Ceel

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Ceel
Ceel, wadanka Maali

Ceel (Af-Carabi: بِئْر Af-Ingiriis: well) (sidoo kale loo yaqaano Il biyood) waa god la qoday oo hoos u dheer oo laga helo biyo, shidaal, gaas ama khayraad dabiici ah. Ceelasha biyaha  ayaase aad u badan markii loo eego kuwa dareeraha kale laga helo.

Ceelasha biyaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Leather bucket of a well.jpg
Ceel qadiim ah, Bhaini Sahib, Ludhyana , Punjab , Hindiya
Ceel buuro ku hoos yaal
Faryab- village dug well.JPG

Biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee noqda Il-biyood markii la qodo waxaa loo yaqaan biyaha hoose, biyahaas ayaa ka yimid roobka dhulku gursaday oo si tartiib ah hore dhulka u galay, ilaa ay ka gaareen keydka biyaha hoose, waana meel ay carro iyo dhagaxaani ja buuxaan,  waxaa jira dhul biyihiisu dhowyihiin waana meelaha iska qoyan mar walba,

Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig, lagana qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.

lama degaanka qalalan ayaa la arkaa inay biyihiisu aad u fogaadaan ayna gaaraan ilaa boqolaal mitir, waxaana markaas lagama maarmaan noqonaya in ceel la qodo oo beeb la galiyo iyadoo la adeegsanayo riig si uu biyaha u sii tuuro

Ceelasha Naftada iyo Gaaska Dabiiciga ah[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Naftada iyo Gaaska Dabiiciga ah ayaa labaduba ka fudud biyaha, saa daraadeed way soo caariyaan markay helaan dusitaan, hase yeeshe Naftada iyo Gaaska Dabiiciga ayaa burqada lakab dhuleed adag hoostiis oo ka samaysan dhagaxaan, ceelasha ayaa dhex jeexaya ilaa laga gaaro Naftada iyo Gaaska Dabiiciga  si banaanka loo keeno, ceelasha Naftada iyo Gaaska Dabiiciga  ayaa hadba meel laga qodaa si loo helo ceelka, markii la hiiyo ka dib baa la keenaa warshadii soo saari lahayd.

qodida Naftada iyo Gaaska Dabiiciga ayaa u baahan khibrad iyo aqoon heersare ah taasoo la soo baranayay tobaneeyo sano, waxayna keensataa qarash badan.

Booska Ceelasha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

In la xadido meesha uu ceel noqonaysa ayaa keensanaysa darajo sare oo khibradeed, sidaa daraadeed dhul aqoonka, injineerada ayaa garan kara meelahaasoo kale nooca iyo kaydka biyoodka, Naftada ama Gaaska Dabiiciga ah inta uu le'egyahay,

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]