Xashaashiyiinta

Ka Wikipedia

ururka xashaashiyiinta (Afka carabiga; طائفة الحشاشين, Af faransiis; Assassins) waa firqo ka tirsan shiico ismaaciiliya waxay ka go'een faadumiyiinta, dhamaadka qarnigii 5aad ee hijiriga, kooxdaan ayaa caan ku ahayd dilalka qorsheesan ay la beegsan jireen madaxda Muslimiinta iyo culumada, waxey gabaad ka yeesheen qalcado adag oo buuraha sare dushooda ah, taas oo sababtay inay fashilanto dhowr mar oo dawlado waaweyn isku dayeen inay ka taqalusaan.

Taariikhda kooxda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

xasan al-sabaax oo asalkiisu iiraan ka soo jeeda ayaa u baxay masar oo xiligaas faadumiyiinta gacantooda ku jurtay wuxuu ka soo noqday sanadkii 1081, wuxuuna bilaabay inuu ku fidiyo fikirka faadumiyiinta magaalooyin badan oo dhulka faaris ka mid ah, xasan oo hamigiisa ku ekeen faaifinta fikirka shiicada ayaa sidoo kale raadinaayay goob uu gabaad ka yeesho sanadkii 1090 wuxuu helay qalcada alamuut asaga iyo inta taabacsaneed ayaa hooy ka yeesheen ka dib wuxuu diray ciidankiisa qalcado badan oo ka ga dhaw ayeena la wareegeen xoog ayeena yeesheen.

Khaliifka faadumiyiinta mustansir ayaa dhintay 1094 wuxuuna ka dardaarmay inuu wiilkiisa weyn nzaar uu xilka uga dambeeyo, laakin wasiirka masar Al-Afdal ayaa door biday mustacli oo ah wiilka yar ee mustansir, nazaar ayaa isku dayay kacdoon bslse wasiirka ayaa ka guuleestay xabsi ayaana la dhigay halkaas ayuuna ku dhintay. arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay shiicacada, xasan al-sabaax iyo ururkiisa cusub ma ayna aqoonsan khaliifka cusub bal waxey ku tiriyeen faadumiyiinta cadawgooda.

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]