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Caaisha waxey dhalatay 7 sano ka hor hijrada sida laga dheehan karo xadiiska Bukhaari ay Caa'isha warineyso, balse waxaa jira baaritaano casrigaan ah oo shaki galineyso sax ahaansha warkaas.

Waxaa la walaal ahaa Caaisha 3 wiil iyo 3 gabdhood; Cabdiraxmaan bin Abiibakar oo isku hooyo ahaayeen, Cabdulaahi bin Abiibakar, Muxamad bin Abiibakar, Asma binti Abiibakar iyo Umu kaltuum binti Abiibakar.

Guurkeeda Nabiga scw[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ka dib markey dhimatay Khadiija Rc oo ahayd xaaskii ilmaha u dhashay Rasuulka scw khawla binti xakiim ayaa u soo jeedisay inuu guursado Caa'isha Rc Rasuulkana wuu ka yeelay, Caa'isha markaas waxey jirtay 6 sano, waxaana la sheegaa inay horay ugu doonaneed Jubeyr bin mudcim balse wuu iska fasaqay, Nabiga scw ayaa ka soo doontay Abuu bakar waana lagu mehriyay. Wuxuuna la aqal galay markii loo haajiray Madiina bisha soonfur 2H Dagaalkii badar ka dib.

Dhacdadii ifki[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mid ka mid ah dhacdooyinkii uur kutaalada ku reebtay Caa’isha RC tii ugu xanuunka badnayd waxa ay ahayd "Dhcdadii ifki" oo been abuur munaafaqiinta maleegeen ahayd, waxa ayna dhacday sanadkii 6aad ee hijrada, markii uu Nabiga scw u baxay Duulaankii Banii Musdaliq, asiga oona sidii caadada u ahayd xaasaskiisa u sameyay qori tuur, Caa’isha RC ayaana ku soo baxday qori tuurka, ayadoona u raacday safarka.

Markii laga soo laabtay duullaankii ayaa meel la degay, markaas ayey Caa’isha goor habeen bar ah aaddey bannaanka si ay xaajadeeda u soo gudato, caadana waxaa u ahaan jirtey dumarkii waqtigaa, weliba kuwii mu’minaatka ahaa ee aadka u xishoodka badnaa in haddii ay bannaanka aadayaan ay fogaadaan oo sharqarta ka dhex baxaan, ilaa haddana meelaha uu xishoodku ku dambeeyo waa laga helayaa.     Markii ay Caa’isha soo laabatay ayaa waxaa ka lumay kuul ay wadatay oo ay gabar ka soo caariyeysatay, markaas ayey raadkeedii dib ugu laabatay iyada oo baadi goobeysa hase yeeshee waa meel Ilaahay arrin ka watee intii ay Caa’isha maqnayd ayaa Rasuulkii SCW amray in la guuro, lagamana war hayn in ay Caa’isha maqan tahay maxaa yeelay marka la guurayo waxay dhex geli jirtey bahal la yiraahdo Hawdaj oo loogu talo galay. Hawdajkaas ayaa markaas dhowr nin geesaha qaban jirtey oo ratiga saari jirtey, sidaa darteed nimankii hawdajka qaadayey waxay u maleeyeen in Caa’isha ku dhex jirto mana aysan dareemin fudeydkiisa maxaa yeelay Caa’isha waxa ay ahayd gabar yar oo aan hilib lahayn, sidoo kale guuritaanka ciidanku waqti dheer ma qaadan maxaa yeelay waxa ay ahaayeen rag ciidan ah oo aan alaab badan wadan oo nin walba hubkiisa iyo daabbadiisa ayuu soo qabsanayey.

