Dowladii Umawiyiinta

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Khilaafadii Umawiyiinta (af ingiriis: umayyad Caliphate; af carabi: ﺍﻟﺨﻼﻓﺔ ﺍﻷﻣﻮﻳﺔ ama ﺍﻷﻣﻮﻳﻮﻥ) waa dowladii Islaamka ee talada kala kaga dambeesay Afartii Khulafo taas oo uu aasaasey Khaliifkii 5aad ahna saxaabi ka tirsan saxaabada Nebi Muxamed (c.s.w) waa Mucaawiya bin abii sufyaan wakhtigii ka dambeeyey dhimashaddii cali bin abii daalib .[1]


Khulafadii Umawiyiinta
الخلافة الأموية
Al-Ḫilāfa al-ʾumawiyya (Carabi)
Boqortooyo

 

 

661–750
 

Calan Islaam

Meeshii ugu sareeysay markeey boqortooyada Khulafada Cabaasiyiintu maraysay.
Caasimadda Dimishiq
(661–744)
Harran
(744–750)
Luqadaha
Carabi (mida kowaad) – Kobtik, Giriig, Beershiyaan (luuqada kowaad ee deegaanada qaar ilaa maamulkii Abd al-Malik) – Aramayk, Armeniyaan, Berber, luuqado Afrikan ah,  Joorjiyan, Hebrew, Turkic, Kurdish
Government Khulafo
Khaliif
 - 661–680
Mucawiya I
 - 744–750
Marwan II
History
 - Mucawiya ayaa noqday hogaamiye
661
 - Jabkii iyo dhimashadii Marwan II
750
Area
 - 750 C.D (132 H.K)
15,000,000 km2 (5,791,532 sq mi)
Population
 - qarnigii 7aad est.
62,000,000 
Lacagta
Dahab dinar iyo dirham
Today part of
Warning: Value specified for "continent" does not comply

Waqtigii Umawiyiintu haysay hogaanka boqortooyada Islaamka waxey gaadhsiiyeen dhul aad u balaadhan iyagoo qabsadey waqooyiga Afrika, dhamaan deegaanada Bariga dhexe, meelo ka mid ah Aasiyada kore ilaa meelo badan oo koonfurta Yurub ah sida wadamadda Isbayn, Giriig iyo Jasiiradaha u dhow[8]

Markey Dawladda Umawiyiintu mareysay meeshii ugu sareeysay waxay heysatay dhul aad u balaadhan oo dhan 5.79 mayl labalaaban (15,000,000 km2), taasi oo ah boqortooyadii ugu balaadhneyd ee dunidu aragto

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

kadib markii la dilay khaliifka sedexaad cusmaan binu Cafaan (644–656), waxaa loo doortay cali bin abiidaalib inuu hogaamiyo dawlada Islaamka, balse waxaa ka hor yimid qaar badan oo kamid ah saxaabada sida caaisha iyo Mucawiya binu Sufyaan oo ahaa gudoomiyaha shaam, saxaabadaan waxay dalbanaayeen in la dilo dadkii ka dambeeyay dilka cusmaan bin cafaan halka cali uu mdnaanta siinaayay dajinta xaalada iyo in dib looga hadlo arintaas, khilaafka ayaa sii darsaday waxey gaartay heer dagaalo uu ka dhex dhaco saxaabada, waxaa dhacay dagaalkii ratiga kaa oo ku dhinteen saxaabo caan ah sida dalxa iyo zubeyr bin cawaam, dagaalkaas caaisha RC iyo cali RC ayuu dhex maray waxaan guuleestay cali bin abiidaalib RC, kadib mucaawiya RC oo qaraabo ahaayeen cusmaan una arkaayay inuu yahay kan leh dalbashada xaqa ayaa shaam ciidamo badan kala yimid, waxaana dhex maray asaga iyo cali RC dagaalkii sifiin kaas oo lagu kala bixin oo waxaa lagu kala tagay in la sameeyo labo qof oo labada dhinac ah kana wada tashtaan sida xal loo heli karo, balse wax xal ah lama gaarin urur cusub oo khawaarij la dhaho ayaana soo baxay kaas oo diidanaa labada qof ee ka arinsanaayo arinta umada waxayna sheegeen labada dhinac inee gaalo yihiin, cali bin abiidaalib Rc ayaa la dagaalay khawaarijta oo ku laayay dagaalkii nahrawaan, kadib in yar oo ka fakatay khawaarijta ayaa ku tashadeen inee dilaan cali bin abiidaalib RC mucaawiya RC iyo camar bin caas Hal habeen salaada subax, hase ahaatee kaliya waxaa u suuro gashay dilka cali RC inta kale kuma guuleesan dilkooda, cali markii la dilay waxaa badalay wiilkiis xasan kaas oo door biday inuu xilka uga dago mucaawiya 41H\ 661

