Nabi Ibraahiim C.S.

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Nebi Ibraahim)

Coordinates: 31°31′29″N 35°06′39″E / 31.524744°N 35.110726°E / 31.524744; 35.110726

اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Nebi Ibraahim (c.s) waxaa lagu soo dejiyay kitaabka Suxufiga.
Al-Haram Al-Ibrahimi

Nabi Ibraahiim C.S ama Nebi Ibraahim Khaliifu Allah (Af-Laatiin: Abraham Af-Hebrow: אַבְרָהָם Af Amxaari : አብርሃም Af Carabi : ar‎; "nebi ibraahim"; loo yaqaano "Khaliilu Allah" oo ah "saaxiibkii Alle") waa nebi iyo rasuul ka mid ah anbiyada iyo rususha Ilaahay u soo diray dadka. Nebi Ibraahim wuxuu ahaa saaxiibkii Eebbe (s.w), waana mid ka mida shanta Rusul ee lagu sheegay kitaabka Quraan kariimka ah.

Nebi Ibraahin waxaa loo soo direy dad caabuda xidigaha, sanabyada iyo khuraafaadka, wuxuuna dadkiisii ugu yeeri jirey iney Eebbe keligiis caabudaan, hase ahaatee wey beeniyeen. Waxayna isku dayeen iney gubaan, Eebbe ayaana ka badbaadiyey. Si kastaba ha ahaato, Eebe (subxaanahu wa tacaalaa) wuxuu siiyay caruur badan oo qaarkood laga dhigay nebiyo iyo rasuul, waxaana ka mid ah wiilashaasii Nebi Ismaaciil iyo Nebi Isxaaq. Intaasi waxaa dheer, Ilaahay wuxuu barakeeyay oo aad u badiyay tafiirta Nebi Ibraahim; tafiirtiisa waxaa ka mid ah bulshooyinka Carabta iyo Yuhuuda maanta ku dhaqan wadano badan oo Bariga Dhexe ah. Dhinaca kale, Nebi Ibraahim iyo wiilkiisii Nebi Ismaaciil ooy caawinayaan tiro malaa'ig ah waxay si wada jir ah u dhiseen Kacbada, waana aasaaska magaalada Makka ee deegaanka Xijaas ee dhulka Carabiya. Nebi Ibraahim wuxuu Alle (s.w) ku soo dejiyay Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim.

Suxufi Ibraahim[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Suxufi Ibraahim Kitaabka Suxufiga ee Nabi Ibraahim (Af Ingiriis : Scrolls of Abraham; Af Carabi : ar‎, "suxufi ibraahim", ﮐﺘﺎﺏ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ, "kitaab ibrahim"; Af Soomaali : qoraaladii Nebi Ibraahim ) waa kitaab diini ah oo Ilaahay (koreeyee) ku soo dejiyay Nebi Ibraahim. Qoraaladaasi waxaa khubarada diinta Islaamku u aqoonsan tahay ineey yihiin waxyigii Alle ku soo dejiyay Nebi Ibraahim; kuwaasi oo uu qoray Nebi Ibraahim naftiisa iyo isku duba rideen intii raacsanayd asaga ka dib markii uu geeriyooday.

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka, waxaa suurado badan iyo aayado badan lagu xusay qoraalada suxufiga ee Nabi Ibraahim.

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka[1][2] kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

  • Suxufta Ibraahim oo lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.

Nebiyada iyo Rasuusha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Nebiya Ilaahay (s.w,t) ku sheegay kitaabka Quraanka kariimka ah ee lagu soo dejiayay Nebi Muxamed waa 25 Nabi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Ku Xusan Quraanka
(الأنبیاء والرسل في القرآن)
Nebi Aadam
Nebi Al-yasac
Nebi Ayuub
Nebi Ciise
Nebi Dulkifli
Nebi Daa'uud
Nebi Haaruun
Nebi Huud
Nebi Ibraahiim
Nebi Idriis
Nebi Ilyaas
Nebi Ismaaciil
Nebi Isxaaq
Nebi Luud
Nebi Muuse
Nebi Muxamed
Nebi Nuux
Nebi Saalax
Nabi Shuceyb
Nebi Sulaymaan
Nebi Yaxye
Nebi Yacquub
Nabi Yuusuf
Nebi Yuunus
Nebi Zakariye

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed waxaa jira tiro badan oo nabiyo iyo rasuul ah oo Ilaahay (koreeye) ku soo dejiyay kutub. Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim, waxaana ugu dambeeyay kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi Muxamed. Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa afar kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
Magaca Magaca
Af-Carabi
Kitaabka Suxufi Sharaxaad Kooban
Nebi Muxamed ﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪ Kitaabka Quraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciise ﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰ Kitaabka Injiil
"Masiixiyad"
-
Nebi Muuse ﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰ Kitaabka Towraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uud ﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩ Kitaabka Sabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
  • Lagu soo dejiyay Nebi Daa'uud.
  • Wuxuu ku qoran yahay luuqada reer bani Israa'iil, iyo farta Hebrowga.
  • Wuxuu aasaas u yahay diinta Yuhuuda ama Hebrowga.
Nebi Ibraahim ﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ - Suxufi Ibraahim
  • Lagu soo dejiyay Nebi Ibraahim.
  • Wuxuu ku qoran yahay luuqada reer bani Israa'iil, iyo farta Hebrowga.

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]