Caa’isha markii ay soo laabatay iyada oo kuushii soo heshay ayaa waxa ay timid goobtii oo lagu kala guuray oo wax sii sharqamayana usan jirin, markaas ayey meesheedii iska fariisatay iyada oo is leh “haddii lagu tebo waa lagu soo raadinayaa” hase yeeshee sidii ay u fadhiday ayey indheheedii ka qaalib noqdeen oo ay gama’day. Waagii markii uu baryey ayaa waxaa arkay qofka meesha jiifa saxaabi la oran jirey Safwaan binu Mucdhil oo ahaa nin hurdo weyn, marar badanna ciidanka ka dib dhici jirey. Safwaan markii uu meesha yimid ayuu  Caa’isha gartay maxaa yeelay intii aan xijaabka la is amrin ka hor ayuu yiqiinney, markaas ayuu yiri “Innaa Lilaahi wa inaa ileehi raajicuun, waa xaaskii Rasuulkii Alle”. Caa’isha ayaa markaas hadalkiisa ku toostay. Safwaan intuu neefkiisii geela ahaa u arumiyey (fariisiyey) ayuu ka durkay, markii ay fuusheyna wuu ku waday. Goor harsimadii ah ay ayuu ciidankii oo meel degey ka daba tegey.

Munaafaqii Cabdullaahi bin Ubay markii Madiina la tegey ayuu wuxuu sameeyey been abuurasho uu ku been abuuranayo Caa’isha iyo Safwaan, dacayad ayuuna suuqa geliyey, aad ayeyna u dhex dabbaasheen dacaayaddaas isaga iyo munaafaqiintii kaleba, waxaa kale oo ku simbiriraxday dad wanaagsanaa oo asxaabta ka mid ahaa sida Misdhax, Xasaan bin Saabit iyo Xamna binti Jaxshi.

Caa’isha markii ay Madiina ku soo laabatay ayey xanuunsatay, mana aysan maqal dacaayaddan been abuuradka ah ee suuqa ku jirta. Maalin dambe ayey bannaanka aadeen iyada iyo Misdhax hooyadiis. Goor ay meel dhexe marayaan ayey turaanturrootay duqdii, markaas ayey tiri “Misdhaxow hoog”. Caa’isha ayaa markaas ka celisay oo tiri “ma nin Badar ka qayb galay ayaad sidaas leedahay?”, markaas ayey duqdii tiri “miyaadan maqlin waxa uu suuqa wax ka geliyey?”, Caa’isha waxa ay ku jawaabtay “maya”. Duqdii ayaa markaas u sheegtay qisadii suuqa ku jirtey ee lagu been abuurtay. Caa’isha oo ahayd gabar cafiifad ah oo dhawrsan, waxaasna beri ka ahayd, markii ay maqashay warkaas foosha xun ee suuqa galay ayaa xunuunkii hayey xanuun kale ugu darsamay, waxayna gashay oohin is daba joog ah. Waxaa kale oo Caa’isha intaas uga sii darnayd in ay aragtay Rasuulka SCW oo aan u hayn naxariistii uu u hayn jirey, siiba markii ay xanuunsato, markii uu guriga soo galana wuxu ku gaabsanayey “sidee tahay?”. Caa’isha waxa ay markaas uga idan qaadatay Rasuulka SCW in ay aaddo guriga waalidkeed, Rasuulkuna SCW waa u idmay.

Rasuulka SCW markii Madiina lagu soo laabtay wax Qur’aan ama Waxyi ah oo arrintaa ka hadlaya laguma soo dejin, wixii arrintaa ka jireyna ma ogeyn maxaa yeelay Rasuulku SCW qeybka (waxa maqan) kama war hayn, wax Rabbi uu u waxyoodo maahane. Rasuulku SCW wuxuu markaa arrintii kala tashaday Cali Abii Daalib iyo Usaama bin Seyd oo markaa dhowr iyo toban jir ahaa. Cali wuxuu Rasuulka SCW ku yiri “Dumarka aan iyada ahayn waa badan yihiin, hase yeeshee Usaama wuxuu yiri “Rasuulkii Allow xaaskaaga wax aan wanaag ahayn kuma ogi ee hayso”. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW arrinka Caa’isha ka wareystay gabar jaariyad guriga ka ahayd, waxayna gabadhaasi tiri “wax xumaan ah ama ceeb ah kuma ogi in ay tahay gabar yar oo cajiinka ka seexata maahane”. Rasuulku SCW waxaa kale oo uu arrintaa wax ka weydiiyey xaaskiisii Seynaba binti Jaxshi oo walaasheed dacaayadda wax ka wadday, waxay Seynaba tiri “wax aan wanaag ahayn kuma ogi Caa’isha”.

