Dowladii Umawiyiinta
Khilaafadii Umawiyiinta (af ingiriis: umayyad Caliphate; af carabi: ﺍﻟﺨﻼﻓﺔ ﺍﻷﻣﻮﻳﺔ ama ﺍﻷﻣﻮﻳﻮﻥ) waa dowladii Islaamka ee talada kala kaga dambeesay Afartii Khulafo taas oo uu aasaasey Khaliifkii 5aad ahna saxaabi ka tirsan saxaabada Nebi Muxamed (c.s.w) waa Mucaawiya bin abii sufyaan wakhtigii ka dambeeyey dhimashaddii cali bin abii daalib .[1]
Waqtigii Umawiyiintu haysay hogaanka boqortooyada Islaamka waxey gaadhsiiyeen dhul aad u balaadhan iyagoo qabsadey waqooyiga Afrika, dhamaan deegaanada Bariga dhexe, meelo ka mid ah Aasiyada kore ilaa meelo badan oo koonfurta Yurub ah sida wadamadda Isbayn, Giriig iyo Jasiiradaha u dhow[8]
Markey Dawladda Umawiyiintu mareysay meeshii ugu sareeysay waxay heysatay dhul aad u balaadhan oo dhan 5.79 mayl labalaaban (15,000,000 km2), taasi oo ahayd xiligaas boqortooyadii ugu balaadhneyd ee dunidu aragto
Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]
kadib markii la dilay khaliifka sedexaad cusmaan binu Cafaan (644–656), waxaa loo doortay cali bin abiidaalib inuu hogaamiyo dawlada Islaamka, balse waxaa ka hor yimid qaar badan oo kamid ah saxaabada sida caaisha iyo Mucawiya binu Sufyaan oo ahaa gudoomiyaha shaam, saxaabadaan waxay dalbanaayeen in la dilo dadkii ka dambeeyay dilka cusmaan bin cafaan halka cali uu mdnaanta siinaayay dajinta xaalada iyo in dib looga hadlo arintaas, khilaafka ayaa sii darsaday waxey gaartay heer dagaalo uu ka dhex dhaco saxaabada, waxaa dhacay dagaalkii ratiga kaa oo ku dhinteen saxaabo caan ah sida dalxa iyo zubeyr bin cawaam, dagaalkaas caaisha RC iyo cali RC ayuu dhex maray waxaana guuleestay cali bin abiidaalib RC, kadib mucaawiya RC oo qaraabo ahaayeen cusmaan una arkaayay inuu yahay kan leh dalbashada xaqa ayaa shaam ciidamo badan kala yimid, waxaana dhex maray asaga iyo cali RC dagaalkii sifiin, kaas oo lagu kala bixin oo, waxaa lagu kala tagay in la sameeyo labo qof oo labada dhinac ah kana wada tashtaan sida xal loo heli karo, balse wax xal ah lama gaarin urur cusub oo khawaarij la dhaho ayaana soo baxay, kaas oo diidanaa labada qof ee ka arinsanaayo arinta umada waxayna sheegeen labada dhinac inee gaalo yihiin, cali bin abiidaalib Rc ayaa la dagaalay khawaarijta oo ku laayay dagaalkii nahrawaan, kadib in yar oo ka fakatay khawaarijta ayaa ku tashadeen inee dilaan cali bin abiidaalib RC mucaawiya RC iyo camar bin caas Hal habeen salaada subax, hase ahaatee kaliya waxaa u suuro gashay dilka cali RC inta kale kuma guuleesan dilkooda, cali markii la dilay waxaa badalay wiilkiis xasan kaas oo door biday inuu xilka uga dago mucaawiya 41H\ 661
Mucaawiya si xoog ah ku qabsaday maamulka isla markaana ka dhigey hogaanka Islaamiyiinta mid dhaxaltooyo ah. markuu la wareegay maamulka dowladii Islaamkana wuxuu magaalo madax ka dhigtey caasimada Dimishiq.[9]
Taariikhdii umuwayiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Mucaawiya ( ب602 – April 29 or May 1, 680) waa asxaabiga dhisay boqortooyadii Umawiyiinta[10] ee ku xigtey maamulkii Khulafada ee Dawladda Islaamka.[11] Sidoo kale, wuxuu ahaa ninkii labaad ee khaliif noqda kaas oo ka soo jeeda qabiilka Umawiyiinta.[12]
Wakhtigii uu noolaa Nebi Muxamed (n.n.k.h) Mucaawiya wuxuu xoghaye[13] u ahaa nebiga, taas oo xataa markuu dhintey uu jagadaasi u sii hayay khulafadii la wareegtay hogaanka dowladii Islaamka sida Abu Bakar iyo Cumar (Cumar bin Khataab).[14] Intaas waxaa dheer, Mucaawiya wuxuu ka qayb galay dagaalo badan iyo duulaamo xoog leh, waxaana tusaale fiican inoo ah dagaalkii lagu furtey Shaam ee lagaga guuleystay boqortooyadii Biriizandiyiinta, deegaankaasi oo markii dambe lagu wareejiyay hogaanka Mucaawiya.[15] xilkaas oo haayay mudo 20 sano ah ilaa khilaafada uu ka qabto.
