Yaziid bin Muhalab

Ka Wikipedia

Yaziid bin Muhalab bin Abii Sufra waa taliye ciidan oo ka tirsanaa Umawiyiinta wuxuu noqday gudoomiyaha khuraasaan 82H ka gadaal dhimashada aabihiis Muhalab, Xajaaj ayaa ka qaaday xilkaas, mar kale khilaafadii Suleymaan waxaa loo magacaabay Ciraaq iyo Khuraasaan, wuxuu furtay Jurjaana iyo Dabaristaan, Yaziid intii Cumar bin Cabdi Caziiz xilka haayay wuxuu ku qaatay xabsiga asigoo loo haystay hanti badan oo ku maqanayd, markii uu khilaafada qabtay Yaziid bin Cabdi Malik waxey sameeyeen Yaziid iyo qoyskiisa reer Muhalab kacdoon ay uga soo horjeedaan Dawladii Umawiyiinta, Talyihii ciidamada Maslama ayaana ku guuleystay inuu soo afjaro kacdoonkood 102H, waxaa la dilay Yaziid iyo dhamaan qoyskiisa reer Muhalab.