Ayaan Hirsi Ali
Ka Wikipedia
Ayaan Xirsi Cali oo ku dhalatay magaca Ayaan Xirsi Magan 13 Nofeembar 1969, Muqdisho, Soomaaliya). Waa gabadh Dutch ah oo u ol-olaysa xuquuqda dumarka mudana ahayd qoraa iyo siyaasiyad. Ayaan waxaa dhalay siyaasiga aqoonyahanka ah ee Soomaaliyeed Xirsi Magan Ciise. Ayaan ayaa markay qaaradda Yurub tagtay soo caanbaxday ka dib markii ay caadaysatay Af-lagaadhaynta Diinta Islaamka. Qormooyinkeedii lidka ku ahaa Islaamka ayaa waxaa ugu caansanaa filimka Submission (Is-Dullayn), iyo buugeedii Infidel, kuwaasina waxay sabab u ahaayeen in ururro iyo shakhsiyaad Islaami ahi ugu gooddiyaan (hanjabaan) in qudha laga jarayo (la dilayo), sidaa darteedna Ayaan nolosheedu waxay isugu biya shubatay inaan ku hoos noolaato ilaalada iyo inay ku jirto dhuumaalaysi iyo baxsi ay nafteeda ku badbaadinayso . Waxay ku kasbatay abaal marinno dhowr ah shaqooyinkii ay u haysay Xuquuqda Aadanaha. Sidoo kale sanadkii 2005 ayay ahayd markii Ayaan lagu xusay Shintiriska (Majaladda) Time iyadoo joornaalkaasi ku daray Ina Xirsi Magan 100-ka qof ee adduunka ugu dhiirranaa waqtigaas.ayan waxay kuu caanbaxday inay tahay dhillo matasha aflaanta sex ka