xukunka mucaawiya[wax ka badal | wax ka badal xogta]
mucaawiya waxa uu xilka qabtay kadib markuu xasan xilka uga tanaasulay sanadkii 41 hijri kaas oo loogu magac daray sanadkii midnimada, maadaama muslimiinta Hal hogaamiye isku raaceen [16], waxa uuna xilka haayaay mudo ku dhaw 20 sano, mudadaas uu xilka haayay muslimiinta waxey balaariyeen furashada khuraasaan iyo waqooyiga afrika[17], waxaana and u btay dagaalada muslimiinta ku qaadayaan dhulka biriizanda [18][19] sanadkii 49H ama 50H ayuu diray weerar uu hor kacaayay wiilkiis yaziid kuwaas oo go'doomiyay Qusdandiiniya, waxaa ku sii xigay weerar dhanka bada ahaa oo hogaamiye ka ahaa fadaala bin cubyeyd kaas oo furtay jasiirada rodos iyo arwaad[20][21], xiligiisa dawlada waxay gashay deganaasho, barwaaqo iyo furashooyinka oo is daba kaca[22], mucaawiya waxa uu dhintay 60H kubeegan 680, wiilkiis yaziid ayaana xilka qabtay
Xasuuqii karbalaa[wax ka badal | wax ka badal xogta]
xukunka yaziid waxaa ka horyimid xuseen bin cali iyo cabdulaahi bin zubeyr iyo dad kala oo badan, waxey mucaardeen hanaanka uu mucaawiya wiilkiis madax uga dhigay, xuseen asaga wuxuu dalbaday khilaafda waxaana u yeertay ree ciraaq, wuxuu u safray ciraaq, markuu ku dhawaaday ayuu diray Muslim bin caqiil, soo u ogeesiiyo soo galitaankiisa [23], balse gudoomiyaha ciraaq cubeydilaahi bin siyaad oo waday dhaqdhqaaq lagu beegsanaayo taageerayaasha xuseen bin cali ayaa qabtay oo dilay[1], waxaa dhacday taageerayaasha badankood inee baqaan oo dhuuntaan, cubeydilaahi ayaa ciidan aad u badan diray see uga hortaagan xuseen bin cali, xuseen markaas waxaa la socday kaliya todobaatan qaraabadiis iyo in yar oo asxaabtiis ah, karbalaa meel la dhaho markuu soo gaaray ayaa ciidankii la soo diray hor istaageen, xuseen markuu arkay meesha ee wax marayaan wuxuu dalbaday in jidka loo furo soo u laabto[8], taas oo laga ogolaan, waxaana loo geestay xasuuq taariikhda galay, waxaa la dilay xuseen iyo Shan wiil oo dhalay, afar uu xasan dhalay iyo lix ree caqiil ah [24], dhacdadaan foosha xun waxey dhacday maalin caashuuraa sanadkii 61H oo ku beegan 12 oktoobar 680 miilaadi [25][26][27].
Dhacdadii xarra[wax ka badal | wax ka badal xogta]
cabdulaahi bin zubeyr asaga maka ayuu iska joogay halkaas ayuuna ka abaabulay kacdoon, sanadkii 62H wafdi ka socda reer madiina ayaa booqday yaziid markay soo noqdeen waxay ku eedeeyeen yaziid inuu diinta ku fiicneen, dadkooda kacdoon ayeena ka sameeyaan sameeyeen madiina, Yaziid ayaa u diray muslim bin cuqba soo afjarida kacdoonka, Muslim bin cuqba ayaa uga adkaaday reer madiina dagaalkii xarra 63H\683[28], kadib wuxuu baneestay madiina, sedex bari ayee dil iyo boob ka wadeen, Muslim bin cuqba ka dib wuxuu soo aaday maka oo cabdulaahi bin zubeyr heestay balse dhex buu ku dhintay[29], ciidanka umawiyiinta ayaa sii socdeen waxey ku go'doomiyeen cabdulaahi bin zubeyr maka 64H, waxaa dhacay dagaal culus heer kacbada dab soo gaaro[30], go'doonka oo wali socda ayaa waxaa soo gaaray geerida yaziid ciidanka ayaa iska laabteen[31],
Bilaawga xukunka reer marwaan[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Yaziid kadib wiilkiis mucaawiya ayaa qabtay xilka mana daahin mudo yar kadib wuu dhintay[32], waxaa aad u awoodeestay cabdulaahi bin zubeyr khilaafo ayuu ku dhawaaqay ciraaq, khuraasaan, yaman iyo magaalooyin badan ayaa ku biiray [33], umawiyiinta waxey magacaawdeen marwaan, waxeyna kula dagaaleen shaam daxaak bin qeys oo taabacsanaa cabdulaahi bin zubeyrwey ka guuleesteen, masar ayee soo ceshadeen, marwaan wuxuu dhintay 65H\685, wiilkiisa cabdilmalik bin Marwaan ayaa talada kaga dambeeyay dagaalo adag ayaa ka dhex qarxay umawiyiinta iyo cabdulaahi bin zubeyr, cabdilmalik wuxuu qabsaday ciraaq 72H\691, talyihiisa sare xajaaj ayuu u diray inuu ku go'doomiyay cabdulaahi bin zubeyr makka, xajaaj wuxuu awooday inuu dilo cabdulaahi bin zubeyr sanadii 73H\692, waxaa loo bixiyay sanadkaas sanadkii jamascada ee labaad[34],cabdilmalik ayaana noqday khaliifka kaliya ee islaamka.
Furashooyinka dawlada[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Maamulkii Umawiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Khulafada umawiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Magaca | Mudada xilka |
Khilaafda dawlada umawiyiinta ee dimishiq [35] | |
mucaawiya bin abii sufyaan | 661–680 |
yaziid bin mucaawiya | 680–683 |
mucaawiya bin yaziid | 683–684 |
marwaan bin xakam | 684–685 |
cabdilmalik bin marwaan | 685–705 |
Waliid bin cabdilmalik | 705–715 |
Suleymaan bin cabdilmalik | 715–718 |
Cumar bin cabdi caziiz | 717–720 |
Yaziid bin cabdilmalik | 720–724 |
Hishaam bin cabdilmalik | 724–743 |
Waliid bin yaziid | 743–744 |
Yaziid bin waliid | 744 |
Ibraahiim bin waliid | 744 |
Marwaan bin maxamad wuxuu caasimada u raray xaraan | 744–750 |
amiirada qurduba[36] | |
cabdiraxman aldaakhil | 756–788 |
Hishaam bin cabdiraxman aldaakhil | 788–796 |
Xakam bin hishaam | 796–822 |
Cabdiraxmaan bin xakam | 822–852 |
Muxamad bin cabdiraxman | 852–886 |
Mundar bin muxamad | 886–888 |
Cabdulaahi bin muxamad | 888–912 |
Cabdiraxmaan al-naasir li diini laah | 912–929 |
Kulafada qurduba[36] | |
cabdiraxman al-naasir li diini laahwuxuu isku magacaabay khaliif | 929–961 |
Xakam almustansir | 961–976 |
Hishaam almu'yad | 976–1008 |
Muxamad almahdi bilaah | 1008–1009 |
Suleymaan almustaciin | 1009–1010 |
Hishaam almu'ayad
dib ayaa loo soo celiyay |
1010–1012 |
Suleymaan almustaciin
dib ayaa loo soo celiyay |
1012–1017 |
Cabdiraxmaan almurtada | 1021–1022 |
Cabdiraxmaan almustadhir | 1022–1023 |
Muxamad almustakfi | 1023–1024 |
