Abuu cabaas alsafaax

Ka Wikipedia

Amiirul mu'miniin Abuu cabaas cabdulaahi ina Maxamad ina cali ina cabdulaahi bin cabaas (afka carabiga: أمير المؤمنين أبو العباس عَبْد الله بن محمد بن علي بن عَبْد الله بن العباس القرشي) oo loo yaqaan "alsafaax" yacnii dhiig daadiye, waa khaliifka koowaad ee cabaasiyiinta kadib dhicitaankii umawiyiinta, waxaa loo caleemo saaray khilaafda 132H oo ku beegan 750 miilaadi

Abuu cabaas alsafaax
Goobtii looga dhawaaqay khilaafda abuu cabaas safaax kasoo xigasho kitaabka taariikh balcami
Khaliifka koowaad ee cabaasiyiinta
Khilaafo750-754
Ka horeeyayCidna
Ku xigayAbuu jacfar almansuur
Dhashay1721
xumeema، urdun
Dhintey754
anbaar، ciraaq
Magaca oo dhameestiran
Abuu cabaas cabdulaahi alsafaax
HoygaCabaasiyiinta
Aabomuxamad bin cali
Diintaislaam

Horaantiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

wuxuu ku dhashay xumeema oo ka tirsan maanta urdun 104H ku beegan 721 xiligii umawiyiinta halkaas oo ku barbaaray kuna sugnaa ilaa marwaan ximaar uu ka dilay Ibraahiim al imaam [1] kadib wuxuu u qaxay saga iyo qooskiisa ciraaq gaar ahaan kuufa.

Dacwada cabaasiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waxay bilaabatay dacawada cabaasiyiinta sanadkii 100H, waxaana idibada u aasay oo mudo maamulaayay muxamad bin cali aabaha abuu cabaas, si qarsoodi ah ayaa dadka loogu yeeraayay inay garab istaagaan cabaasiyiinta, muxamad bin cali wuxuu dhintay 125H waxaana hogaaminta kaga dambeeyay wiilkiis Ibraahiim al imaam, markuu dhintay hishaam bin cabdilmalik 743 waxaa sii xumaatay xaalada dawlada umawiyiinta, cabaasiyiinta oo ka faaideesanaya ayaa labalaabeen dacwada, sanadkii 129H ayuu amray Ibraahiim al imaam in la muujiyo dacwada, abuu Muslim khuraasaani ayuuna u diray mandiqada khuraasaan, waxa uuna faray la dagaalanka umawiyiinta, Abuu Muslim khuraasaani waxa uu gaaray guulo badan meelo badan ayuu qabsaday, laakin waxaa dhacday marwaan ximaar inuu gacanta ku dhigo Ibraahiim al imaam xabsigana dhigo, intaa la xerin Ibraahiim al imaam wuxuu u dardaarmay abuu cabaas alsafaax inuu hor boodo dacwada una raro qoyskiisa ciraaq.

Qabashadiis xilka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ibraahiim al imaam xabsiga ayuu ku dhintay 132H, abuu cabaas alsafaax wuxuu u soo guuray kuufa, ciraaq. Kacdoonka cabaasiyiinta wuxuu soo hooyay guulo badan khuraasaan iyo ciraaq ayaa ka baxday gacanta umawiyiinta, sanadkii 132H ku beegan 750 ayaa abuu cabaas alsafaax magaalada kuufa loogu doortay khaliifka cabaasiyiinta ee koowaad

Dhimashadiis[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abuu cabaas wax badan xilka kuma sii raagin, waxa uudhintay sanadkii 754 cudurka furuqa ayuuna u dhintay [2]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. {{استشهاد بكتاب||عنوان=البداية والنهاية|مؤلف=الحافظ أبو الفداء إسماعيل بن كثير|صفحة=68. ا
  2. {{استشهاد بكتاب|عنوان=البداية والنهاية|مؤلف=الحافظ أبي الفداء إسماعيل بن كثير|صفحة=70. الجزء العاشر|