Mucaawiya si xoog ah ku qabsaday maamulka isla markaana ka dhigey hogaanka Islaamiyiinta mid dhaxaltooyo ah. markuu la wareegay maamulka dowladii Islaamkana wuxuu magaalo madax ka dhigtey caasimada Dimishiq.[9]

Taariikhdii umuwayiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Furashaddii iyo fiditaankii boqortooyada Islaamka wakhtigii Rashidiinta ee maamulka hayeen afarta khaliif. Kala qeybsanaanta meesha waxay ku tusaysaa wakhtiyadii kala duwanaa ee Khulafadii Rashiidiinta kuwaas oo ugu dambeeyay Cali goortii ay bilaabantey Fitnadii Kowaad.
  Xoogagii adkaa ee Khulafo Raashidiintu samaysay kuwaas oo ugu dambeeyay Calli wakhtigii Fitnadii Kowaad
  Gobolada uu maamulayay Mucaawiye goortii ay bilaabantey Fitnadii Kowaad
Masaajidka Umawiyiinta kaasi oo la dhisey wakhtigii Mucaawiye maamulka Dawladda Islaamka gacanta ku hayay.
Maabka gobolada Dawladda Umawiyiintu ka talineeysay.

Mucaawiya (ingiriis: Muawiyah I; [carabi]]: معاوية ابن أبي سفيان, loogu dhawaaqo: Muʿāwiyah ibn ʾAbī Sufyān; 602 – April 29 or May 1, 680) waa asxaabiga dhisay boqortooyadii Umawiyiinta[10] ee ku xigtey maamulkii Khulafada ee Dawladda Islaamka.[11] Sidoo kale, wuxuu ahaa ninkii labaad ee khaliif noqda kaas oo ka soo jeeda qabiilka Umawiyiinta.[12]

Wakhtigii uu noolaa Nebi Muxamed (n.n.k.h) Mucaawiya wuxuu xoghaye[13] u ahaa nebiga, taas oo xataa markuu dhintey uu jagadaasi u sii hayay khulafadii la wareegtay hogaanka dowladii Islaamka sida Abu Bakar iyo Cumar (Cumar bin Khataab).[14] Intaas waxaa dheer, Mucaawiya wuxuu ka qayb galay dagaalo badan iyo qaswado xoog leh, waxaana tusaale fiican inoo ah dagaalkii lagu furtey Suuriya ee lagaga guuleystay boqortooyadii Biriizandiyiinta, deegaankaasi oo markii dambe lagu wareejiyay hogaanka Mucaawiya.[15]

= Taariikhda =waxay ahyd mid ka mid ah khilafadi waxayna ahyd mid ka mid ah kuwa ugu awooda badan Dawladaha islaamka waxa Loo asaasey Khilaf soo kala Dhex Galay Dawladi Cali binu Abi Dalib iyo Qabiilka Umayda Oo rabay in la so qabto Qofki dilay Cusman .Fadlan hadaad hayso xog dheerad ah Nagu caawi

Maamulkii Umawiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Khulafada umawiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaca Mudada xilka
Khilaafda dawlada umawiyiinta ee dimishiq [16]
mucaawiya bin abii sufyaan 661680
yaziid bin mucaawiya 680683
mucaawiya bin yaziid 683684
marwaan bin xakam 684685
cabdilmalik bin marwaan 685705
Waliid bin cabdilmalik 705715
Suleymaan bin cabdilmalik 715718
Cumar bin cabdi caziiz 717720
Yaziid bin cabdilmalik 720724
Hishaam bin cabdilmalik 724743
Waliid bin yaziid 743744
Yaziid bin waliid 744
Ibraahiim bin waliid 744
Marwaan bin maxamad wuxuu caasimada u raray xaraan 744750
amiirada qurduba[17]
cabdiraxman aldaakhil 756788
Hishaam bin cabdiraxman aldaakhil 788796
Xakam bin hishaam 796822
Cabdiraxmaan bin xakam 822852
Muxamad bin cabdiraxman 852886
Mundar bin muxamad 886888
Cabdulaahi bin muxamad 888912
Cabdiraxmaan al-naasir li diini laah 912929
Kulafada qurduba[17]
cabdiraxman al-naasir li diini laahwuxuu isku magacaabay khaliif 929961
Xakam almustansir 961976
Hishaam almu'yad 9761008
Muxamad almahdi bilaah 10081009
Suleymaan almustaciin 10091010
Hishaam almu'ayad