Hishaam almuctad bilaah | 1027–1031 |
Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]
- ↑ 1.0 1.1 "(ingiriis: Umayyad Caliphate; carabi: ﺍﻟﺨﻼﻓﺔ ﺍﻷﻣﻮﻳﺔ ama ﺍﻷﻣﻮﻳﻮﻥ)"
- ↑ The Peoples, Sekene Mody Cissoko, History of Humanity:From the Seventh to the Sixteenth Century, Vol. IV, ed. M.A. Al-Bakhit, L. Bazin and S.M. Cissoko, (UNESCO, 2008), 1190.[1]
- ↑ Jonathan Miran, Red Sea Citizens: Cosmopolitan Society and Cultural Change in Massawa, (Indiana University Press, 2009), 100.[2]
- ↑ Khalid Yahya Blankinship, The End of the Jihad State: The Reign of Hisham Ibn 'Abd al-Malik and the Collapse of the Umayyads, (SUNY Press, 1994), 286.[3]
- ↑ Khalid Yahya Blankinship, The End of the Jihad State: The Reign of Hisham Ibn 'Abd al-Malik and the Collapse of the Umayyads, 147.[4]
- ↑ Stefan Goodwin, Africas Legacies Of Urbanization: Unfolding Saga of a Continent, (Rowman & Littlefield, 2006), 85.[5]
- ↑ Islam in Somali History:Fact and Fiction, Mohamed Haji Muktar, The Invention of Somalia, ed. Ali Jimale Ahmed, (The Red Sea Press, Inc., 1995), 3.[6]
- ↑ 8.0 8.1 "Aasiyada kore ilaa meelo badan oo koonfurta Yurub ah sida wadanada Isbayn, Giriig"
- ↑ "Mucawiya wuxuu wakhti dheer masuul ka ahaa gobolada dalka Shaam"
- ↑ . Books.google.ca http://books.google.ca/books?id=EmN8tCx_jR4C&pg=PA10&dq=first+Umayyad+Caliph&hl=en&sa=X&ei=ekTzUJO1M8G9rQGyuICADg&redir_esc=y#v=onepage&q=first%20Umayyad%20Caliph&f=false. Soo qaatay 2013-04-30. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ The Umayyad Dynasty Archived Juun 20, 2013 // Wayback Machine at the University 0f Calgary
- ↑ Al-Tabari, Muhammad ibn Jarir. The History of the Prophets and Kings (Tarikh al-Rusul wa al-Muluk), Vol. 18 Between Civil Wars: The Caliphate of Mu'awiyah 40 A.H., 661 A.D.-60 A.H., 680 A.D. (Michael G. Morony).
- ↑ Sahih Muslim, The book of (Virtues of the companions), narration no. [6409]:168-(2501) numbered by mohammad fo'ad abdul-baqi
- ↑ AD 2036 Is the End: The Truth about the Second Coming of Christ and the meaning of life, p. 77. By Christian Jacobsen [7]
- ↑ A Chronology Of Islamic History 570-1000 CE, By H.U. Rahman 1999 Page 48 and Page 52-53
- ↑ {{استشهاد بهارفارد دون أقواس|محمد الخضري بك|1969|p=100}
- ↑ الدروس المستفادة من فتوحات معاوية (الجزء الأول)[dead link]. لعلي محمد الصلابي، موقع هدى الإسلام. تاريخ النشر: 05-10-2008. تاريخ الولوج: 01-04-2012. {{استشهاد ويب|مسار=http://www.hadielislam.com/arabic/index.php?pg=articles%2Farticle&id=9098%7Cعنوان=نسخة مؤرشفة|تاريخ الوصول=1 أبريل 2012|تاريخ أرشيف=24 سبتمبر 2015|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20150924024539/http://www.hadielislam.com/arabic/index.php?pg=articles%2Farticle&id=9098%7Curl-status%3Dbot: unknown
- ↑ {{استشهاد بهارفارد دون أقواس|الحروب الصليبية في المشرق|1984|p=30-31
- ↑ {{استشهاد بهارفارد دون أقواس|التاريخ الإسلامي - 4 -: العهد الأموي|1982|p=100
- ↑ فتح جزيرة رودس.. قاعدة مهمة للبحرية الإسلامية Archived May 11, 2020 // Wayback Machine. لراغب السرجاني، موقع قصة الإسلام. تاريخ النشر: 28-07-2010. تاريخ الولوج: 01-04-2012. Archived 2020-05-11 at the Wayback Machine
- ↑ {{استشهاد بهارفارد دون أقواس|الكامل في التاريخ – المجلد الثاني|1979|p=497
- ↑ خلافة بني أمية من إهم السلالات الإسلامية التي حكمت مابين 661 الي 750 Archived Agoosto 3, 2017 // Wayback Machine. لـ«سعاد العمري». تاريخ الولوج: 02-04-2012. Archived 2017-08-03 at the Wayback Machine {{وصلة مكسورة|تاريخ=2020-08-02|bot=JarBot
- ↑ صحيح وضعيف تاريخ الطبري، الصحيح الجزء 4، صـ66 إلى صـ68.