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Caa’isha ugu tegey gurigoodii iyada oo ay la joogaan aabbeheed iyo hooyadeed markaas ayuu ku yiri “Caa’isha arrintaas ayaa iga kaa soo gaartay, haddii aad beri ka tahay Alle waa ku bari yeeli doonaa, haddii aad dembigaas ku dhacdayna Alle dambi dhaaf ka dalab oo u toobad keen maxaa yeelay addoonku haddii uu dembigiisa qirto Allena u toobad keeno Alle waa ka toobad aqbalaa” Caa’isha waalidkeed ayey marba mid la hadashay iyada oo ku leh “u jawaab Rasuulka” hase ahaatee mid walba wuxuu yiri “maxaan Rasuulka SCW ugu jawaabaa?”. Waxay markaas Caa’isha tiri “Ilaah baan ku dhaartaye waan ogahay in aad sheekada maqasheen ilaa naftinnu ku qanacday oo aad rumeyseen. Hadii aan marka idin dhaho beri baan ka ahay iima rumeyneysaan, haddii aan idiin qirtana waad ii rumeyneysaan . Haddaba Alle ayaan ku dhaartaye idiin dhihi maayo wax kale, sidii Yuusuf aabbihiis yiri oo kale maahane”, waxayna akhriday aayadda micnaheedu yahay ((SABIR WANAAGSAN, ALLAANA KA KAALMAYSTAY WAXAAD SIFAYNEYSAAN)), (Suuratu-Yuusuf,18).

Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ka istaagay masaajidka minbarkiisa isaga oo ka dacwoonaya Cabdullaahi bin Ubay, markaas ayaa Useyd bin Xudeyr, oo odeygii reer  Aws ahaa, yiri “Rasuulkii Allow haddii uu annaga yahay waan kaa kaafineynaa oo waan dileynaa, haddii uu walaalahayo Khasraj yahayna amar ha dilaane”, Sacad bin Cubaada odeygii reer Khasraj ahaa oo xoogaa xammiya ihi qaadday baa dhahay “waxa aad ogaatay in uu annga (Khasraj) yahay”, Rasuulka SCW ayaa markaa kala dajiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu tegey gurigii reer Abuu Bakar, waxaa markaas ku soo degey waxyi isaga oo la fadhiya, markaas ayuu yiri “Caa’isha Ilaah waa ku beri yeelay”, markaas ayaa Caa’isha hooyadeed ku tiri Caa’isha “u istaag Rasuulka” hase yeeshee Caa’isha way diiddey oo waxay tiri “Ilaah baan ku dhaartaye u istaagi maayo, mana mahadinayo cid aan Alle ahayn?” [1].

Allaah SW wuxuu ku beri yeelay Caa’isha oo uu sababteeda ku soo dejiyey toban aayadood oo Suuratu-Nuur ku jira oo uu uga hadlayo been abuurashadan iyo cidda bilowday, adduunkana wuxuu ku ciqaabay in aan markhaatigooda laga aqbalin, siddeetan jeedalna lagu dhufto, ayna yihiin faasiqiin daacadda Alle ka baxay.

Geerida Rasuulka scw[wax ka badal | wax ka badal xogta]

ka gadaal geerida Rasuulka scw[wax ka badal | wax ka badal xogta]

=== Dhimashadeyd ===

waxay caaisha (r.a) iyadoo jirta 65 jir ah dhimatay allah ka raali noqdee hooyadeena caaisha bintu abiibakar waxay aheyd Mid ku firfircoon dhanka faafinta diinta islaamka

Xariirka kala dhexeeyay Nabiga scw[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Darajadeyda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cilmigeeda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. صحيح البخاري - حديث 4473 Archived Diseembar 29, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-12-29 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة