Hishaam bin cabdilmalik

Ka Wikipedia

Hishaam bin cabdi malik khaliifkii umawiyiinta (afka carabig: أبو الوليد هشام بن عبد الملك الأموي القرشي), waa khaliifka tobanaad ee umawiyiinta, waxa uu xilka haayay intii u dhaxeesay 724 ilaa 743, xiligiisa waxay gaartay dawlada umawiyiinta heerkeedii ugu sareesay balaarsiga, Faransiiska meelo ka tirsan ayee muslimiinta gaareen laakin dagaalkii billaadu shuhadaa baa joojiyay.

Taariikh nooleedkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hishaam bin cabdi malik waxa oo ku dhashay magaalada Dimishiq oo ahayd caasimada umawiyiinta 72H/691, Hooyadii waxaa la oran jiray faadumo binti hishaam oo ree banii makhzuum ahayd, macluumaatka ku saabsan hishaam ka hor khilaafda ayaa ah mid gabaabsi ah, kutubta taariikhda wax badan kama sii sheegeeso.

Hishaam waxa uu bilaabay in uu muujiyo hamiga khaliifnimada markii uu dhintay walaalkii Suleymaan sanadkii 717. Dardaaranka suleymaan ayaa ahaa ina adeekiis cumar bin cabdicaziiz inuu noqdo khaliifka soo socda, markii la shaaciyay magaca cumar bin cabdicaziiz hishaam wuu diiday inuu aqbalo, laakiin wuxuu ku qasbanaaday inuu tixgeliyo amarka uuna aqbalo[1][2].

Yaziid bin cabdi malik ayaa markuu xilka qabtay ka dhigay hishaam dhaxal suge, waxa uuna ku shardiyay in wiilkiis waliid bin Yaziid uu noqdo khaliifka ku sii xige.

Khilaafadiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadkii 105H/724 ayaa loo doortay khilaafda asigoo jira 34 sano.

wax qabadkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhimashadiis[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hishaam wuxuu dhintay 6 Febraayo 743 (6 Maalmadoone 125 Hijriyada). Wiilkiisa, Maslama ayaana tujiyay salaaddii janaasada. Hishaam waxa uu isku dayaayay in uu wiikiisaan Maslama ku bedelo khilaafada booska Waliid bin Yaziid oo ay ka soo muuqatay faasiqnimo ka xanaajisay culamada sida imaam zuhri, Isku daygii ugu horreeyay ee Hishaam, ka dib Xajkii 735, si uu ugu qanciyo al-Walid II inuu ka tago maslama ama, beddelkeeda, inuu sameeyo maslama al-Walid II beddelka waa la diiday.

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. تاريخ الأمم والملوك، محمد بن جرير الطبري، ج7 ص445
  2. كتاب الطبقات الكبير، محمد بن سعد البغدادي، ج5 ص335-338