- ↑ {{استشهاد بكتاب|مؤلف1=علي محمد محمد الصلابي|عنوان=الدولة الأموية عوامل الازدهار وتداعيات الانهيار|مسار=https://ia802909.us.archive.org/25/items/waq106976/01_106976.pdf%7Cصفحة=460-465%7Cسنة=1429هـ/2008م%7Cطبعة=الثانية%7Cناشر=دار المعرفة|مكان=بيروت-لبنان|الرقم المعياري=9953-85-003-8|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20191216212422/https://ia802909.us.archive.org/25/items/waq106976/01_106976.pdf%7Cتاريخ أرشيف=16 ديسمبر 2019
[[#cite_ref-25|↑]] {{استشهاد ويب|مسار=https://www.bbc.com/arabic/art-and-culture-49637126|عنوان=كيف تعاد مسرحة واقعة كربلاء في عاشوراء?|تاريخ=2019-09-09|موقع=BBC News عربي|لغة=ar|تاريخ الوصول=2020-12-09|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20191029152633/https://www.bbc.com/arabic/art-and-culture-49637126|تاريخ أرشيف=2019-10-29
[[#cite_ref-26|↑]] {{استشهاد ويب|مسار=https://raseef22.net/article/77614-%D8%B3%D8%A8%D8%B9%D8%A9-%D8%A3%D9%85%D9%88%D8%B1-%D9%84%D8%A7-%D8%AA%D8%B9%D8%B1%D9%81%D9%88%D9%86%D9%87%D8%A7-%D8%B9%D9%86-%D9%88%D8%A7%D9%82%D8%B9%D8%A9-%D9%83%D8%B1%D8%A8%D9%84%D8%A7%D8%A1|عنوان=سبعة أمور لا تعرفونها عن واقعة كربلاء|تاريخ=2017-12-06|موقع=رصيف 22|تاريخ الوصول=2020-12-09|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20191104122158/https://raseef22.net/article/77614-سبعة-أمور-لا-تعرفونها-عن-واقعة-كربلاء|تاريخ أرشيف=2019-11-04
[[#cite_ref-28|↑]] كتاب تاريخ خليفة بن خياط، [https://shamela.ws/browse.php/book-6615#page-192 الصفحات 240-250]<nowiki> {{Webarchive|url=https://web.archive.org/web/20170513010548/http://shamela.ws/browse.php/book-6615 |date=13 مايو 2017
- ↑ جوامع السيرة، ابن حزم
- ↑ البداية والنهاية لابن كثير - سنة 64 هـ - حصار ابن الزبير في مكة {{Webarchive|url=https://web.archive.org/web/20160305014517/http://library.islamweb.net/newlibrary/display_book.php?idfrom=933&idto=933&bk_no=59&ID=1039 |date=05 مارس 2016
- ↑ تاريخ الطبري - سنة 65 هـ - خلافة معاوية بن يزيد {{Webarchive|url=https://web.archive.org/web/20160305132905/https://library.islamweb.net/hadith/display_hbook.php?indexstartno=0&hflag=1&pid=157523&bk_no=334&startno=1 |date=05 مارس 2016
- ↑ موسوعة سفير للتاريخ الإسلاميّ، الجزء الثاني «العصر الأموي»، مرجع سابق، ص11.
- ↑ أنساب الأشراف للبلاذري - بيعة الأمصار لابن الزبير Archived Abriil 30, 2017 // Wayback Machine Archived 2017-04-30 at the Wayback Machine {{وصلة مكسورة|تاريخ=2020-10-13|bot=JarBot
- ↑ موسوعة سفير للتاريخ الإسلاميّ، الجزء الثاني «العصر الأموي»، مرجع سابق، ص12-13.
- ↑ تاريخ الدولة العليّة العثمانية، تأليف: الأستاذ محمد فريد بك المحامي، تحقيق: الدكتور إحسان حقي، دار النفائس، الطبعة العاشرة: 1427 هـ - 2006 م، صفحة: 30، بيروت - لبنان ISBN 9953-18-084-9
- ↑ 36.0 36.1 {{استشهاد بكتاب |مسار= http://books.google.com/books?id=iRAsAQAAIAAJ&q=oath+of+allegiance |عنوان=أخبار إسبانيا الإسلامية |الأول=سيّد |الأخير=عزيز الرحمن |ناشر=Goodword Books |سنة=2001 |الرقم المعياري=978-81-87570-57-8 |صفحة=129 |اقتباس=[توفي الأمير عبد الله في] السادس عشر من أكتوبر، سنة 912 بعد أن أمضى 26 سنة من الحكم المغمور الشائن تاركًا المتجزءة والمُفلسة إلى حفيده عبد الرحمن. وفي اليوم التالي، جرت مراسم تتويج السلطان الجديد في «المجلس الكامل» في القصر.|مسار أرشيف= https://web.archive.org/web/20200319022636/https://books.google.com/books?id=iRAsAQAAIAAJ&q=oath+of+allegiance&hl=es%7Cتاريخ أرشيف=2020-01-28