Madiina Al-munawara
Madiina al-munawara Waa magaalo kutaala Wadanka Sacuudi Carabiya, waana caasimadii u horaysay ee Muslimiinta ahna magaalada labaad ee ugu barakada badan muslimiinta agtooda, magaalada waxaa markii hore la dhihi jiray "yasrib" markii Nabiga scw iyo saxaabada u soo haajireen ayaa rasuulka scw u bixiyay magaca "Madiina", waxaa ku yaalo magaalada Masjidka Nabiga oo ku ag duugan yahay rasuulka
, sidoo kale Qabuuraha baqiic oo saxaabo badan ku aasan yihiin[1].
Magaca[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Magaceyda hore intay saxaabada u soo haajiroon wuxuu ahaa "Yasrib", Magacaan ayaa lagu xusay Qur'aanka kariimka suurada Al-Axsaab aayada 13[2][3], Hijrada ka dib wuxuu reebay Nabiga magaca "Yasrib", muslimiinta dhexdooda waxey u aqoonsadeen "Madiinatu rasuulilaah" (Magaaladii rasuulka) markii dambe ay fududeeyeen waxey ku daayeen magaca "Madiina", Magacyada kale ee loo yaqaan waxaa ka mid ah "Daaba" iyo "Deyba" oo rasuulka
u bixiyay.
Taariikhda[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Taariikhda Madiina waa mid aad u fog, waxa ayna jirtay 1500 oo sano ka hor hijrada magaca "Yasrib" ayaana loo yaqaanay, ilaha taariikhda ee carbeed ayaa xuseysa magaca "Yasrib" inuu ka yimid mid ka mid ah ilmaha Nabi Nuux Cs oo ahaay inuu dhisay markeedi hore.
Waxaana dagi jiray qabiil Yahuud oo sedex ah; Banuu Qeynaac, Banuu Nadiir iyo Banuu Qureyda, sidoo kale labo qabiil oo carbeed oo waaweyn kuwaas oo kala ahaa Aws iyo Khazraj, waxaa ka dhexeeyay Carabta iyo Yahuuda hishiis wada noolaasho si nabad galyo ah iyo iskaashi ka difaacida magaaladood cadawga [4], mudo ka dib Yahuuda waxey ka dhex abuureen Aws iyo khazraj colaad sokeysa waxeyna dagaalamayeen wax ka badan 100 sano [5], dagaalada taariikhda galay ee dhax maray waxaa ka mid ahaa Dagaalkii Bucaas ee ku dhinteen madaxda labada qabiil, dhacayna wax yar ka hor hijrada, mana soo dhamaan dagaalada ilaa hijrada Nabiga scw.
Hijrada Nabiga scw iyo Saxaabada[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Qarnigii todobaad ee Miilaadiga ayuu ahaa markii uu Nabiga scw dacwada islaamka ka bilaabay gudaha Makka, dacwada waxaa si adag uga hor yimid Qureysh, ka dib 13 sano oo dacwada ka socotay Makka aydoo wajahaysay cadaadis daran waxa uu Nabiga scw ka dalbaday qabiilada carabta inay hooysiiyaan, rag ka mid ah qabliilada khazraj iyo Aws ayuu Nabiga scw kula kulmay Makka kuwaas oo ku qancay dacwadiisa, waxaa dhacay Beyca Caqaba oo khazraj iyo Aws ku balan qaadeyn difaacida Rasuulka scw iyo diintiisa, mudo yar ka dib dadka reer Madiina waxey qaateen islaamka, Rasuulka scw ayaa Madiina u soo haajiray 12 Rabiica awal sanadii 1aad hijriga, waxa uu Rasuulka scw Madiina ka aasaasay Dawladii islaamka, Masjidkiis ayuu dhisay, Muhaajiriinta iyo Ansaarta ayuu walaaleeyay, sidoo kale Yahuuda Madiina ayuu la saxiixday hishiis wada noolaasho kaas oo lagu qoray waraaq loogu magac daray Dastuurkii Madiina.
Fadligeeda[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Astaamaha magaalada[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]
- ↑ أماكن تشرع زيارتها Archived Maarso 5, 2016 // Wayback Machine، مركز بحوث ودراسات المدينة، تاريخ الوصول 13 يوليو 2009 Archived 2016-03-05 at the Wayback Machine
- ↑ سورة الأحزاب - الآية رقم 13
- ↑ المكتبة الإسلامية، كتاب الجامع لأحكام القرآن، سورة الأحزاب، قوله تعالى: وإذ قالت طائفة منهم يا أهل يثرب لا مقام لكم فارجعوا تاريخ الوصول 13 يوليو 2009 Template:استشهاد ويب
- ↑ تاريخ المدينة المنورة (الأوس والخزرج)، مركز بحوث ودراسات المدينة، تاريخ الوصول 14 يوليو 2009 Archived 2016-03-05 at the Wayback Machine
- ↑ سُبحاني، الرسالة: أحداث السنة الأولى للهجرة النبوية الشريفة Archived May 24, 2012 // Wayback Machine Archived 2012-05-24 at the Wayback Machine Template:وصلة مكسورة