dib ayaa loo soo celiyay

10101012
Suleymaan almustaciin

dib ayaa loo soo celiyay

10121017
Cabdiraxmaan almurtada 10211022
Cabdiraxmaan almustadhir 10221023
Muxamad almustakfi 10231024
Hishaam almuctad bilaah 10271031


Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "(ingiriis: Umayyad Caliphate; carabi: ﺍﻟﺨﻼﻓﺔ ﺍﻷﻣﻮﻳﺔ ama ﺍﻷﻣﻮﻳﻮﻥ)"
  2. The Peoples, Sekene Mody Cissoko, History of Humanity:From the Seventh to the Sixteenth Century, Vol. IV, ed. M.A. Al-Bakhit, L. Bazin and S.M. Cissoko, (UNESCO, 2008), 1190.[1]
  3. Jonathan Miran, Red Sea Citizens: Cosmopolitan Society and Cultural Change in Massawa, (Indiana University Press, 2009), 100.[2]
  4. Khalid Yahya Blankinship, The End of the Jihad State: The Reign of Hisham Ibn 'Abd al-Malik and the Collapse of the Umayyads, (SUNY Press, 1994), 286.[3]
  5. Khalid Yahya Blankinship, The End of the Jihad State: The Reign of Hisham Ibn 'Abd al-Malik and the Collapse of the Umayyads, 147.[4]
  6. Stefan Goodwin, Africas Legacies Of Urbanization: Unfolding Saga of a Continent, (Rowman & Littlefield, 2006), 85.[5]
  7. Islam in Somali History:Fact and Fiction, Mohamed Haji Muktar, The Invention of Somalia, ed. Ali Jimale Ahmed, (The Red Sea Press, Inc., 1995), 3.[6]
  8. "Aasiyada kore ilaa meelo badan oo koonfurta Yurub ah sida wadanada Isbayn, Giriig"
  9. "Mucawiya wuxuu wakhti dheer masuul ka ahaa gobolada dalka Shaam"
  10. . Books.google.ca http://books.google.ca/books?id=EmN8tCx_jR4C&pg=PA10&dq=first+Umayyad+Caliph&hl=en&sa=X&ei=ekTzUJO1M8G9rQGyuICADg&redir_esc=y#v=onepage&q=first%20Umayyad%20Caliph&f=false. Soo qaatay 2013-04-30.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  11. The Umayyad Dynasty Archived Juun 20, 2013 // Wayback Machine at the University 0f Calgary
  12. Al-Tabari, Muhammad ibn Jarir. The History of the Prophets and Kings (Tarikh al-Rusul wa al-Muluk), Vol. 18 Between Civil Wars: The Caliphate of Mu'awiyah 40 A.H., 661 A.D.-60 A.H., 680 A.D. (Michael G. Morony).
  13. Sahih Muslim, The book of (Virtues of the companions), narration no. [6409]:168-(2501) numbered by mohammad fo'ad abdul-baqi
  14. AD 2036 Is the End: The Truth about the Second Coming of Christ and the meaning of life, p. 77. By Christian Jacobsen [7]
  15. A Chronology Of Islamic History 570-1000 CE, By H.U. Rahman 1999 Page 48 and Page 52-53
  16. تاريخ الدولة العليّة العثمانية، تأليف: الأستاذ محمد فريد بك المحامي، تحقيق: الدكتور إحسان حقي، دار النفائس، الطبعة العاشرة: 1427 هـ - 2006 م، صفحة: 30، بيروت - لبنان ISBN 9953-18-084-9
  17. 17.0 17.1 Template:استشهاد بكتاب